DABAGALKA WARKA: Sidee gudaha Puntland looga arkay Hadalkii M.weyne Gaas ee uu ka jeediyey Imaaraatka, Mucaaradkuse maxay ku jawaab celiyeen?

GAROOWE(P-TIMES)- Shacabka Puntland oo ay ku jiraan siyaasiinta Mucaaradka ah ayaa si adag uga jawaab-celiyey hadalkii kasoo baxay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee uu ku eedeyey in aysan Puntland marnaba ka maarmin Imaaraatka Carabta, isla markaasna aysan Muqdisho oo kaliya aheyn meesha la geeyo wax kasta oo horumarka Ummadda Soomaaliyeed ah.

Siyaasiinta mucaaradka ah qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa ku sifeeyey hadalkaas in uu yahay mid soo daahay oo ahayd in uu xili hore jeediyo Madaxweynaha Puntland, waxayna sheegeen in ay tanni ka dhigan tahay in Madaxweyne Gaas u soo jeestay sidii loo difaaci lahaa Faderaalka Soomaaliya.

Baraha bulshada si weyn ayaa loogu falanqeeyey kalmadii Madaxweyne Gaas ee ahayd ‘’Muqdisho oo kaliya maahan Soomaaliya’’ taas oo noqotay mid siyaabo kala duwan loo adeegsaday, dadka isticmaala baraha bulshada ee kasoo jeeda mandiqadaas ayaa u arkay talaabadaas mid ay ilaa hadda si weyn u falanqeynayaan.

Kasokow arrimahaas haddana dawladda Faderaalka Soomaaliya taageerayasheeda ayaa aaminsan duulaan culus oo uga yimid dhinaca Puntland, oo inta badan lagu tiriyo in ay tahay cidda leh saameynta ugu weyn ee dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo kamid ah siyaasiinta mucaaradsan Xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa ku sifeeyey go’aanka uu qaatay Madaxweynaha Puntland mid soo daahay, ayna ahayd in uu horeyba 2014-kii ugu taagnaado meeshii ay taagneyd Xukuumaddii Faroole, balse dabac yimid awgeed ay keentay in maanta laysku dayo in lagu tunto Nidaamka Faderaalka ee Soomaalidu horey ugu heshiisey.

Agaasimihii hore ee ciidamada Badda Puntland oo ah mashruuca ay gacanta ku hayso dawladda Imaaraatka Carabta Maxamed Cabdiraxmaan Faroole wuxuu si cad u sheegay in ay Gaas ku taageerayaan nidaamka Faderaalka difaaciisa, balse aysan ka yeeli doonin siyaasadaha kale ee xil-raadinta ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa 16-kii bishan ka sheegay magaalada Boosaaso in aysan Shacabka Puntland dhibaato u qabin Imaaraatka Carabta aysana waligood kala maarmi doonin, wuxuuna si adag u duray dawladda Faderaalka oo uu sheegay in horumarka iyo deeqaha lagu leexiyo uun magaalada Muqdisho oo xataa wali kala cabanaysa.

Falanqeeyaasha siyaasadda ayaa leh talaabada ay qaaday Puntland waxay hordhac u tahay go’aamo kale oo ays oo wadaan dawlad gobaleedyada qaarkood, gaar ahaana kuwa awooda siyaasadeed iyo midda dhaqaaled lagu tuhmayo, gaar ahaana Jubbaland & Koonfur Galbeed oo cadeyn doono mawqifkooda ku aadan xaaladdaha siyaasadeed ee hadda lugaha lagula jirro.

Dawladda faderaalka Soomaaliya, gaar ahaana Xaafiiska Ra`iisulwasaaraha iyo kan Madaxweynaha ayaa lagu eedaynayaa in ay is hor istaag ku sameeyeen mashaariic horumarineed oo laga fulin lahaa, gaar ahaana ay ku jiraan kuwa ay fulin lahaayeen dawladdaha caalamka, iyagoo qaarkood ay si cad u sheegteen in lasoo mariyo magaalada Muqdisho, taas oo ay ka carootay Puntland.

23 Comments

  1. anigu c/gaas eedayn maayo, waxaan edaynaya dadka u dhiibay xil m/weyne.

    waa wax laga yiqyiqsoodo in qof u shaqeeya c i e da uu madaxweyne ka noqdo meeshi la dhi jiray pl.

    gaas waa basaas aan waliba qarsan inuu basaas yahay oo mossad iyo c i e da u shqeeya. u a e waa yuhuud, waana meel ay maraykan iyo yuhuudi ku shaqaystaan.

    ninkii u shaqeeyana waa yuhuud kale.

    see ku dhacday nin madaxweyne ka ah punland inuu waxaas la yimaado?

    waxaa ka masuula isimada puntland oo u doortay qof basaasa oo waliba basaas waalana xilkaas

  2. Anonymous says:

    waxaa kaliya ee hada u hadhsani waa inuu yidhaahdo, gooni goosad ban ku dhawaaqay, sida kuwan waashay ee falaasha land.

    nacasnimada majeerten waa arki doona waxa ka soo socda,

    • yaad nacas ugu yeedhi…dhulka majeerteen degen yahay waa nabad..adigu nah wax dhax iyo biliqeysi qarax baad ka bixi lahdahay.muqdisho dad baa degay masaajid yadii oo guryo ka dhigtay..waryaa bax cab dhiiga umada somaliyeed…qof wax laga dhacay oo lagu dilay waa qabiil kaas majirtay…anigu madiinah muqdisho baan ku dhashay gurya heeni baqaaradii hooyadey iyo dhulkeenii dad baa dhacay..iska aamus nacas yahow…yaa sanka kaa gelshay dowlad federalka oo aad maanta ku faaneyso waa shacabka puntland….jaahilku wuxuu arkaa xumaatada..ma arko wanaaga….

  3. Anonymous says:

    waxaan ka yaabay article kan oo intaanan aqrin aan soo tuuray coment aan gaas uga soo horjeedo, maan filayn in dad puntland jooga ay ku taagerayaan arintan gaas.

    laakiin wax lala yaabo maha in wesite kan p times uu qoro warkan, gaas hadii lagu taagero arintan marka somalia ma jirays? idin kaan idin way diiyay, qoaldinan puujo times?

    imagine marka sh sakiin iyo qolyaha kale maxay samaym doonaan? de gooni goosad ba lagu dhawaaqayaa, marka maxaaba loo sheeganaya, maamulada kale, hadii maamulki la mrabay inuu midnimada somalia ilaliyo uu hormuud u noqdo kala googoynta wadanka?

    waxaad u doodaysaan in somalia lagu kala tago,m saasan u fasirtay.

    marka hada ma gooni goosad baa ku dhawaaqi doontan dhabayocooy?

    2 mid bay tegaysaa, waxba buujo buujo ha soo qorina. in gooni gooosad ku dhawaaqdaan sida falaashaland, ama in aad hoos tagtaan muqdishi iyo dawlada midnimada qaran.

  4. Anonymous says:

    Waa waajib in la ilaaliyo puntland daneheeda, waa in la xisaabtamo oon Xamar waxwalba lagu shubin
    Likn ma qabo in loo lumiyo qaranimada soomaliyeed, A- Kheyre waa in uu keenaa badiilkii UAE Ama
    uu micneeyaa siyaasada dalka jeheeyaa dadka isaga iyo farmmajo iyagaa soomali mnadax u ah likn niman ashuun ku adamayo baad moodaa. waad arkeyseen in Ethiopia leedahey amsom ha joogto waa edeb daro
    war iyo dhamaantii Gas oo lacag aruursanaya Khyre iyo farmajo aamusan baa dalkii gacangalinaya dadku ma xumada laakiin madax aan garaneyn madaxnimada baa hor boodaya

  5. Anonymous says:

    mahamuud ali libaax

    anigu ma ihi dadka afka goosanayso.

    anigu nin reer buuhoodle aya ahay horta marka hore.

    marna buhodle aya isticmaala marna red army generals

    waxaan se ku sheegaya, inaysan shaqaynayn in la is garab yaaco, somalia ama waa lagu kala tegayaa, oo mesha wax dawlad dhexe la dho ayaa ka baxaysa, ama hal meel baa looga wada talinaya.

    qaabkan is garab yaaca ah ee fowdada ah ee 12 ka madaxweyne is garab ordaya shaqayn mayso.

    ama dawlad dhexe oo somalia la dhoho ayan shaqayn doonin.

    farmaajana meshi uu ka yimi ee qaxootiag ku aha uun bu isaga laaban dawlad iyo madaxweyne iyo raysalwasaarw danbe oo xamnar fadhinayaana majiri doono,

    oo dawlada yar yar oo addisababa looga taliyo aya meesha ka soo bixi, ama dawlad iyo dal somaliya la dhoho aya meesha ka jiri.

    simple is that.

    umada islaamed na ha caayin oo afka ha goosan.

  6. BUHODLE says:

    waxaa kale oo qosol ah.

    maay samayn doonaan maamul goboleed yada hawiyaha iyo shareef sakiin maamulkiisu?

    de waxay isu diyaarinayan sidii ay dubai isaga xaadirin lahayeen, haday rabaan ilaa talabiib bay soconayaan.

    waxaan arka dawladii dhexe ee soamlia la dhihi jiray oo halkaa ku sii dhimanaysa.

    gaas na arintan buu hormuud u yahay sidii somalia markan loogu kala tegi laha, arinku waa iska cad yahay.

    farmaajana wa inu meesha riwaayada kala tago, oo isaga laabto dhulkuu qaxootiga kua haa. hadaysan dawlad dhexe jirayn

  7. axmed says:

    Mucaarad laguma sheegi karo, waa Munaafaq miira. Gaas Puntland daneheeduu ka hadley, Federalna ma diidin Cidii wax ku keeneysa, Isagaa loo doortey in uuwadanka hogaamiyo, Barlamaan baa jira ilaalinaya wixii xadgudub ah ee uu sameeyo, inaka daaya Hor boodka deg degaah.

  8. Anonymous says:

    Dad baa u haysta in hadalka MD Cabdiweli kasoo yeeray uu isagu go’aansaday. waxaan leeyahay waad riyoonaysaan. Culays uga yimid shicibka puntland ayuu cabdiweli ficilkeed ku kacay. shicibka puntlandna way ku farxeen, ayakoo jeclaan lahaa in uu sanooyin hore ficilkaas ku kaci lahaa MD Abdiweli .

    “muqdisho ma ah somaaliya… somaaliyana ma ah muqdisho.”

    mugdisho madaxii ayeey uga istaagtay somaaliya. oo ilaa iyo 1960 umada somaaliyeed dib u dhac dhan walba saameeyey ku kaliftay. 30kii sano oo lasoo dhaafayna hortaagneyd tilaabo kasta oo umada soomaaliyeed lagu badbaadinayo.

    laga bilaabo 1969 ilaa iyo xaadirka, muqdisho duulaan iyo nacayb iyo xaasidnimo iyo xaqiraad ayey reer puntland ku haysey. bal yaa xusi kara hal wax oo xaq ah oo umada puntland uga yimid muqdisho.

    waxaa jirey wakhti aan la arki jirin shaqsi reer puntland ah oo taageersan gooni goosad … hadan boqolkiba 45 tageerayal gooni-goosad ayaad la kulmin. bal is weydiiyoo maxaa keenay isbadalkaan ku yimid reer puntland. wax kale ma ahan aan ahayn xaqdarada isdabajooga ah oo uga imaanaysa muqdisho. dowlada puntland way la socotaa in uu soo xoogaysanayo fikirka gooni goosadku…. taasaana kaliftay in dowlada puntland uga ficil celin falxumo badan oo uga imaada muqdisho sii aysan uga faiidaysan xoogaga gooni goosadka ah ee reer puntland. laakiin suaashu waxaytahay ilaa iyo intee ayaa umad la xaqiri karaa oo la xakameeynkaraa….. walaahu yaclamu

  9. Abdiweli says:

    qoraalka kore waxaa leh anigoo ah…..Abdiweli

  10. Abdiweli says:

    muqdisho ayadaa tanasul looga baahanyahay ma ahan in ayada loo tanasulo oo sidii abriskii waxkasa liqdo oo somaali inteeda kale xaguudii iyo hormarkii ay rabeen hor istaagto oo xanibto

  11. Go aanka madaxwaynuhu qatay waso dhawayñaya waxana i cadatay inu yahay dublamasi dhaxa jiira.
    midnimada somalia wa muqadas lakiin somali wa tugsata dowlada dhexe iyo hargaysa labaduba danahoday watan puntland danteeda rero danhooda donya udaba farisan mayo.
    midnimo somaliyed oo baraxla hadi somali isla garato puntland kow bay kanoqonaysa hadii lakala danaysty tayada wana qaan.
    w b towfiiq

  12. BUHODLE says:

    dad badan baa moodi jiray dhibaatada somalia in ay hargaysa iyo muqdisho ku kooban tahay kaliya, laakiin hada waxaa cadaatay in dhibaatada oo dhan laga wado puntland.

    dadkan shacabka puntland waa ku doqonimo in dad caloshood u shaqaystayaala ay dushooda ku shaxaan.

    hada puntland waxay hurmuud u tahay kala qaybsanaanta burburka inta somali ka hadhay.

    waa nasiib daro, 2018 puntland ay halkaas marayso, waliba hada kooxda snm ee hargaysa joogta dhoosha ayay ka qoslayaan oo wixii ay rabeen ba shaqadoodi oo dhan gaas iypo puntland ba gacanta ugu haya.

    waa dhibaato cusub oo soo korodhay.

  13. Anonymous says:

    WAXAAN RABAA INAN U SHEEGO MADAXDA FEDERAALKU MA AAMINSANA NIDAAMKA FEDERALKA EE AY KU DHAARTEEN, WAXAYNA RABAAN INAY KA TAKHALUSAAN. WAXAY AAMINSANYIHIIN INAN LAGA TAKHALUSI KARIN INTA PUNTLAND JIDHO SIDAA DARAADEED WAA IN MARKA HORE PUNTLAND OO AH HOOYADII SOMALIYA BUR BURKII KA DIB HOOYADII FEDERALKA LAGA TAKHALUSAA LANA BUR BIRIYAA. SIDEE LOO BUR BURINAYAA WAA IN LA CUNA QABATEEYAA MEELWALBANA LAGASOO OODAA DEEQAHA CAALAMKA AAN WAX LAGA SIIN WADAMADA CAAWIYA LAGA JOOJIYAA MASHAARIIC AAN LAGA FULIN SI AY U BUR BURTO. WAA ARIN CAD ARINTAASI WAANA SABABTA UGU WAYN EE LOO COLAADIYAY EAU. SIDAA DARAADEED QOLYAHA HALKAN WAX KU QORAYA MA WAXAY RABAAN DABINTA PUNTLAND LOO QOOALAYO IYO HAGARDAAMADA VILLA SOMALIA? MADAXWAYNE GAAS MIYUUSAN XAQ U LAHAYN INUU KA DIFAACO SHIRQOOLKAAS LOO MALEEGAY? QOLYAHA LEH SOMALIYAA LAGU KALA TEGAYAA ADEERAYAALOW HADII UJEEDADU TAHAY IN LA BUR BURIYO PUNTLAND OO DHASHAY DOWLADAN BUD DHIGNA U AHAYD DHIIG IYO DHAQAALE KU BIXISAY WAXAAN QABAA VILLA SOMALIA HAYSKA SAQIIRTO PUNTLAND WAY DOWLAD SOMALIYEED AAN JIRIN WAYNA JIRIDOONTAA INSHALLAH CADOWGEEDA AYAA CIIDA CUNAYA. ALMUHIIM DADKA REER PUNTLAND IYO DOWLADOODU WAXAY WAX WALBA KA HORMARIN JIRITAANKA PUNTLAND. HALKU DHEGOODUNA WAA (PUNTLAND FIRST) HADII AADAN II OGOLAYN INAN NOOLADU ADIGA NOLOSHAADU MAXAY ITARIN? MADAXWAYNAHA PUNTLAND WAAN KU TAAGEERSANAHAY GO AANKIISA WAANA LASOO DAHAY. WELL DONE MR PRESIDENT.

  14. Abdiweli says:

    431 mashruuc oo caalamku soomaaliya ugu deeqay ayaa dhamaantood muqdisho laga hirgaliyey oo xaataa hal mashruuc wadanka intiisa kale lagayn.

    waxay u muuqataa in dowlada federaalka loo dhisay muqdisho. erayga qaran dumis ayaa waayahaan halhays laga dhigtay oo cidii tiraahda war sida wax ha laga badalo loogu wacaa. ma cidii maamul wanaagsan taageersan baa qaran dumis aha mise waxaa ah inta ku tumatay xaqa umada oo sidii abriskii afka u dhigatay xaquuqdii iyo hantidii la wada lahaa.. reer puntland way samir badanyihii laakiin samirku xad buu leeyahay ee yaan lasku khaldamin
    . yeyse u darantahay maanta hadii lakalatago. muqdisho iyo hargaysa kaligood midna meel maistaagi karo oo khilaaf sokeeyey ayaa meeraysanaya oo mooraduugin.
    puntland waa dhulka kaliya ee soomaaliyeed oo caga ku taagnaan kara oo waliba bulaal iyo bashbash ka qaadaya. puntland jiritaanka iyo qarannimada soomaliyeed ayey har iyo habeen naf iyo maal u bixineysey si jiritaanka soomaaliyeed u usii jiro. laakiin fikirkaas waalala garan waayey. muqdisho iyo hargeysay bal ha la arko waxaad ka dheeftaan burburka qaranimada soomaaliyeed.

    shaki kumajiro in lakalatagin hadii sidaan lagusii socdo. waa nasiibkeed cidii la hayste u noqonaysa qaaruun kale.

    • Mohamed Duran says:

      Qolooyinkan muuqdisho ciil iyo cuqdad ayaa ku laba qarxaysa markay arkaa horumarka dawlad wanaaga ka jira puntland dhuludug yaa se u joojin aya qaran dumis waxaa ah mooryaanta savageska ah ee yaqaan only badar iyo beeso. . Long live PUNTLAND – UAE Relationship . It’s sronger and will be everlasting

  15. mohamed Ali says:

    Guul iyo gobanimo Puntland his excellent president of Puntland Dr abdiwali mohamed ali gaas his vision for development for the state is crucial and will continue with the help of great friend of the region. Long live Puntland -UAE Corporation in many fronts in terms of infrastructure and security.

  16. Mohamed Duran says:

    Xaaladeydu degdeg ah maa isaga xiray side mooryaanta iyo savageska ku dul joogta adoo Amisom ku ilaaliso ayaa ka hadlayaa somalia oo dhan jawhar iyo balcad balcad iyo muuqdisho uma kala safri kadhid reer unukaa badar iyo beeso iska dream gareeyay waxaan u malaynayaa digr ayaa ka dharagtay oo war dhuusada Naga du’a wax yahoo siloon

  17. Mohamed Duran says:

    Reer unukaa ciil iyo cuqdad ayaa ku laba qarxaysa ha iska nafiso an wadaadkii weynta Amisom. Kufsato

  18. Abdiweli says:

    kuwa jaadku dardaray ayaa ka daran waa abeeso jiifta oo hoosta wax ka raamsanaysa

  19. Abdiweli says:

    reer muqdisho waa abris afweyn oo waxna deeqin reer hargaysa se waa abeeso sumaysan oo mariideedu mee dheer gaadho. axsan abriskaa la qaataa oo afkaa wax ugu guri kadhaa

  20. War mooge iyo mooryaan war na dhaafa max put abdiwali gas hajiro oo noolow soomaliye hadaad rabtaan dowlad som u dhiiba omar c.abdirashiid somalia isaka soo celinkaareen

  21. Xabeeb says:

    Kacaankii October ee habaabay iyo USC dhexdooda ayaa Somaliland ka dhalatay, haddana farmaajo maamul xumadiisa ayaa dubai u aqoonsatay passporka somaliland, wasiir siraaji ninkii dilay ayaa la toogan la’yahay, ha joojiyo darbiga sawaaxiligu dhisayo, Gaas isagaaba maslaxa iyo odayeyn ku jira oo nimankan taladii dalka la habaabay raba in uu wax fahamsiiyo

Leave a Comment