Gudoomiye Jawaari oo ku jira xaaladdii ugu adkeyd, Shirar deg deg ah oo ka socda Villa Somalia & Villa Hargeysa

MUQDISHO(P-TIME) – Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa wajahaysa daganaansho la’aan siyaasadeed oo xoog badan, gaar ahaana waxay xoogeedu ku bilowday gudoonka baarlamaanka oo xalay laga gudbiyey mooshin kalsoonida loogala laabanayo.

Guddiga Joogtada ah ee baarlamaanka ayaa leh kulan deg deg ah oo ay arrimahan kufalanqeynayaan, waxaana ilaa hadda dood adag ka taagan tahay xagga la aadayo iyo sidda loo wajahayo arrimahan waqtigan taagan.

Gudoomiye Jawaari oo xaaladdu ku adag tahay ayaa ku jira go’odoon Siyaasadeed oo xoog badan, wuxuu wajahayaa marxalado iyo dufaano siyaasadeed oo harqiyey, gaar ahaana dhinaca baarlamaanka.

Madaxtooyada ayaa wada dagaalkii ugu adkaa oo ay ku dooneysto in ay hesho kalsoonida baarlamaanka Faderaalka, meeshana laga saaro Gudoomiyaha baarlamaanka, waxaana xaaladdaas ay hadda maraysaa meeshii ugu adkeyd.

Sidoo kale Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka socda kulamo gaar gaar ah oo ku aadan xaalada siyaasadeed iyo mooshinka, iyadoo Xildhibaanada horboodaya Mooshinka ay yihiin kuwo ku xiran xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Dhinaca kale waxaa iyana isa soo taraya mooshin kale oo la sheegayo in laga wado Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in xilliga Mooshinkan ku soo aaday ay tahay xilli xasaasi ah, iyadoo maalin ka horna Xildhibaanada Golaha shacabka ay ansixiyeen Xeer dalka looga mamnuucayo Shirkadda DP World, isla markaana lagu laayay dhamaan heshiisyadii ay gashay.

Leave a Comment