DEG DEG+AKHRISO: Musharaxiin & Siyaasiinta PL oo ka jawaabay hadalkii M/weyne Gaas ee shalay, fariin culusna u diray Isimada & Waxgaradka

MN(P-TIMES)- Musharaxiin u taagan Madaxtinimada Puntland & Siyaasiin horey xilal uga soo qabtay maalmihii ugu dambeeyey ku foognaa arrimaha siyaasadda ee mandiqadaas ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ugahadlayaan xaaladdihii ugu dambeeyey, gaar ahaana go’aankii shalay uu qaatay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madashan ayaa bogaadisay go`aanka Madaxweynaha Puntland, waxayna sheegeen in looga baahan yahay in ay Xukuumadiisu mudada u hartay xooga saarto difaaca & sugida Amniga oo xiligan muhiim u ah mandiqada si loogu diyaar garoobo doorasho dhameystiran.

Warsaxaafadeedkan oo nuqul kamid ay heshay Puntlandtimes ayaa u qornaa.

PRESS RELEASE
March 8, 2018

Ka dib markaan dhegeysaney waraysigii Madaxweynaha Puntland ee Idaacada BBC-du ka qaadaya shalayto;

1. Puntland Focus Group waxaa ay soo dhoweyneysaa, ugana mahadnaqaysaa Madaxweynaha Dawladda Puntland in soo dhoweeyey taladayadii, kuna dhawaaqay in doorashada Madaxweynaha Dawladda Puntland dhacayso January 8, 2019.

2. Puntland Focus Group waxaa ay ku baqaysaa in Madaxweynuhu mudada u dhiman xoogga saaro arrimaha amniga dalka iyo wadajirka bulshada.

3. Waxaan odayaasha dhaqanka ugu baaqaynaa inay xubnaha golaha wakiilada u soo xulaan dad karti iyo hufnaan leh, tixgelinaaya dareenka shacabka iyo xaaladda guud ee Puntland, diyaarna u ah inay hormuud ka noqdaan is-bedel dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo dib-u-curasho dhab ah oo Puntland.

4. Waxaan Mar kale Madaxweynaha xasuusinaynaa ilaalinta talooyinkii iyo qodobadii la xiriiray dastuurka iyo khayraadka ee aan ku soo saarray warqadahayagii koowaad iyo labaad ee Puntland Focus Group.

5. Waxaan Madaxweynaha si xushmad leh ugu baaqaynaa inuu talo balaaran, miisaaman oo loo dhan yahay, ka yeesho xubnaha xallinta khilaafaadka ee Golaha Shacabka Dawladda Puntland.

Xubnaha Puntland Focus Group:

Saciid Cabdullahi Deni
Cabdullahi Axmad Jaamac (Ilka Jiir)
Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Jana Gale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Dr Maxamed Salaad Cali (Qoryooley)
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)

Warar dheeraad ah la xiriir;

Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Af-Hayeenka Puntland Focus Group,
Email: dhollowaa2013@gmail.com
Telka Gacanta: (Australia) +61469728645

7 Comments

  1. Cawil says:

    Shacabkaan uu dilooday danaystuhu isbadel ayuu u baahanyahay cabdiwali gaas hadalkiisa uu bixiyey laanta bbc ee doorashada 2019 punt land ku saabsanaa run ha uqaadanina waxaa lagu seexinayaa Shacabka iyo beesha caalamka waana siyaasi.

  2. Muniir says:

    Ma arko sabab gaas Ku kallifaysa muddo korodhsi,sababtoo ah natiijadu gacantiisa ayay Ku jirtaa oo meesha shacab wax dooran maayaan ee waxa dooranaya shakhsiyaad kooban oo 60 ah oo xildhibaanno ah kuwaana lacagtuu u sarrifi lahaa maalinta doorashada wuu diyaarsaday. markaa si looga guulaystaa way adkaan doontaa oo doorashada waxa kusoo baxaya ninkii ugu lacagta badan taana waa la garanayaa ninkuu yahay,farmaajona heshiis hoose ayuu la galay oo ah inuu taageero xilliga doorashada,farmaajona waxa loo ballan qaaday inaan puntland mucaaradin farmaajo .

  3. Muniir says:

    Marka puntland masiibada Ku habsatay waxa weeye inta ay jirtay lagasoo bilaabo 1998-2018ka oo hadda lagu jiro oo ah 20 sano may gaadhin halkii laga sugayay dhinacyo badan siiba doorashooyinka oo aanay ka gudbin soo xulista odayaashu soo xulaan baarlamaanka,iyaguna doortaan madaxweynaha oo shacabku wax go’aan ah aanay Ku lahayn madaxweynaha loo doorayo siday yihii maqane jooga. xildhibaannadiina uma eegayaan ninka ay dooranayaan aqoon,karti hogaamineed ee waxay fiirinayaan kii lacag badan udhiiba waana sababta gaas dhawaan ulahaa “Annagu shacabka hadalkiisa kuma shaqaynno ama rabitaankooda. waana runtii marka dhinac laga eego oo iyagu awalba ma dooran ee waa loo dooray. marka waa in laga fikiraa sidii lagu gaadhi lahaa furista axsaab siyaasadeed iyo doorasho qof iyo codkii ah, haddii kale sidanaa lagu jirayaa puntland ku ceebowday ee iyadoo labaatan jirsatay sidii maamulladii dhowrka sano jiray ay isku mid noqdeen xaga doorashada oo iyana sida puntland odayaashu soo xulaan baarlamaanka,baarlamaankuna doortaan madaxweynah. marka miyaan arrinkaasu nasiib darro iyo dib udhac ahayn?.

  4. Muniir says:

    Marka madaxweyne kasta oo yimaadaa wuxu iska aamusiinayaa xildhibaannadii doortay ee shacb uma joojinayo lamana xisaabtami karaan.

  5. Abdiweli says:

    inta meesha isku sharaxday cabdiweli ayaa istaahila in marlabaad la doorto. aqoon haday noqoto waa leeyahay . hadii waxqabad muuqda laga fiirinayona wax muuqda wuu qabtay. reer puntland wey yaqaanaan cabdiweli waxay ka filayaana way qiyaasi karaan. laakiin kuwaan kale qiiro iyo masayr iyo hunguri xumo ayaa damacoodo ku salaysanyahay.

    wazir iyo xildibaan ayaan soo noqday ayay ku andacoonayaan laakiin wax daxalgal ah oo ay kusoo kordhiyeen waziirnimadii ama xildhibaanimadii ay hayeen, haba ahaatee, lama hayo. marka hadii ay wazirnimadii ku fashilmeen oo xafiiskoodii fadhiid ku noqdeen, bal maxay ku soo kordhin shaqoo toodii hore ka masuuliyad weyn. waa run oo cabdiweli meel uuku liito waa jiraan laakiin yaa aadane ah oo waxkasta ku fiican

  6. Cawil says:

    Cabdiwali gaas waxaa barasho noogu filan.

    4.5 four point five doonimayno

    Iyo waxii ka danbeeyey . Hadaanu eegno waxqabadna maalintii dagaal dhaco diyaarad ayuu ka raacaa, hada oo ugu danbaysay garoowe 50 km in loo jiro .marka dadku xoolo MA ahan xero ku jira shacabku waxqabad ayuu rabaa Iyo nin ka run sheega waxii loo doortay ee danayste uma baahna..

  7. Abdiweli says:

    waxqabad haday noqoto cabdiweli wuu qabtay waxqabad muuqda oo aan la inkiri karin …umana maleeynayo in puntland soo marayo mid lamid ah haday noqoto waxqabad …Laakiin hal arin ayaan kugu raacsanahay oo ah cabdiweli in uu ahayn dagaalyahan taasna waxuu kalamid yahay Cade muuse Allaha ha u naxariistee iyo Dr Faroole. marka cabdiweli si gooni ah ha u eedayn…

    saxiib ..carmay sheekadu fir raac tahay.

Leave a Comment