Somaliland oo ka jawaabtay dacwad DF Soomaaliya u gudbisay QM oo ku saabsan Heshiisyada Berbera

HARGEYSA(P-TIMES)- Maamulka Somaliland oo sheega in ay ka goosteen Soomaaliya ayna yihiin dal madax banaan ayaa ka jawaabay dacwad ka dhan ah heshiisyo ay la galeen shirkado laga leeyahay Imaaraatka Carabta oo ay dawladda Soomaaliya u gudbisay golaha Ammaanka ee Qaramada Midowbay.

Wasiirka Arrimaha dibada ee Somaliland Sacad Cali Shire oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in talaabada ay qaaday dawladda Faderaalka ay tahay mid sii xiraysa rajada laga qabi karay wada hadalo rasmi ah oo dhexmara dhinacyadan, isla markaasna dacwadaas ay ka aaminsan yihiin wax laga leeyahay ujeedooyin siyaasadeed.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan dhankooda khuseynin arrimaha laga hadlay, ayna socon doonaan heshiisyadan oo uu sheegay in ay yihiin kuwa muhiimad ugu fadhiyo deegaanada maamulkiisa, wuxuuna inkiray sharci daradda heshiisyadaas oo uu sheegay in ay ayagu galeen.

Mr, Shire wuxuu kaloo sheegay in ay iska difaaci doonaan wax kasta oo duulaan ah caalami ah oo ku yimaada heshiiska ay la galeen dawladda Imaaraatka Carabta ee la xariira Saldhiga Milateri ee laga dhisayo Berbera iyo Dekedda oo ay ku wareejiyeen DP WORLD.

Sidoo kale Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay xiriirka u dhaxeeya Somaliland iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee deegaannadooda ka hawlgala, wuxuuna tilmaamay in uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan.

Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu gudbisay Qaramada Midowbay in ay ka soo horjeeda heshiiska dhexmaray Somaliland & Imaaraatka Carabta, kaas oo Xukuumada ABU DHABI u sahlaya in ay Saldhig ciidan ka fuato magaalada Berbera, sidaa soo kalena ay la wareegto Dekeda magaaladaas oo ay haystan doonto mudo ku siman 30 sanno.

Isla bishan Dawladda Faderaalka ayaa Jaamacadda Carabta u gudbisay dalabkeeda ku aadan in lagu xadgudbay Madax banaanida Soomaaliya, xadgudubkaas oo kayimi dhinaca Imaaraatka Carabta oo ah dalka ay ku wada jiraan Jamciyadda Carbeed, waxaana wada hadalsiin hoose labada dhinac ka dhex-wada dawladda Sacuudi Careebiya.

Somaliland ayaa ku doodaysa in ay xaq u leedahay una madax banaan tahay mashaariicda, heshiisyada iyo horumarka deegaanadeeda, oo aysan cidna saxiix iyo wada hadal toona kala gali doonin, waxayna u muuqataa in uu maamulkaasi hadda wajahay dagaal adag oo xagga diblumaasiyada ah.

6 Comments

  1. Abdiweli says:

    lixda maamul goboleed awood hoose oo ay dhaqqalahooda iyo maalgashigooda ku maamulaan ayee leeyihin. federaalkuna bad iyo cir iyo xuduud iyo socdaal iyo arin milatery ayey awoodeeda leedahay. marka waa muqadas in lakala dambeeyo si wadanku horey ugu socdo.

  2. Lula says:

    Dalku waa mid Soomaaliya Midnimo awooda waa la kalaleeyahay midda maal gashiga caalamiga waxaa leh dowladda Fedaraalka oo la isugu imaanayo state kasta wuxuu leeyahay inuu maamusho Amnigiisa gudaha dhaqaalaha looga qoondeeyo wixii dhaqaale ah oo ay dowladdu siiso meeshaan ma jiraan dowladdo siman waa Gobolo ka mida Soomaaliya ma dhici karto in lays barbar yaaco oo wax aan baratakoolku qorayn sharci aduunka lagu maamulana ahayn in Madaxweyne iyo Governatoore gobol maxaa la isku xaq dhowraa ha fariistaan nimankan Maamulada madaxda ka ah Biixi ninka la yiraahdana carabkuu rabaa in cirka ku leefo!!!!!!!

  3. warjileeca dhabayaco waa sidaa

    ilaa quruumihii awoow yaashayo kuwaasay ahaayeen sidaa warkoodu u cadyahay
    bal dhagayso tixdaa

    Haddii qolo intii aan la ridey qolona riixaayey
    Oon raxan dhurwaa iyo dawaco wada rasaaseeyey
    Ruuga iyo Jidbaale iyo haddaan Rigacad soo joogey
    Oo raranki Beerdhiga cagaag ruugagga i diiray
    Oo aan Ilkacad roorayey oo ridayey maadhiinka
    Alow yaa riwaayad iga qora raail baan ahaye
    ——————-

    Gelimays arlada uu degiyo gaanka Ba Xawaadle
    Waxa webiga guud jooga baan gelin ogaadaaye
    Galawgiyo jinkaa ii warama gaar habeennimoe
    Guuguulahaa duulayaan gacal waraystaaye
    Gudcur dama alalylkii ninkii gegi ku kaajaaya
    EE geli cidla ah moodayoow geeshash bay tuban
    Gaadh aan ilaalo u diraa geed ku hoos jirae
    Goonyaha ragbaa kaa fadhiya aadan garanayne.

  4. Abdiweli says:

    run ahaantii hadii soomali wax isla rabto waxkasta waa hagaagi lahaayeen. maadaama aanu hada noqonay dowlado isu tagay waa inaanu dhaqan galinaa ixtiraam kor iyo hoos u socda. dowlada federaalku waa dalad ay hoydaan dowladaha hoos hoganaya. dawladaha hoose waa autonomous states oo awood buuxda u leh maamulida statekooda haday noqoto soo saarka kheyraadka dabiiciga ah am siyaasada iyo amaanka iyo shareecada gudaha ah. dawlada federalkuna waa maamule guud oo qaybe ku leh canshuuraha iyo kheyraadka kasoo xerooda stateyada. qiyasta federalku heleyo hadee waa tii lagu heshiiyo oo laysku aamino. habdhaqanka siyaasadeed ee soomaaliya way ka duwantahay sida dowladaha dariska tusale ethiopia. soomali waxay ku heshiisey in ay yeeshaan dowlad federaal ah iyo dowladaha ay ku dhisantahay. waxayna soomaali ku heshiiyeen in dowlada federaalku uu awood buuxda ku yeelan dawladaha xubnaha ka ah. oo awooda federaalku xayibanyahay. sidaas oo kale waxay soomalu ku heshiisey in stateyadu ay yeelan awood ka baxsan xuduudohooda. dhibaatada meesha taala ma ahan nithaankaan la doortay ee waa fahmaka nithaamka la doortay. faham la’aantaas oo dhamaan wada saameysey federalkii iyo stateyadii oo sababay isku dhac iyo is afgarad waa ayado tu’ba tan kale xaquuqdeedii ku xadgudbayso. tusaale.. .barbar iyo boosaaso mashruuc hornimaded aya hirgalintoodu bilaamantay. labada state ay khuseyso xaq buuxa ayey u leeyihiin in ay shirkado shisheeye la heshiiyaan ayagoo dowraya ama ixtiraamaya xuquuqda iyo saami qaybsiga federalka. saldhig milatari wuu ka baxsanyahay awooda stateka oo awoodaa waxaa leh federaalka. federaalku xaq uma leh in uu banado mashruuc hormarineed oo stateku ku tilaabsado ayagoo markaas wax qiil ah u haysan. hadii mashruucaas dhibaato kasoo gaareyso dadka iyo dalka federraalku xaq buu u leeyahay in mashruucaas banado. waa gaf hadii federaalku banado mashruuc dhaqaalaha iyo hormarka kobcinaya oo ay stateyadu xaq u leeyihiin in ay fuliyan ayagoo markaas kaashanaya ciday doonaan. marka federaalka iyo stateyadu waa in ay garowsadaan awooday leeyihiin iyo tay laheeyn

  5. Abdiweli says:

    waxkasta waxaa loo maraa wado hagaagsan….war yaa kalahagin umada haday haawey wada noqdeen

  6. khadar says:

    waxan ay dawlada taagta darane muqdisho maamusha wado waa wixii ay ka dhiidhiday Somaliland 1980 iminka na wax ay u dhimaysa majirto
    waxayna awood sii siinaysaa goaanka shacbi waynaha Somaliland

Leave a Comment