DHAGEYSI XASAASI AH: DF Soomaaliya oo Shirkada laga leeyahay Imaaraatka Carabta kula heshiisay Saadka & Sahayda Milateri ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed in ay maamusho?

MUQDISHO(P-TIMES)- Wasaaradda Difaaca ee Soomaaliya waxaa la xaqiijiyey in ay heshiis la gashay mid kamid ah Shirkadaha Milateri ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta, taas oo saldhigeedu yahay magaalada Muqdisho, waxayna kala shaqeyn doontaa sidii ay u fududeyn lahayd arrimaha saanadda iyo Saadka ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

Tanni waa calaamad kale oo waji cusub muujinaysa, waxana shirkaddu ay saameyn xoog badan hadda ku leedahay isku socodsiinta SAHAYDA Milateri iyo Saadka ciidamada oo dhinaca SNA iyo AMISOM-ba ay haysato Qandaraasyadeda.

Shirkaddan oo lagu magacaabo SKA International ayaa kula heshiisay Wasaaradda Gaashaandhigga inay ka taageerto gaarsiinta Sahayda Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan goobaha Al Shabaab laga saarey.

SKA ayaa sidoo kale heshiiska ku qasbayaa inay shidaal ku dhubto gaadiidka daabulaya saadka iyo inay bixiyo gunnooyinka iyo raashiinka Ciidamada ka ilaalinaya baabuurta Kolonyada weerarada Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen [Gorod] ayaa xaqiijiyay saxiixa heshiiskan, isagoo sheegay in wax dhaqaale ah aan Wasaaradda difaaca uga baxeynin shaqada SKA

Barnaamijka Galka Baarista ayaa baahiyey macluumaad iyo dabagalo ku saabsan shirkaddan laga leeyahay dalka IMaaraatka Carabta ee heshiiskan la wareegtay.

.

One Comment

  1. Abdiweli says:

    walee munaafiq ma xishoodo. ma imaraad baa hoosta hadana lagasoo galay

Leave a Comment