FAALLO: Qoraa Sare Dr Saadiq Enow oo si adag uga hadlay Loolanka mandiqada ay Somalia kutaalo & Sidda Madaxdeedu u dhaafsadaan Aduunyo yar

Dhallinyaro, Xiisadda Jabuuti iyo Imaraatka, sida aanu soo xusnay waa mid ka dhalatay heshiiskoodii la xiriirey dekadaha. Xiisaddaas waxay ka dhalatay markii Imaraatka uu damac ka galay in dekadda Dooraaleh ay gacanta u gasho. Jabuutina waxay arinkii u aragtay, shirkadda DP-World in ay ku xad-gudubtay madax-bannaanida qarannimadii Jabuuti. Arintan markii si hoose loo eego, waxaa soo baxaya in ay xiriir la leedahay dagaalka aamusan ee dekadaha, kaas oo uu dhaliyay mashruucii ahaa Suun qura iyo Waddo qura (One Belt One Road). Dowladda Jabuuti waxay handadaad kala kulantay masuuliinta shirkadda DP-World.

Markay taariikhdu ahayd 15/ 2- 2018-kii, kulan ayaa ka dhacay Dubai oo dhex-maray wasiiro reer Jabuuti ah iyo masuuliin Imaraat ah. Goortii lays af-garan waayay ayuu madaxii shirkadda DP-World Suldaan Axmed bin Saliim wuxuu yiri, waxaanu dekadda Jabuuti ku celineynaa marsadii ay ahayd 2005-tii horteed.

Handadaadaas waxay kamid tahay tabaha guracan ee damaca indhaha la´ lagu gardaadinayo oo ay ku doonayaan in ay boobaan hanti dad leeyihiin. Madax-waynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kuma uusan ekaan in uu Imaraatka fogeeyo oo keliya, bal wuxuu wada-hadal u furay shirkadihii Shiinaha. Wada-hadalka wuxuu ku saabsanaa in uu saldhig ciidan ka siiyo dalkiisa. Shiinaha in ay saldhig ku yeeshaan Jabuuti waxaa kaga horeeyey waddamo badan oo ay kamid yihiin Fransiiska, Mareekanka, Jabaan, Talyaaniga, Jarmalka, Isbaaniya, kuwaas oo dhamaantood ay ciidamo ka joogaan dalka Jabuuti. Sacuudiga iyo Imaraatka oo markaas la cayriyay ayaa weheliyay.

Wada-hadalka Shiinaha iyo Jabuuti wuxuu bilowday bartamihii sanadkii 2015-kii. Wuxuu soo dhamaaday bishii january 2016-kii. Sal-dhiggaas oo laga dhisay galbeedka dekadda Jabuuti ayaa wuxuu yahay saldhig ciidameed oo Shiinuhu ku leeyahay meel dalkiisa ka baxsan midkii ugu horeeyey. Isla-markaas waa saldhigga keliya oo Shiinaha ay ku leeyihiin degaan ka baxsan dalkooda.

Dhismihiisa wuxuu soo gaba-gaboobay bartamihii sanadkii 2017-kii. Waxaa ku baxay lacag dhan 590 milyan oo doollar. Jabuuti waxay Shiinaha kaga kireysey saldhigga, hanti dhan 120 melyan oo doollar sanad walba. Arintani waxay xoojinaysaa awoodda dowladnimo ee Shiinaha iyo ka-muuqashadeeda degaankan istraateejiga ah.

Markay taariikhdu ahayd 11/ 7- 2017-kii, waxaa Jabuuti ku soo xirtay raxan maraakiibta dagaalka ah oo ka soo socdaalay saldhigyada ay Shiinuhu ku leeyihiin badda Koonfur (South Sea), gaar ahaan degmada Shanjiyaang (Zhanjiang). Raxantan waxay u timid in ay ka qayb-galaan xafladda furitaanka saldhigga. Waxaa xafladda goob-jooge ka ahaa wasiirka difaaca Jabuuti Xasan Dharaar Hufane iyo taliye-xigeenka ciidanka badda ee Shiinaha Admiral Tian Zhong.

Si rasmi ah waxaa saldhigga loo furay 1/ 8- 2017-kii. Maantaas waxay ku beegneyd sanad-guuradii ay 90 jirsadeen ciidamada xoreynta dad-waynaha (People’s Liberation Army). Dab-ridkii ugu horeeyey waxay ka sameeyeen Jabuuti 22/ 9- 2017-kii. Tirada ciidanka Shiinaha ee Jabuuti waxaa lagu wadaa sanadka 2026-ka in ay gaaraan 10,000 oo nin. Laakiin qorshahoodu wuxuu yahay in la toban-jibbaaro oo la gaarsiiyo 100,000 oo nin. Ujeeddada uu Shiinuhu saldhiggaan u doonayo waxay tahay in uu ka ilaashado maraakiibtiisa ka gudbaya Baab Al-Mandab. Waxaa xusid mudan, 1/3 oo ah maraakiibta halkaas maraya in ay yihiin kuwo xambaarsan badeecad laga leeyahay dalka Shiinaha. Dowladda Jabuuti, in-kasta oo ay horey ugu oggolaatay in ciidamo Shiino ah ay tababar ku sameeyaan degaanka Obokh, misana waa ay u diideen markii ay ka codsadeen in saldhig halkaas laga siiyo. Sababtu waxay tahay, waxay u baqeen mustaqbalka oo Obokh waxay tahay furaha madiiqa Baab Al-Mandab. Ciddii halkaas fadhida ayaa u talisa madiiqa Baab Al-Mandab.

Halkaas waxaa ka muuqda cashar tilmaamaya in qofka masuulka ah markuu dhowrato maslaxadda iyo aayaha ubadkiisa, ma noqdo nin wax-walba saxiixa oo san-dareerto ku dhaafsada.

Dowladda Mareekanka, meesha keliya oo qaaradda Afrika ay ku leedahay saldhig ciidan waxay tahay xero lagu magacaabo (Camp Lemonnier), taas oo ku dhinac taal gegida dayuuradaha ee Jabuuti (Ambouli International Airport). Waxaa halkaas ku sugan ciidan dhan 4,000 oo nin, kuwaas oo u jooga barnaamijka caalamiga ah ee argagixiso la dirirka. Ciidankaas oo la shaqeeya ku-dhowaad toban dowladood oo degaanka ah, ayaa qaarkood ay si qarsoodi ah ku joogaan. Waayo waxay wax ka hoggaamiyaan dayuuradaha Daroonka ah ee dhulka laga hoggaamiyo ee lagu dilo dadka. Saldhiggaas wuxuu Mareekanku uga kireysan yahay 79 melyan oo doollar sanadkii.

Ciidamada Mareekanka iyo Shiinaha ee ku kala sugan waddamadooda, waxay kala joogaan bad-waynta Baasifigga dhankeeda bari iyo dhankeeda galbeed. Masaafada ay isu jiraan waa dhowr kun oo km. Laakiin Jabuuti waxay isu keenetey labadii ciidan oo saldhigyadooda ay dhowr km. isu jiraan. Taasi waa sawir lagu tilmaansan karo ahmiyadda uu degaanku leeyahay.

Xeryahaas xero ka ag-dhow ayaa iyaduna waxay saldhig ciidan u tahay Ciidamada Is-difaaca Badda ee Jabaan (Japan Maritime Self-Defence Force). Dowladda Jabaan, dagaalkii II-aad ka-dib, waxay xeer ka dhigatay in asakri Jabaan ah aanan loo dirin dalka dibaddiisa. Laakiin markaan waxaa damac ka galay in ayan ka harin saldhigyadan laga dhisanayo dhulalka u istraateejisan adduunka iyo kheyraadkan la kala boobayo oo uu ugu horeeyo kalluunka badda Soomaaliya. Si ayan uga qadin arimahaas, barlamaanka Jabaan wuxuu jebiyey xeerkii reebayay in ciidan dibadda loo diro, kaas oo ay ku dhaqmaysay tan iyo dagaalkii II-aad wixii ka danbeeyey. Waxay xeerkii ku beddeleen xeer fasaxaya in askarta loo diri-karo dibadda. Laakiin shardiga ay raaciyeen ayaa wuxuu yahay in ciidanka lagu diro talo barlamaanka lagaga dooday oo laysku raacay. Isla-markaas goortii ay dhamaato muhimadda ciidankaas dibadda loo diray, in ciidankii lagu soo celiyo saldhiggoodii.

Bishii juun 2012-kii ayaa Jabaanku waxay dalka Jabuuti ka furteen saldhig ciidan. Saldhiggan ayaa wuxuu isna yahay midka keliya oo Jabaan ay ku leedahay meel dalkeeda dibadda ka ah. Saldhiggan oo laga dhisay dhul gaaraya 12 hiktaar, ayaa waxaa ku baxay kharaj dhan 40,07 milyan oo doollar. Waxaa halkaas ku sugan 180 nin oo ciidamada badda ee kuwa dhulka ka dagaalama ah. Dhulka waxay ku qaateen lacag gaareysa 1,2 melyan oo doollar. Waxaa halkaas ka baxa duulimaad dayuurado iyo maraakiib kamid ah ilaalada degaanka. Ciidamada Shiinaha oo ku soo biirey saldhigyadii degaanka, waxay Jabaankii ku khasabtay in ay kordhiyaan tirada ciidamadooda.

Haweeneyda wasiirka difaaca ah ee Jabaan (Tomomi Inada) oo booqasho ku tagtay saldhigga bishii august 2016-kii, waxay sheegtey in la waasicinayo saldhiggaas. Muddo gaaban dabadeed, tiradii ciidankaas waxay gaartay 400 oo nin, welina kor ayay u-sii socotaa. Soomaali waxaa u ayaan-darro ah, degaanka sidaas ay ugu soo qul-qulayaan xoogaggii dunida ugu waynaa in ilaah ku abuuray, misana masuuliintoodu ay garan la´-yihiin si ay uga faa´iideeyaan dadka ay dowladaha u yihiin.

Waxaa qoray Qore sare : Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com

Leave a Comment