FAALLO: Weerarada US, UK & France ma xakameyn doonan Awooda M/weynaha Suuriya

Duqayntani waxay ahayd mid ka culus tii la qaaday sannad ka hor, waxaana lala beegsaday saddex goobood.

Berigaa Maraykanka oo keliya ayaa talaabada qaaday, hadda se waxa kala qayb qaatay xulufadiisa Faransiika iyo Ingiriiska.

Gantaalaha Suuriya lala dhacay haatan waa laban laabka tirada kuwii sanadkaa hore lagu duqeeyey, wadartooda guudna waa 120 gantaal iyo dheeraad.

Hase yeeshee su’aal muhiima baa jirta oo taagan. Taas oo ah dhacdadani ma suurto gelin doonntaa in Maraykanku gaadhaan waxay ay ku sheegeen ujeedadooda oo ah in Madaxweyne Bashar Al-Asad laga xakameeyo adeegsiga hubka kiimikada ah?

Guusha Assad ee geed ka go’anka ah

Tan iyo April sanadkii hore dhibaatada Suuriya ka taagan wax weyni iskama bedelin. Laakiin laba is bedel oo waawayn ayaa dhacay.

Waa ta koobaad e, xukuumadda Assad waxay guul muuqata ka gaadhay dagaalka, waxa kale oo argagax gelinta shacabku door wayn ka ciyaartay istiraatijiyadeeda.

Madaxweyne Assad, waa suurto gal in aanu dhulka Suuriya oo dhan gacanta ku hayn , laakiin mar hadii ay taageerayaan Ruushka iyo Iran ma jirto cid u babac dhigi kartaa. Caqabada keliya ee haysataa waa ciidan iyo saanad yari, waana waxa kala teeday isaga iyo qabsashada Suuriya oo dhan.

Ta labaad, xidhiidhka u dhexeeya Washington iyo Moscow iyo guud ahaan ba Ruushka iyo reer Galbeedka, ayaa aad u xumaaday ilaa xad ay saraakiil sarsare oo caalami ahi hadal hayaan in dagaal qabow oo cusubi bilaabmay.

Waana duruuftaa jirta ta Madaxweyne Trump ku goostay in uu dhambaal ciqaab ah u diro maamulka Assad, waana taas sida maamulkaasi tallaabadaa Trump qaadanayaan.

Ma gaabsan doonaa Maamulka Assad mise keni adayg buu ka qaadi? Cadhada shacabku ma sheeli doontaa arrin jirta oo ah in Assad damacsanyahay in uu arinta dhan kale kaga hagaago? Ruushku, siday doonaan ha u hadlaan af-hayeennadiisuye, ma dhici kartaa in uu si adag ula hadlo hogaamiyaha Suuriya? Hadii ay taasi dhacdana, wax saamayn ah ma yeelan doontaa?

Raad gadashada Trump

Marka la eego xiisadda ka jirta Maraykanka, waxa soo baxay in ay laba dhan leedahay oo xiise iyo walaacba ah.

Waxaa la moodaa in maamulka Trump aanay waxba u kala caddayn oo aanu dhugna lahayn. Midh lala yaabo se ma aha, malaha madaxweynaha qudhiisa oo ay haystaan dhibaatooyin dalka gudihiisa ah iyo doodaha ka taagan duruufihiisii nololeed ee hore iyo hab dhaqanno aan haboonayn oo haatan isagii dib ugu soo noqday ayaa jira.

Mararka qaar ayay uba ekaanaysaa in duqaynta lala maaganaaba garsoorka Maraykanka ee Madaxweyne Assad lagu raad gadanayey. Todobaadkii hore intii dunida inteeda kale ka walaacsanayd waxa Trump ka yeeli doono Suuriya, warbaahinta Maraykanku waxay ku foognayd oo si xiiso leh uga waramaysay dhibaatooyinka Trump haysta oo aad moodaysayba in ay wararkii kale ku ilowday.

Hadal tirada Madaxweyne Trump ayaa laga ogaaday weerarka milatari ee maamulka Assad ku soo maqnaa. Hadii se hadaba ay caddaato in waxa dhacay aanay sidaa ahayn, waxa isweydiin mudan waxa ay Moscow iyo Dimishiq ku macnaynsan karaan?

Bartilmaameedyo gaar ah

Pentagon-ku waxa cad in uu iska ilaaliyey in uu wax yeelo rayidka iyo “shisheeyaha” dalkaas jooga, oo ah dee “Ruushka”.

Sadddexda goobood ee duqaynta lala beegsaday laba arrimood awgood oo muhiimadda ay u leeyihiin hubka kiimikada ah iyo sidoo kale in suurto galnimada khasaare aan lagu talo galini ku dhici karo.

Taliyaha taliska guud ee ciidanka Maraykana ayaa warbixin uu duqayntaa ka dib bixiyey ku sheegay in Maraykanku beegsanayey meelo kale oo u cayinnaa laakiin uu go’aansaday in aanu kuwaa duqayn. Farriinta cad ee duqayntani direysay waxa weeyaan, in hadii maamulka Assad mar labaad adeegsado hub kiimiko ah in uu fisho duqaymo kale.

Laakiin ilaa bishii Abriil ee kal hore waxa Suuriya ka dhacay dhawr weerar oo la sheegay in loo adeegsaday hub kiimiko ah, weliba neefta suntan ah ee Chlorine. Hase yeeshee duqayntan maalinta dhawayd ka hor wax tallaabo ah Maraykanku muu qaadin. Hadaba, maxay tahay fariinta tallaabadani diraysaa?

Waxa muuqda in aanay jirin istiraatijiyad cad oo lagu doonayo in dagaalka lagu dhameeyo. Run ahaantii doodaha ka socda Maraykanka midkood ayaa leh Maraykanku ciidamadiisa ha ku daayo Suuriya si ay u xoojiyaan Kurdiyiinta ay xulufada yihiin, maadaama ujeedadu ahayd in maamulka Assad iyo Iran oo taageertaba la wiiqo.

In la xakameeyo saamaynta Iran ee Suuriya waa waxa keliya ee mideeya maamulka Trump laakiin sidaas oo ay tahay ayaan hadana looga dhigin istiraatijiyad is haysata. Warbixin uu qudhiisu sheegay markii weerarrada la qaaday ka dib ayaa Madaxweynuhu mar labaad ku sheegay in aan Maraykanku doonayn in uu Suuriya sii joogo muddo aan cayinayn.

Dagaal qabow oo cusub

Run ahaantii waxa bilaabmaya dagaal qabow oo cusub. Waxaanu keeni karaa halis ah in la isku dabar jaro nukliyeer, sababta oo ah dhinacyada badan ee dagaalkaa wada ayaan la saadaalin karin hab dhaqankooda. Waxaana muuqata in Moscow ay qaadanayso go’aamo halis dhalin kara oo aanay hore u qaadan jirin.

Ruushku ma aha quwad weyn oo heer caalami ah sidii Midowgii Soofiyeeti ee hore. Ma jirto aragti aydhiyoolajiyadeed oo uu taageero kaga helayo dhaqdhaqayo xorriyad doon ah oo dunida ka jira. Ruushku haatan waa quwad heer dhexe ah oo goboleed oo saanad badan oo nukliyeer ahna leh, dhaqaalihiisuna marka si loo eego uu diciif yahay.

Laakiin sidaas oo ay tahay, ayaa hadana waxa uu ogyahay saamaynta uu leeyahay inta ay leegtahay iyo sida uu u fidiyo xogta dagaalka. Putin waxa ka go’an in uu difaaco danaha Ruushka intii tamartii ah.

Danahaa badankoodu waa kuwo ku teedsan dalalka ku dhaw Ruushka sida Georgia iyo Ukraine. Suuriya se waa dal aan sidaa uga fogayn oo sidoo kalena Ruushka u suurto gelinaya in uu helo meel uu ka galo gobolkaas oo uu saamayntiisa ku abuuro. Dayaxa Ruushku waa mid hadda uun soo baxaya halka ka Maraykanku yahay mid marka dhinacyo badan laga eego sii galbanaya.

Hadaba waxa sii kordhaya xasilooni darrada gobolka. Khasaarihii ka dhashay go’aamadii hore ee maamulka Maraykanka ee ahaa in uu Saddam Xusayn talada Ciraaq ka tuuro ayaa weli gobolka iyaguna ku sii fidaya. Iran ayaa ah dalka sida wayn uga faa’iiday go’aankaas, waxaanay noqotay awood lagu xisaabtami karo oo arimaha gobolka saamayn ku leh.

Saamaynta sii kordhaysa ee ay ku leedahay Suuriya ayaa keeni karta isku dhac laxaad leh oo dhex mara Israel. Waxa la rumaysanyahay in Israel ay dhawaan duqaysay saldhig ay Suuriya leedahay oo ay Iran xarun ka dhigatay.

Xiisaddu way sii kordhaysaa, meelaha faraha lagaga guban karo ee gobolku yeeshayna way sii badanayaan. Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiisku weerarkii ay habeenimada ku qaadeen Suuriya na wuxu noqday dhagax lagu dhuftay biyo fadhiya oo dhaqaajiyey.

XIGASHO: BBCSOMALI

Halkaan Ku Qor Fikirkaada