FALANQEYN: Mooshinka Jawaari & Xaaladdaha qalafsan ee dhanka Siyaasadda ka taagan?

Xasaraddihii ugu adkaa ee dhinaca siyaasadda ah ayaa ka aloosan caasumada Soomaaliya, Xildhibaano taabacasn Gudoomiye Jawaari ayaa xaaladda uga sii daray xalay markii ay ku dhawaaqeen in ay dhamaatay mudadii sharciga ahayd ee Mooshinkii Madaxtooyadu gadaal ka riixeysay, lana doonayay in lagu ceyriyo Jawaari, saaxiibada kale ee Mooshinka waday waxay sheegeen in uu sharci yahay oo uusan burburin.

Wararka u danbeeyey ee Mooshinka

Xildhibaanada Mooshinka wada oo la aaminsan yahay in ay taageero xooggan ka haystaan Xukuumadda ayaa wada qorshe wax looga beddalaayo xeerka baarlamaanka ee sheegaya in mooshinka laga keeno shirguddoonka ama Guddoomiyaha uu yahay mid ku dhacaya si qarsoodi ah, in laga dhigo gacan taag, taas oo ah mid baal marsan sharciga, Xildhibaanadan kalsooni buuxda kuma qabaan hadii codku qarsoodi noqdo in la heli karo 184 Xildhibaan oo mooshinka taageerta si Jawaari xilka looga qaado.

Wararku waxay sheegayaan in Xildhibaanada xukuumadda ku jira ee Mooshinka wada ay wadaan dedaalkii u danbeeyey sidii Mooshinku ku meel mari lahaa,waxaana warar soo baxayaa ay sheegayaan in ay isticmaalayaan waddo kasta, tusaale waxaa lala hadley safiiro laga ocdsadey in ay la so hadlaan Xildhibaanka reerkooda si uu u taageero Mooshinka haddii kale uu waayi karo xilkiisa.

Haddii mooshinku uu noqdo gacantaag waxaa la aaminsan yahay in Afhayeenka Baarlamaanka Jawaari uu ka soo degayo Kursiga soona dhex galayo Xildhibaanada oo mooshinku helaayo tiro ku filan marka la eego culeyska la saarey. Haddii Mooshinka la mariyo sida xeerku qabo oo ah in uu yahay qarsoodi waa fallaartii cirka loo ganey waxaana loo badinayaa in Xildhibaano badan aysan u codeyneyn Mooshinka.

Xildhibaano ku dhaw 80 Xildhibaan ayaa fiidnimada Arbacada ku shiry Villa Hargeysa, waxaana Xildhibanadan ay isku raacsan yihiin in Mooshinku fashilo, Xildhibaanadan ayaa ka wada hadley sidii ay uga horteg lahaayeen qorshaha soo baxay ee sheegaya in Mooshinka laga dhigo gacantaag, sidoo kale waxay kawada hadleen haddii la isku dayo in Mooshin fawdo ah la sameeyo gacantaag laga dhigo, ama rabshad baarlamaanka laga dhex kiciyo kadibna lagu dhawaaqo in Mooshinku meel maray, si lamid ah codeyntii Sh. Aadan Madoobe guddoomiyey ee ay sheegeen in lagu ridey Cumar Cabdirashiid sanadkii 2010 iyada oo wax codbixin ah dhicin.

Doorka Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mooshinkan ka hadlin soona dhex gelin. Marka laga reebo kulan uu la qaatey guddi ka socdey Aqalka Sare. Warar Horseed heshey ayaa sheegaya in Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya iyo Raysalwasaare Kheyre ay Madaxweynaha ka codsadeen in uu u guuro Wasaaradda Gaashaandhigga muddada ay kala tuurayaan Mooshinkan, ama ay ku khasbayaan in Jawaari is casilo, waxay ka cabsi qabeen in Xildhibaanada labada Aqal ay Madaxweynaha fursad u helaan ay mooshinka ku qaboojiyaan, Xarunta la geeyey Madaxweynaha ayaa magaalada ka baxsan, waana goob Xildhibaanadu aysan tegin dhanka amniga dartiis haddii aysan ciidan la socon, arrintaas waxay fududeysey in Madaxweynaha la waayo doorkiisina uu ka baxo meesha. Xildhibaanada ayaa ku doodaya in ay la gor-gor-tamayaan qof aan la dooran, shacabkana metelin, uuna maqan yahay doorkii Madaxweynhii la doortey.

Waxaa lagu wadaa Khamiista in Xildhibaano ka socda Baarlamaanku ay kulan la qaataan Madaxweynaha oo hadda ku soo laabtey xarunta Villa Soomaaliya kadib markii Mooshinku daba dheeraadey, Jawaarina is casili waayey, ma cadda waxa kulankan ka soo bixi doono iyo in Madaxweynhu soo dhex geli doono khilaafka.

Haddii Jawaari baxo, Yaa ku xigi doona?

Maxamed Sh. Cismaan Jawaari waa siyaasi guug cadaa ah, waana sharci yaqaan, waa markii labaad oo uu noqdo Afhayeenka Baarlamaanka federaalka isaga oo aan taageero ka helin Gobolada uu ka soo jeedo, Baarlamaankii 9aad ayaa la sheegaa in uu maamuley si sharciga ka baxsan, sida ridida laba raysalwasaare, hirgelin la ‘aanta sharciyada hay’adaha datuuriga ah, dastuurka oo aanu waxba ka qaban iyo arrimo kale oo badan, balse waa rug-cadaa si wanaagsan u garanaya xeeladaha siyaasadeed.

Su’aasha la is weydiinaayo ayaa ah xil ka qaadista Jawaari ma soo afjaraysaa khilaafka Baarlamaanka iyo shaqooyinka Dowladda ee curyaamey, waxa keliya ee baarlamaanka mideyn kara waa in ay gaaraan xal-siyaasadeed, kaas oo saldhig u ah sarreynta sharciga ee madaxbanaanida hay’adaha dastuuriga ah.

Ugu danbeyntii haddii Mooshinkan xal siyaasadeed laga gaari waayo waxaa la is weydiinayaa cidda ku xigta Jawaari ee albaaabka ka bixi doonta.

Leave a Comment