DHAGEYSO: Soomaaliya & Imaaraatka Carabta oo wada hadalo toos ah ku leh dalka Sacuudi Careebiya, Dhexdhexaadiyaasha oo ka baxay.

RIYAD(P-TIMES)- Wasiirka Arrimaha dibada ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlayay Idaacada Codka Mareykanka ee VOA-da ayaa sheegay in ay wada hadalo toos ah u dhaxeeyaan Madaxda Soomaaiya & Imaaraatka Carabta, ayna ilaa hadda meel wanaagsan marayaan.

Wasiirka Arrimaha dibada ayaa sheegay in wada hadalka labada dhinac uu meel wanaagsan marayo, isla markaasna ay rajeynayaan in wax wanaagsan oo la gaaro, iyadoo ay dhinacyada oo dhan qeyb ka qaadanayaan sidii Soomaaliya cagaheeda iskugu taagi laheyn.

Mar la weydiiyey wasiirka Arrimaha dibada warka ku saabsan in Imaaraatka Carabtu ay joojiyeen taageeradii ay siinayeen Soomaliya, laakiin wasiirka ayaa sheegay in aysan warkaasi aheynin.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

Halkaan Ku Qor Fikirkaada