SAWIRRO: M/weyne Kuxigeenka PL oo hadda shir gudoominaya kulan deg deg ah oo looga hadlayo Ammaanka & Xog ka soo baxaysa..

GAROOWE(P-TIMES)- Madaxweyne kuxigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa furaya shir gaar ah oo looga hadlayo Ammaanka Soomaaliya oo dhan, kaas oo ay ka soo qeybgaleen wasiiro ka socda dawladda Faderaalka & Dawlad gobaleedyada kana socda magaalada Garoowe.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa khudbad gaar ah ka jeedin doona shirka, waxaana inta uu socdo diiradda la saaray xogaha dhanka Ammaanka ah iyo sidii Iskaashi dhameystiran loo sameyn lahaa.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Amniga ee Soomaaliya oo madasha kusugan ayaa ka jeedin doono khudbad gaar ah oo ku saabsan ammaanka dalka iyo sidda ay wasaaraddiisu u doonayso in guul wanaagsan laga gaaro arrimaha ammaanka ee jira.

Iskaashi buuxa oo laga yeesho Ammaanka Soomaaliya ayaa ah qodobada ugu badan ee laga doodi doono, maadaama daruufaha la dagaalanka Argagixisada iyo dadka dambiyada galaaba ay badanaa yihiin kuwa isku xiran.

Soomaaliya ayaa kujirta dagaal ka dhan ah kooxo Argagixiso oo doonaysa in ay la wareegto talada dalka, waxaana ay xooga saarayaan oo kaliya sidii ay dhinacyadan u sameyn lahaayeen iskaashi dhanka Ammaanka oo buuxa.

Leave a Comment