WAR DEG DEG AH: M/weynaha Soomaaliya oo si deg deg ah u joojiyey Shirkii maanta ee baarlamaanka Faderaalka & Xiisad taagan

MUQDISHO(P-TIMES) – Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu eedaynayo in uu gabay doorkiisii xil gudashada ee Shaqada Qaranka Soomaaliya ayaa saaka la sheegay in uu amray in la joojiyo kalfadhiga golaha shacabka ay maanta yeelan lahaayeen, kaas oo ay uga wada hadli lahaayeen Ajendayaal xasaasi ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in uu la hadlay laamaha Amniga & Guddoonka golaha oo ay ka wada hadleen sidii loo baajin lahaa shirkan, isla mrkaasna howlaha socda wada hadal markale loogu dayi lahaa ama ugu yaraan loo abuuri lahaa jawi daganaansho.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in talaabadan ay dhacday markii si qasab ah ay xalay u kulmeen Madaxweynaha & Xildhibaanada Beesha Daaroodka oo si rasmi ah ugu cadeeyey in ay xilkiisa ka qaadi doonaan, haddii berri uu dhaco kalfadhi baarlamaan oo ay dagaal adag ka dhaco.

Wakaalada Wararka ee SONNA ayaa baahisay in uu sidaas codsaday Madaxweynaha Soomaaliya in maanta la baajiyo shirkan, waxaase ilaa hadda ku xeeran su’aalo fara badan, iyadoo la og yahay in uu Kheyre si wanaagsan ula saftay.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay in la hakiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa, kaddib soo jeedin ka timid Madaxweynaha.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid lagu baajinayo qalalaase iyo fowdo ka dhex bilowda Baarlamaanka, haddii uu kulanka furmo, waxaana tan iyo xalay soo baxayay hadalo dhiilo ah oo labada dhinac ay hawada isku marinayeen.

FAAHFAAHINTA SI AAD U HESHO RIIX HALKAAN

 

Halkaan Ku Qor Fikirkaada