DHAGEYSO: Somaliland oo markale si adag uga hadashay qaraarkii baarlamaanka Somalia ay ka gaaren DP WORLD

HARGEYSA(P-TIMES) – Maamulka Somaliland ayaa sheegay in uusan waxba saameyn ah ku yeelan doonin qaraarkii ay shalay soo saareen baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Muqdisho, kaas oo ay dalka uga mamnuuceen shirkada laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ee DP WORLD, oo hadda maamusha dekedaha Berbera & Boosaaso, ka dib markii lagu eedeeyey in ay xadgudub ku sameysya qaranimada Soomaaliya.

Mid kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka ee Xisbiga WADANI ayaa sheegay in qaraarka Muqdisho uusan dhinacooda khuseynin uuna yahay mid ku kooban meelaha ay maamusho Somaliland.

Md, Nac-nac ayaa sheegay in Somaliland ay 1991-dii go`aansatay in ay ka baxaan Soomaaliya, oo ay hadda yihiin dawlad ka madax banaan dalka, aysana saameyn Karin qaraarada baarlamaanka.

HALKAN RIIX SI AAD U DHAGEYSTO

Mudanahan baarlamaan wuxuu difaacay go`aankii ay wada qaateen xisbiyada mucaaradka ee maamulkaas oo ay ku sheegeen in ay ka baxeen Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in ay xooga saarayaan sidii ay mashaariicdaas ku socodsiin lahaayeen.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada