DHAGEYSO:- Xildhibaan Fiqi “Madaxweyne Farmaajo Wuxuu Gaashaandhigga U Tegay In Uu Dalka Xoog Ku Qabsado”

MUQDISHO(P-TIMES)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa Eedeeyn u Jeediyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.

Xildhibaan Fiqi ayaa Sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo ka aamusay Khilaafka iyo Xiisada ka Dhex Aloosan Baarlamaanka Iyo Xukuumadda, Isagoo og Xaalada uu Dalku ku Sugan yahay, waxaana uu Tilmaamay in taas ay U Qaateen in uu Isagu wax ka Og-yahay Howshan.

Fiqi ayaa Xusay in Madaxweyne Farmaajo uu aaminsan yahay Xoog iyo Inqilaab in Dalka Lagu Maamulo, arrintaas darteedna uu Degay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, si uu Isigu Duwdo Ciidamo Xoog uu ugu Maamulo Dalka.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, ayaa Sheegay in Farmaajo uu la Saftay Xukuumadda, oo uusan Sameyn Dhex-dhexaadnimadii uu Sameeyay Madaxweynihii Dalka Hoggaaminayay 2010, kaas oo si dhex-dhexaad ah u Xaliyay Khilaafka noocan oo kale ah oo Dalku uu Galay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa ka hadlin Xiisada ka Dhex Aloosan Golaha Shacabka Baarlamaanka, taas oo ka dhalatay Mooshinkii laga Keenay Guddoomiye Jawaari oo la Sheegay in Dabada ay Riixayso Xukuumadda.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO.

PUNTLAND TIMES

3 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DHAGEYSO:- Xildhibaan Fiqi “Madaxweyne Farmaajo Wuxuu Gaashaandhigga U Tegay In Uu Dalka Xoog Ku Qabsado”

  1. FIQI IYO SAAXIIBADI WAXAY U FADHIYAAN BAARLAMAANKA IN AY MOOSHIN LAGU DUMIYO DOWLADDA SOOMAALIYEED EE MAANTA SHARAFTEENII IYO KARAAMADEENII AAN KA DHEX ARAGNAY OO AAN CAALAMKA LA XISAABTAMI KARNO CIIDANKA QARANKA SOOMAALIYEED MA AHA CIIDAN BEELEED LOO ADEEGSAN IN LAGU DHACO SHACABKA MASAAKIINTAA WAXAAN LEEYAHAY GUUL FARMAAJO IYO KHAYRE DULI DIIDE SHARAF DOONE WAXAA IDINKU FARAXSAN SHACABKIINA IDINA GARAB TAAGAN HORAY U SOCDA GUUL.

    Reply
  2. WAXAAN LEEYAHAY FIQIYOW INAAD AAMUSTAA KUU ROON WAAYO QOFKU HADUUSAN KHAYR SHEEGAYN AAMUSKAA U KHAYR BADAN WAAYO DOWLADAN OO BILO JOOGTAA WAXAAD AFLAGAADAYSAY BEESHA UU KA SOO JEEDO FARMAAJO ASAGANA AAD TIRI VILA SOOMAALIYA FADHIN MAAYO OO WAAN KA SOO JIIDAYNAA HADALADAAS IYO KAN AAD MAANTAY KU HADASHAY QOF MAS;UUL AH AMA MIYIR QABA MA AHA WAX KU HABOON IN HADLO WAAYO KARAAMADA BANI AADAMIGA AYAAD ISKA QAADAY WALAASHAA SOOMAALIYEED BAAN AHAY WAA KUU NASTEEXAYNAYAA MIDDA KALE MAXAY TAHAY COLAADDA HALKAAS GAARTAY FARMAAJI WUXUU KU YIMI RABITAANKA SHACABKIISA BERRINA MARKAY U DHAMAADO WAQTIGA LOO DOORTAY WUU KA DAGAYAA SIDAA DARTEED FIQIYOW JAGOOYINKA AAD HORAY U SOO QABATAY IYO HADOO AAD NOO TAHAY XILDHIBAAN MIDNA MA ISTAAHISHID WAA FIKRADAYDA WAAYO XAQ BAAN U LEEYAHAY FIKIRKAYGA.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada