XOG CUSUB: Puntland & Somaliland oo si buuxda ugu diyaar-garoobay dagaal culus oo dhexmara

HARGEYSA(P-TIMES) โ€“ Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in uu jiro qorshe dhameystiran oo ay ku dagaalamayaan maamulada Puntland & Somaliland, gaar ahaana ay isku hayaan gacan kuheynta gobalka Sool, waxaana labada dhinac ay diyaar garow dagaal wadeen labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Warar madax banaan oo ka madax banaan labada dhinac ee Puntland & Somaliland, lagana helay xubno aad ula socda dhaqdhaqaaq labada dhinac ayaa sheegaya in diyaar garowgooda ay kordhiyeen maalmihii u dambeeyey, isla markaasna hub culus ay geeyeen goobahaas.

Saraakiil katirsan beesha Caalamka, gaar ahaana qeybta la socodka xayiraada Hubka ee saaran Soomaaliya ayaa ogaaday in ay dhinacyadu hubab cusub kasoo gateen wadamada deriska qaarkood, kaas oo ay ku doonayaan in ay ku kala qabsadaan gobalka Sool.

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo horey ula hadlayay golaha Ammaanka ee Qaramada Midowbay, ayaa sheegay in labada dhinac ay u diyaar garoobeen dagaal culus, kaas oo khasaaraha ka dhalan kara uu yahay mid culus.

Gaadiid dagaal iyo ciidamo badan oo ay leeyihiin Puntland iyo Somaliland, ayaa maalmihii ugu dambeeyey lagu kordhiyey aagaga ay isku horfadhiyaan ciidamadooda, difaacyada ayayna kordhiyeen.

Somaliland ayaa qabsatay deegaanka Tukaraq bishii January 2018, qabsashada deegaankaas ayaa abaabul iyo u diyaar garow dagaal kukaliftay Puntland, kaas oo hadda labada dhinacba u diyaar noqdeen.

Cabsi weyn ayaa laga qabaa khasaaraha ka dhalan kara weerar culus oo dhexmara dhinacyadan, waxaana laga welwelsan yahay saameynta uu reebi karro dagaalkan oo haddii uu bilowdaa qaadan karra mudo dheer, gaar ahaana ku loolanka gacan kuheynta magaalada Laascaanood.

Udub-dhexaadka khilaafka Puntland & Somaliland oo amaan iyo nabadgalyo ku joogay 20kii sanno ee lasoo dhaafay ayaa ah gobalada Sool & Sanaag oo ay isku hayaan cidda ay rasmi ahaan uga tirsan yihiin, Isimadda iyo Siyaasiinta gobaladaas oo ay ahayd in ay qaataan doorkooda jiheynta dadkooda ayaa gabay, waxayna la kala safan yihiin labada maamul oo ay wax ka dhiseen.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada