WAR DEG DGE AH: Mooshinkii laga keenay Gudoomiye Jawaari oo fashilmay & Guddoonka oo qeybsamay.

MUQDISHO(P-TIMES)- Guddiga Joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeeshay fadhi deg deg ah oo ku saabsan sidii ay sharciyadda u wajifin lahaayeen Mooshin xalay laga soo gudbiyey gudoomiyaha golaha Baarlamaanka ayaa xaqiijiyey in ay ka laabteen heshiiskan mudanayaal baarlamaan oo cusub, taas oo kaliftay in uu jabo.

Xildhibaan Sharmaake Garaad Saleebaan Buraale oo katirsan Hab-dhawrayaasha baarlamaanka Faderaalka ayaa sheegay in uu jabay sharci ahaanshaha Mooshinkaas, isla markaasna ay guddiga joogtada ah war ka soo saari doonaan.

Mudanayaal kale ayaa u sheegay Puntlandtimes.com in uu jirro kala aragti duwanaansho hareeyey doodihii maanta ee guddiga Joogtada ah, taas oo kaliftay in aan la gaarin go`aan mideysan.

Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka Faderaalka ayaa laga codsaday in uu golaha horkeeno Sharciyada saxiixa mudanayaasha, laakiin wuu ka gaabsaday, taas oo kaliftay in sidaas buuq iyo qeylo ku dhamaado shirkii guddiga Joogtad aah.

Sidda muuqata guddoonka dhexdiisa ayey xaaladdan ka aloosan tahay, waxaana si adag isku haya Gudoomiyaha iyo kuxigeenkiisa 1aad oo ay isku hayaan arrimaha kala duwan ee hadda socda, waxaana la rumeysan yahay in Cabdiweli Muudeey uu si dhaw saaxiib ula yahay Madaxtooyada Soomaaliya oo howshan waday.

Leave a Comment