XOG: Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sii jeeda dalka Qadar, muxuu ka keenayaa?

MUQDISHO(P-TIMES)- Sidda ay horey u sheegtay Shabakada Puntlandtimes.com Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lafilayaa in uu saacadaha nagu soo aadan u dhoofo dalka Qadar, haddii aan dib loo dhigin booqasho rasmi ah oo la shaaciyey in uu ku tagayo dalkaas, taas oo ka dambeysay markii uu helay casumaad rasmi ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa socdaalkiisan waxaa ku wehlin doona lix kamid ah golaha Wasiiradda, Mudanayaal baarlamaan, Hogaamiyaasha Ganacsiga iyo Lataliyaashiisa gaarka ah, waxaana uu noqonayaa kii 2aad oo uu ku tagayo dalka Qadar tan iyo markii uu xilkan ku guuleystay bilowgii 2017-kii.

Xog soo gaartay Puntlandtimes.com waxay sheegaysaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu qalinka ku duugi doono heshiisyo waa weyn oo muhiimad ugu fadhiya dalkan, gaar ahaana dhinacyada dibu dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, Dibu dhiska ciidamada Soomaaliya, Kabida miisaaniyada dawladda Faderaalka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Xiliga lagu beegay booqashadan ayaa ah mid xasaasi ah, waxaana ay ku soo beegantay xili baarlamaanka Soomaaliya ay gabi ahaanba dalkaas ka mamnuuceen shirkad maalgashi oo laga lahaa dalka Imaaraatka Carabta, taas oo fursad siinaysa shirkadaha Qadar oo maalgalin xoog badan sameyn kara.

Falanqeeyaasha siyaasadda ayaa rumeysan in ceyrinta DP WORLD iyo socdaalka Madaxweyne Farmaajo ay tahay arrin aad xasaasi ugu ah xaaladda Khaliijka, gaar ahaana dawladda Faderaalku ku kasban karto soo jiidasho cusub iyo in ay si rasmi ah taageero ugu muujiso dawladda Qadar oo ay horey wax badan ugu fidisay.

Qadar ayaa la rumeysan yahay in ay hadda xin iyo xasaradda kala dhaxaysa wadamada Khaliijka ay suuragal tahay in ay mashaariic waa weyn ku taageeraan Soomaalida, iyagoo sidaas oo kale bixinaya 15Malyan oo bil kasta ay ku kabayaan Miisaaniyada dalka, taas oo ka dhigan arrin aan si fudud uga bixi doonin maskaxda Madaxda dawladda Faderaaliga ah ee hadda xukunka haysaa.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada