DEG DEG: Madaxweynaha Puntland oo si adag uga hadlay Xariirka u dhaxeeya Imaaraatka Carabta & Puntland, daahana ka rogay arrimo badan..

BOOSAASO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas oo shir jaraa`id ku qabtay xarunta Ciidamadda Badda Puntland ee Boosaaso oo ay gacanta ku hayso dawladda Imaaraatka Carabta ayaa si adag uga hadlay xariirka u dhaxeeya labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland ayaa aad ugu dheeraaday xariirka ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya & Imaaraatka Carabta, wuxuuna sheegay in uu Puntland qiimo weyn ugu fadhiyo xariirka Imaaraatka oo ay ilaalin doonaan wajibaadna ka saaran yahay.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in xariirka dhanka ammaanka ah uu si gaar ah ugala dhaxeeyo Imaaraatka Carabta, gaar ahaana la dagaalanka Argagixisada, la dagaalanka Burcad Badeeda, La dagaalanka Tahriibka iyo La dagaalanka Kalluumeysiga Sharci daradda ah, isagoo sheegay in shaqadaas baaxada weyn ay qabtaan ciidamada uu gacanta ku hayso dawladda Imaaratka Carabta.

‘’ Ciidamadan waxay ku dhaw yihiin 2000 Askari, waxayna xarumo ku leeyihiin inta badan xeebaha iyo magaalooyinka Puntland oo ay kula dagaalamayaan kooxaha Argagixisada iyo dhamaan cid kasta oo kusoo xadgudubta Midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaana Puntland, waxayna Al- Shabaab kula dagaalamayaan Argagixisada’’ Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku sifeeyey ciidamadan in ay yihiin ciidamada ugu qalabka, tayadda iyo waxtarka wanaagsan ee guud ahaan Soomaaliya, ayna yihiin cudud aan cidna ku heysan gudaha Soomaaliya.

‘’ Difaaca ugu horeeya ee Soomaaliya waa Puntland, dhib kasta oo ka imaanaysa Baddahaas cidda difaac ah u ah waa Puntland, cidda difaacanaysa waa ciidamadan’’ ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynuhu wuxuu ka codsaday dawladda Imaaraatka Carabta in ay sii wado taageerada ciidamada Badda Puntland, si loo kor loogu qaado la dagaalanka Argagixisada, Burcad Badeeda, Jariifka & La dagaalanka Tahriibka.

Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo ka hadlay maalgalinta Imaaraatka Carabta ay ka fulinayaan gudaha Puntland, gaar ahaana Dekeda Boosaaso, Suuqa xorta ah oo ay sameyn doonaan, Wadooyin laami ah oo hadda wada hadalkoodu socdo, wuxuuna sheegay in xariirka Puntland iyo Imaaraatku yaay lama taabtaan oo aysan cidna ku dhaafsan doonin

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in khalad kasta oo ka dhaca Puntland ay raaligalin buuxda ka bixinayaan, oo ay siinayaan dawladda Imaaraatka Carabta ayna yihiin Saaxiibo ay leedahay Puntland oo aysan cidna ku dhaafsan doonin.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in meel wanaagsan ay marayso Soomaaliya, Imaaraatka la’aantiisna aysan meelna gaareynin, oo ay xooga saarayso sidii ay waagaas cusub taageeradeedu uga geysan lahayd.

Aaladaha Facebook-ga iyo Saxaafadda ayuu sheegay in looga baahan yahay inay qeyb ka noqdaan dibu dhiska Soomaaliya oo aysan qaadan wararka been abuurka ah, kuwaas oo dhaawacaya qaranimada iyo sharafta Ummadda Soomaaliyeed.

 

One Comment

  1. Hussein says:

    Thanks madaxweyn abdiweli.

Leave a Comment