WAR DEG DEG AH: Mooshin ka dhan ah RW Kheyre oo loo gudbinayo goor dhaw Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya

MUQDISHO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa sheegaya in Xildhibaano gaaraya 110 Xildhibaan ay goor dhaw saxiixeen mooshin ka dhan ah raysalwasaaraha dawladda Faderaalka Xasan Cali Kheyre.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in xildhibaanadan ay gudoomiyaha baarlamaanka u gudbiyey mooshinkan, waxaana lafilayaa in ay qabtaan shir jaraa’id oo ay uga hadlayaan arrimahan.

Mid kamid ah Xildhibaanada saxiixay mooshinkan ayaa u sheegay Puntlandtimes in uu Raysalwasaaruhu kufashilmay hogaaminta siyaasadda arrimaha dibada iyo gudaha ee dalka, isla markaasna ay xukuumadiisu dhexda u gashay dambiyo waa weyn.

FAAHFAAHINTA RIIX HALKAAN

Halkaan Ku Qor Fikirkaada