TOOS U DAAWO: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Mareykanka oo xaflad soo dhaweyna u qabtay Musharax Faarax Cali Shire

MN(P-TIMES)- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka kunool, gaar ahaana kuwa Puntland ayaa hadda si toos ah xaflad ugu qabanaya Musharax Faarax Cali Shire oo kamid ah musharaxiinta u taagan Madaxweyne-nimada Puntland doorashada nagu soo aadan ee 2019-ka.

Jaaliyadda oo jeediyey khudbado kala duwan ayaa bogaadiyey musharaxnimada wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland, waxayna sheegeen in ay u arkaan hogaankii waqtigan dalkan u baahnaa.

Khudbado kala duwan ayaa laga jeedinayaa madashan, waxaana ilaa hadda hadlay xubno taageerayal ah oo sheegay in ay soo dhaweynayaan talaabo kasta o wanaag ah.

Faarax ayaa kamid ah musharaxiinta ugu cad-cad ee Madaxweyne-nimada Puntland u tartamaya, waxaana lafilayaa in uu loolanka ugu adag uu ka dhaco Garoowe sannadka nagu soo aadna bilowgiisa.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

One Comment

  1. Anonymous says:

    Waxay ilatahay in aad maanta doorataan dadka Idinla dhistay buntland

Leave a Comment