DEG DEG+AKHRISO+FALANQEYN: Natiijadii Wareega koowaad ee Doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Yaase kala wata Musharaxiintan

MUQDISHO(P-TIMES)- Tirinta Codadka XIldhibaanada baarlamaanka ee wareega 1aad ee doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ayaa hadda soo dhamaatay waxana muuqata in aysan qolo natiijada wareega koowaad ay guul rasmi ah u horseeday aysan jirin.

Musharaxiinta kala ah Maxamed Mursal Sh Cismaan oo ahaa Wasiirka Difaaca Soomaaliya, ayna wadato Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hadda leh codad dhan 83 cod, Ibraahim Isaq Yarow oo katirsanaa Xukuumadda, balse taageerada ugu badan ka helaya Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Dawlad gobaleedyada iyo mucaaradka dawladda ayaa leh codad dhan 69 cod, sidaas oo kale Cabdicasiis Laftagareen oo ah nin aan sahleyneyn Xukuumadduna deyrisay ayaa haysta kaalinta sadexaad wuxuuna haystaa codad dhan 54 cod, Kaalinta afraad oo aad u codad yar ayaa Xildhibaan Shariif Abdalla uu haystaa 19 cod.

Sidda muuqata waxaa wareega 2aad u gudbaya Musharaxiinta kala ah, Lafta-Gareen, Maxamed Mursal iyo Ibraahin Yarow, waxaana aan la aqoon cidda guushi raaci doonto, waxaana aan la aqoon in Xildhibaanada Lafta-Gareen ay caawin doonaan Ibraahim Yarow, haddii ay taasi dhacdana dawladda ayaa daadka la qaadsiin doonaa.

HALKAN SI TOOS AH UGA DAAWO DOORASHADA

 

Leave a Comment