DAAWO SAWIRRO+XOG: Maxaa ka socda Tukaraq, SL oo ka dhagax-dhigtay Mashaariic & Daruuro colaadeed oo dul-hoganaya

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Tukaraq ee gobalka Sool ayaa sheegaya in maamulka Somaliland ay halkaas maanta ka dhagax-dhigeen labo mashruuc oo kala ah Saldhig ciidan Boolis iyo Ceel biyood cusub oo ay Somaliland hirgalinayso.

Wasiirka Horumarinta Biyaha ee Somaliland Saleeban Yuusuf Cali Koore oo horey hadalo hanjabaad ah uga jeediyey Hargeysa ayaa dhagax-dhigay mashaariicdan, wuxuuna sheegay in ay sidda ugu dhaqsaha badan uga hirgalin doonaan magaalada Tukaraq.

Koore oo ka hadlay madashaas ayaa markale soo qaaday daruuraha colaadeed ee dul-hoganaya Sool, wuxuuna cadeeyey in aysan Somaliland marnaba ciidamadeeda kala bixi doonin deegaanadaas oo ah buu yiri qeyb kamid ah dhulka maamulkaas.

Wasiirkan wuxuu kaloo la kulmay Saraakiisha ciidamada Somaliland oo ay ka wada hadleen arrimaha ku saabsan dagaalada iyo xiisadaha ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobalkaas, isagoo sheegay in ay dadaal badan galin doonaan

Dhaqdhaqaaqa cusub ee Somaliland ay ka wado Tukaraq iyo deegaanada ay ciidamadu isku horfadhiyaan ayaa ka dhigan arrin dagaal abuuri karta, waxaana xili kasta la filan karaa dagaal rasmi ah oo dhinacyadan dhexmara.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada