XOG MUHIIM AH: Puntland maxay ka aaminsan tahay ceyrinta DP WORLD ee ay ku dhaqaaqeen baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya?

BOOSAASO(P-TIMES)- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa labo maalin ka hor qalinka ku duugay xeerka dhawrida Madax banaanida, Gobonimada Dhulka Soomaaliyeed, kaas oo qodobada ku jira ay ka mid ahaayeen in DP WORLD iyo Shirkadaha Shisheeye ee ka shaqeeya gudaha Soomaaliya laga joojiyey shaqada, ayna ka baxaan goobaha ay kaga sugan yihiin dalkan ka soo kabanaya dagaalada Sokeeye.

DP WORLD waxay fariisin rasmi ah ku leedahay magaalada Berbera ee Somaliland, waxaana ay ahayd midda keentay xasaasiyad xooga badan ee ilaa hadda ka dhalatay arrimahan, sidaas oo kale Puntland waxay heshiis kula jirtaa P & O oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan shirkaddan dalka laga mamnuucay ee DP WORLD.

Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda & Dambiyadda Badda Siciid Maxamed Raage oo la hadlay mid kamid ah warbaahinta gudaha ayaa sheegay in aysan khuseynin go`aanka baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.

Mr, Raage wuxuu sheegay in ay heshiis kula jiraan shirkad lagu magacaabo P & O Port, wuxuuna diiday in shirkadaas ay ka tirsan tahay DP WORLD oo laga mamnuucay gudaha Soomaaliya, laakiin heshiiska ay lagaleen waxaa saxiixay madaxa ugu sareeya DP WORLD Sultaan Ahmed Bin Suleymaan oo dhawaan sheegay in ay Somaliland madax banaan tahay.

Warar hoose oo ay heshay Puntlandtimes.com waxay cadeynayaan in Puntland ay qorsheystay in ay ku adkeysto heshiiska ay kula jirto shirkadan, ayna xooga saarayaan sidii ay u heli lahaayeen taageerida dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Si weyn ayaa isha loogu hayaa xasaasiyadaha ka dhashay arrimaha DP WORLD iyo go`aanka ay ka qaateen baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana welwelka ugu badan laga qabaa in ay gudaha Soomaalida ka kiciso daganaansho la’aan siyaasadeed oo markale mudo loo xanib-naado.

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “XOG MUHIIM AH: Puntland maxay ka aaminsan tahay ceyrinta DP WORLD ee ay ku dhaqaaqeen baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya?

Halkaan Ku Qor Fikirkaada