DAAWO: Shacabka magaalada Laascaanood sidee u arkaan Musharaxnimada Jen, Morgan ee M/weyne-nimada Puntland?

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Shalay ayey ahayd markii Jen, Maxamed Siciid Xirsi Morgan uu magaalada Boosaaso kaga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan jagada Madaxweyne-nimada ee Puntland, taas oo ay siyaabo kala duwan uga hadleen Shacabka deegaanadaas ku nool.

Jeneraalka wuxuu ka mid yahay khuburada ciidan ee ay maanta haysato Soomaaliya kuwooda ugu tayada wanaagsan, wuxuuna soo noqday Taliyaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo Wasiirkii Difaaca waqtigii Xukuumadii awooda badneyd ee Kacaanka Soomaaliya.

Shacabka magaalada Laascaanood oo ay haysato Somaliland 11 sanno in ka badan, kana qabsatay Puntland oo uu hadda u sharaxan yahay Jeneraalkan, waxay muujiyeen dareenkooda, iyagoo sheegay in ay soo dhaweynayaan.

Qaar kamid ah shacabka ayaa adeegsaday Weedha ah MUJAAHID MORGAN, kalmadaas ayaa inta badan aan laga adeegsadaa Waqooyi Galbeed ee dalka Soomaaliya, taas oo ahayd arrimihii uu ku soo baxay Col, Muuse Biixi oo isna ka mid ahaa ciidamadii Xukuumaddii Kacaanka ee Soomaaliya.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

One Comment

  1. Anonymous says:

    Soo dhawoow xafidullaah sjeikh aabe Morgan” Puntland maanta way kuu baahan tahay

Leave a Comment