DHAGEYSI XASAASI AH: Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay in aysan waxba dhaafsan doonin Xariirka Imaaraatka Carabta, si qoto dheerna u hadlay

BOOSAASO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas oo shir jaraa`id ku qabtay xarunta Ciidamadda Badda Puntland ee Boosaaso oo ay gacanta ku hayso dawladda Imaaraatka Carabta ayaa si adag uga hadlay xariirka u dhaxeeya labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland ayaa aad ugu dheeraaday xariirka ganacsi ee u dhaxeeya Soomaaliya & Imaaraatka Carabta, wuxuuna sheegay in uu Puntland qiimo weyn ugu fadhiyo xariirka Imaaraatka oo ay ilaalin doonaan wajibaadna ka saaran yahay.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in xariirka dhanka ammaanka ah uu si gaar ah ugala dhaxeeyo Imaaraatka Carabta, gaar ahaana la dagaalanka Argagixisada, la dagaalanka Burcad Badeeda, La dagaalanka Tahriibka iyo La dagaalanka Kalluumeysiga Sharci daradda ah, isagoo sheegay in shaqadaas baaxada weyn ay qabtaan ciidamada uu gacanta ku hayso dawladda Imaaratka Carabta.

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku sifeeyey ciidamadan in ay yihiin ciidamada ugu qalabka, tayadda iyo waxtarka wanaagsan ee guud ahaan Soomaaliya, ayna yihiin cudud aan cidna ku heysan gudaha Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu ka codsaday dawladda Imaaraatka Carabta in ay sii wado taageerada ciidamada Badda Puntland, si loo kor loogu qaado la dagaalanka Argagixisada, Burcad Badeeda, Jariifka & La dagaalanka Tahriibka.

Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo ka hadlay maalgalinta Imaaraatka Carabta ay ka fulinayaan gudaha Puntland, gaar ahaana Dekeda Boosaaso, Suuqa xorta ah oo ay sameyn doonaan, Wadooyin laami ah oo hadda wada hadalkoodu socdo, wuxuuna sheegay in xariirka Puntland iyo Imaaraatku yaay lama taabtaan oo aysan cidna ku dhaafsan doonin

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in khalad kasta oo ka dhaca Puntland ay raaligalin buuxda ka bixinayaan, oo ay siinayaan dawladda Imaaraatka Carabta ayna yihiin Saaxiibo ay leedahay Puntland oo aysan cidna ku dhaafsan doonin.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in meel wanaagsan ay marayso Soomaaliya, Imaaraatka la’aantiisna aysan meelna gaareynin, oo ay xooga saarayso sidii ay waagaas cusub taageeradeedu uga geysan lahayd.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

 

12 Comments

  1. abdirisak says:

    gaas waa fadlan lacag kushubo awal ayanse cidi isku haleynayn oo taariqdiisa ayan ognahay intii uu xilka hayay imaaaradka waa tuugo qandaraas kusoo qaatay kala qaybinta wadankeena marka iloohow naga qabo gaas iyo inta ku fikirka ah waa awadan dadkiisa cadow kuyihiin imaaradka wuxuu kafikiraya mustaqbalka ilmaha ay dhali doonan gaaswo waa gartaa ilmahaga maraykanka ayay kunool yhn waxba kanaxi maysid umada rer buntland munaafaqas ha iska qabtaan ayan leyahay intuusan gaarsii n meel aan lagasoo kabsan karin

    • Abdiweli says:

      abdirisak

      abdirisak

      hadii aad tahay reer puntland hadee cid kasta lax caqli lahayn waa leedahay. hadiise aad ahayn reer puntland hadee iska nac’nac deh hadal kale kuuma furnee

  2. walalkay Abdiriska waxan raba in aan ku shego,puntland 19 ayey dhisnayd,waxay ku tilabsatay horumar Baxad ween ilahay aya mahadleh haderna waxay higsanaysa mid hor leh,xukumada fadaralka ee muqdisho mamulkedu ku Egyahay,puntland daneheda muqadiska ah u burburi meyso,somalidu waxay ku mahmada,miro gunti ku jira miro geed saran loma dadiyo,somaliya cidna wax matari karto cid isku halen karta majirto.

  3. Lula says:

    Abdiriak

    Waxaa ka hadashay fikirkaaga dulmigaa ee reer puntland way ogyihiin dantooda M.weyne Gaas waa halyeey u dhashay puntland ka dhisay kaabayaasha dhaqaale ciidanka nina kala tashanmayo danta dalkiisa iyo dadkiisa Soomaali waxay ku maah maahdaa Libaax nin ganay iyo nin galaday og marka bilyaniska doolar ee caalamku ku deeqo Muqdisho sooma dhaafaan marka aad jeclaysatay inay puntland cayriso Dowlada Imaaraadka oo taakulaysa dhinac walba oo ay gacan marnaato ma waxaad rabtay in aad berri soo dirto 600 kun oo shabaaba go;aanka uu qaatay Gaas waa ku mahadsanyahay .

  4. Lula says:

    Sulub

    Good idea

  5. abadale says:

    run ahaantii madax wayne gaas aad ayuu uqldan yahay sababtoo ah asaga dawaladba mamusha mahan dawlada nuuu hadalkeda diido imaradka carabtana maha mid aaan danaysnayn qayradkii dhulkenay labaxaysaa m/wanaha dawlada somaliya farmajo inlagarab istago weeye mamuladana ay wax laqabtan somali waxay ku maah maahda far kaliya fool madhaqdo

  6. Abdiweli says:

    abdirisak

    abdirisak

    hadii aad tahay reer puntland hadee cid kasta lax caqli lahayn waa leedahay. hadiise aad ahayn reer puntland hadee iska nac’nac deh hadal kale kuuma furnee

  7. Abdiweli Waa Callbox lacag lagu shubtay wadankiina Shacab iyo Dowladba eA ka mideysan yahay faragelinta qaawan ee Imaaraadku ku hayo
    Mida kale Waalane waxa u haray baaba iska yar Laguna halleynmaayo wadanka eehaka Sii fekero meeshuu ka bixin lahaa Lacagtii laaluushka ahayd rd Imaaraadku siiyey

  8. Hussein says:

    Abdiweli wuxu og yahay waxyaalo badan kuwa leh waa in dowladda fed. La garab istaagaa wax lagu garab istaago laguma arkin inta ay xamar leedahay wax walba anigaa iska leh. Puntland wey tashan weyna ka tashatey alle ha daayo abdiweli.

  9. Abdulqadir Tallman says:

    Kheyre iyo Farmaajo ka dhab maaha eryidda Imaaraatka. Waa kuwii Jawaari hilfaha u qaaday markii uu barlamaanku soo saaray qaraar lagu eryayo Imaaraatka.

    Xoogaa duco ah uun bay raadsanayaan oo waa qaraabanayaan.

    Waxooda waa maraanmarin. Naas guray bay caano ka doondoonayaan.

    Puntland maxaa ka galay qaraabashada Farmaajo iyo Kheyre?!

    Puntland iyo Imaaraatku waa saaxiibo aan kala go’eyn.

    Farmaajo iyo Kheyre iyaga ayey jirtaa siday ducadooda u qalqaashanayaan, laga mana yeelayo inay Imaaraatka ku khashqashaadaan Puntland gudaheeda.

    Gaas wuu diiday shekadaas raqiiska ah.

  10. Abdiweli says:

    ishaa ka tuurtay sxb. waxay rabaan in ay puntland iyo imaraadka kala fogeeyaan kadibna ayagu hoosta ka galaan. waxay la mid yihin dawacadii diinka khayaantay oo gurigiisii weynaa oo quruxda badna kaga badalatay keedii daldaloolay..

    Reer puntland guri qurux badan ayey leeyihiin oo guri daldaloola oo dawaco leedahay kuma badalanayaan

  11. Ali says:

    Abdirisak.nac Mac iga dheh.hadalkiisa.mucaaradku.waxbuu.toosiyaa.waxa.qaldan ayuu sheegaa.eaxa.saxa ahna.waa sheegaa.lakiin.cayda.mas.uul.la caayo.ama dal la caayo.xaajo rag ma aha we waa xaajo.doqon.waxaa laga yabaa ninkaasi.inuusan.weli ka soo Laban.dagaalkii sokeeye we 1991dii.waxaa ii baahayahay.dawada.xasilinta.waa cabdirisak

Leave a Comment