DEG DEG+AKHRISO: Mooshinkii ay PTIMES sii sheegtay 4 todobaad kahor oo maanta ay ka doodayaan baarlamaanka Soomaaliya & Xog ku saabsan

MUQDISHO(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com oo si dhaw ula socda dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa 4 maalmood kahor sii sheegay mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha baarlamaanka Faderaalka Maxamed Sh Cusmaan Jawaari oo ay gadaal ka riixayeen Madaxda ugu sareysa dawladda Faderaalka.

Xalay ayaa si rasmi ah loo qabtay Mooshinkan oo ay maanta ka doodi doonaan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ku gadaaman arrimo waa weyn oo u baahan cadeyn iyo kala ogaansho sidda ay ogaatay Puntlandtimes.com.

HALKAN KA AKHRISO WARBIXINTII HORE

Guddoonka baarlamaanka Faderaalka ayaa aqbalay soo jeedinta Xildhibaanada baarlamaanku ay maanta uga doodi doonaan qaraarka xilka qaadista ah, waxaana horyaala qodobo xasaasi ah.

Mooshinkan laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari, isla markaana uu qabtay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Muudey ayaa ka dhigan in wixii hada ka dambeeya aanu shir guddoomin karin kulamada Baarlamaanka, inta uu Mooshinka ka yaallo sidaasna uu ku yahay Xildhibaan caadi ah.

One Comment

  1. Lula says:

    Waa Baarlamaan mooshin u joogaa war ma xishoodaan miyaa waxaan ku talin lahaa Baarlamaanka laftiisa sharci haloo sameeyo xildhibaanka mooshinka laga gudbinayo waa in miiska la soo saaraa dambiga uu Qaranka ka galay Maxkamadna la soo saaro maaha in mooshin mugdi ku jira oo Qabyaaladaysan in shaqo laga dhigto oo meesha waxaa lagu hayaa waa ganacsi soo daadi aan ku daayee kan Baarlamaan ku sheeg waaye ee sharci iyo maxkamadayn halagu badalo mooshinkan aduunka wax ka shaqeeya maaha waa shaqo mooryaanimo ee goormaan badalaynaa.

Leave a Comment