XOG DEG DEG AH: M/weynaha & RW Soomaaliya oo lacago badan ku bixinaya in xilka laga qaado Gudoomiyaha baarlamaanka Faderaalka, Maxayse tahay Ujeedada?

MUQDISHO(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes wuxuu ogaaday in Madaxtooyada Soomaaliya ay xalay u ahayd mid kamid ah mashquuladii ugu faraha badnaa, gaar ahaana marka laga hadlayo arrimaha ku saabsan Mooshinka hadda laga keenay guddoonka baarlamaanka Faderaalka, gaar ahaana gudoomiyaha Maxamed Sh Cismaan Jawaari.

Puntlandtimes.com ayaa ogaatay in lacago fara badan lagu bixiyey sidii meelmar looga dhigi lahaa mooshinka Jawaari shaqada looga ceyrinayo, waxaana aad loogu eedeynayaa in uusan daacad u aheyn arrimaha ay qabanayso Xukuumada Faderaalka & Madaxtooyadu.

Xogtu waxay sheegaysaa in lacagaha ilaa hadda la baxshay ay yihiin kuwa todobaadyadii ugu dambeeyey soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana ilaa hadda la baxshay lacag gaaraysa Boqolaal kun oo dollar, iyadoo ay wali tahay in la helo codka kalsoonida.

Ilaa hadda Xildhibaanada mooshinka laga saxiixay xalay ayaa gaaraya 134 mudane, waxaana hadii ay codka kalsoonida uqaadaan ay noqonaysaa arrin siyaasadeed oo leh xasaasiyad weyn, taas oo ay ka dhalan karaan arrimo siyaasadeed.

Ujeedada laga leeyahay ceyrtinta Jawaari ayaa ah in Madaxtooyadu ay hesho qof daacad u ah arrimaheeda, oo aan gabi ahaanba saameyn ku lahayn arrimaha siyaasadda ee horey loogu tartamay, waxayna wadaan musharaxiin daacad u ah arrimahooda.

Sidaas oo kale lama garanayo waxay ku dambeyn doonto, marka laga reebo qaraarka baarlamaanka & Riixida Madaxtooyadu ku wado meelmarinta doonisteeda, laakiin haddii ay socon weydo waxay ka dhigan tahay welwel iyo walac wajahaya Xukuumada Faderaalka.

Shaki ma saarna in Raysalwasare Xasan Cali Kheyre isagana uu yahay qofka labaad ee ay salfan doonto xiisadda siyaasadeed, waxaana ilaa hadda is diwaangaliyey 80 Xildhibaan oo katirsan baarlamaanka, kuwaas oo dhankooda la dagaalamaya Kheyre.

One Comment

  1. Lula says:

    War aan sal iyo raad lahayn baad meesha ku haysaan ee Madaxwaeynaha iyo R;wasaaraha ha ceebeysanina been sheega laakiin wax run u eg sheeg mooshinkaan aan dhamaan waxaa loogu tala galay in aysan Dowladda Soomaliya talaabsan Xildhibaanow Allah ka baqa Qabri iyo Su;aal baa idin sugi ee waxaan idiin dooranay ma aha in aad mooshin iyo musuqmaasuq iyo Qabyaalad iuo nin eexeysi ku jirtaan ee waxaan idiin dooranay in aad ka shaqaysaan dalka horumarkiisa iyo danta shacabka Soomaaliyeed iyo dhowrista Diinteena iyo sharafteena maaha in maalin kasta isqabqabsi iyo mooshin in shaqo ka dhigataan

Leave a Comment