FALANQEYN: Boris Johnson caqligiisa intuu ahaa buu hadlay….Booqashada Abiy iyadana waa talo kalel!

AFEEF: ARAGTIDAN KAMA TURJUMAYSO MIDA AY QABATO PUNTLANDTIMES.COM WAA MID KU KOOBAN QORAHA MAQAALKA AXMED YAASIIN SOOYAAL

[Boris Johnson, casrigan la joogo wali

wuxuu aqrinayaa  go’aannadii ka

soo baxay shirkii Berlin 1884-kii,

ee guumeystayaashu Afrika ku qaybsadeen!]

Booqashada Abiy Axmed , ra’iisal wazaaraha cusub ee Itoobiya uu ku tagay Is-Maamulka Soomaalida dalka Itoobiya , waa tilmaan fiican, sharaf gaarahna u ah ra’iisal wazaare Abiy Axmed, waana talaabo muhiim ah oo farriin u ah cid kasta oo dan ka lahayd colaad laga dhex huray labada shacab ee walaalaha ah ee Orommada iyo Soomaalida, waxayna qayb ahaan jawaab fiican u tahay baaqii farriinta gurracan ku salaysnaa ee Boris Johnson uu barta Twitter-ka u mariyay ra’iisal wazaaraha cusub ee dalka Itoobiya isagoo iska dhigay siyaasi rug caddaa ah oo diraya  dhambaal hambalyo oo munaasabadiisu taagantahay.

Socdaalka ra’iisal wazaare Abiy Axmed uu ku tegay  magaallada Jigjiga ayaa dhanka kale lagu tilmaami karaa inay tahay tallaabo geesinmo oo uu uga jawaabayo sida farxadda ku jirtay ee ay shacabka kililka 5aad u soo dhoweeyeen markii  lagu dhawaaqay ra’iisal wazaaraha, waxaana ra’iisal wazaaruhu si dhib yar uu u heshiisiin karaa labada qoomiyadood ee walaalaha ah haddii uu si madax bannaani  iyo isku kalsooni ku jirto u dhexdhexaadiyo, waana arrinta ugu muhiimsan sida la wada qiyaasiyo sababah uu halkaas u booqday….Waxay kaloo booqashadan yididiilo ka duwan waxa uu ku hadlay waziirka arrimaha dibadda dalka Britain Boris Johnson gelinaysaa dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan shacabkaba.

Waa dhab, waa ay jiraan qaar annaga innaga mid ah oo rumaysan  midowga boqortooyada Ingiriiska ah ay dadka ka il-baxsantahay, maxayna ku sababayniyaan?! ma aha inay dunida wax tartay, ee waa dunida oo dhan inay soo guumeysatay!!…ma ah inay dhibaatooyin dunida ka jiray xalisay,ee waa inay iyada dhibaatooyin cusub dunida ku soo kordhisay, meel  kasta oo ay maanta dhibaato xudduudaha  ah dunida ka jiraanna iyaga uga tegeen,  meel kasta oo dhibaato  siyaasadeed  ka  jirto siiba Afrika  iyo Aasiya iyadaa ugu tagtay!….Il-baxnimmadu ma taas baa?!…Il-baxnimmadu ma guumeysashadii Afrika iyo Aasiyaa?! Ma adoonsigii iyo ka ganacsigii ilmihii yar-yaraa ee Afrikaanka ahaa ee waalidiintood laga xadaayay baa?!….ma dumintii dowladihii iyo il-baxnimadiihoree  Afrikaa,  ma xasuuqii wax-garadkii  iyo hal-doorkii  reer Afrikaa ?!……Dalalka wax soo guumeystay  danbiyadii ay ka galeen Afrika iyo dhibaatadii ay ka geysteen bay ilmahooda u baraan inay tahay taariikh lagu faano oo ay tahay inay kaga daydaan Awoowayashoodii hore, waana midda keentay in maalin kasta aan aragno siyaasi ka soo jeedo dalalkii soo guumeystay ama jariimooyinka ka geystay guud ahaan Afrika ama Soomaaliya oo wada olole waji cusub leh oo uu doonayo in taariikhdii madoobayd uu sii wado!!…Marka Boris Johnson, Waziirka Arrimaha Dibadda ama aan iraahdo Waziirka Arrimaha Guumeysiga Cusub ee Afrika ee dalka Britain, ma ahayn wax lala yaabo in munaasabadii uu ugu hambalyeyniyay Abiy Axmed, ra’iisal wazaaraha cusub ee  Itoobiya uu isticmaalo munaasabad uu ugu qeexayo Khariidadda guumeysiga cusub ee laga sugayo Itoobiya inay fuliso.

Sida ka muuqata warka uu Boris Johnson soo dhigay bartiisa Twitter-ka  waxaad ka ogaanaysaa in caqliga Guumeysigu uusan wali gaarin heer ku filan oo bisayl ah oo uu kaga waantoobi  karo damaacinimmada, iyo in Guumeystuhu uusan wali ka quusan inuu ku soo duulo qaaradda Afrika, waxaana xusid mudan dadka Soomaaliyeedna u baahanyahiin inay maanka ku hayaan in dalkoodu uu yahay meel cadow faro badan uuku soo duulay; mid raba dalkooda inuu qabsado, mid  khayraadka dalka inuu boobo u socda, mid diintooda duulaan ku ah, iyo cadow kuwaas oo dhan daba taagan oo kaalmayniya rabana saami inuu ku yeesho  wixii laga helo raqda taal!…. Boris Johnson, marka aad fiiriso sida uu u hadlayo waxaad arkaysaa inuu wali ku noolyahay taariikhdii dhulka Soomaaliyeed  uu gumeystihii Ingiriiska ku wareejinayay Itoobiya, waxaana hadalkiisa haddii la dhuuxo loo qaadan karaa inuu u digayo Dr. Abiy Axmed ra’iisal wazaaraha cusub ee dalka Itoobiya oo malaha uu leeyahay annaga Ingiriiska ah iyo xukuumadihii hore ee Itoobiya qorshihii aan ka lahayn Soomaaliya wax ha ka bedelin!….Maxayse isku ogaan karaan isaga iyo xukuumadihii ka horeeyay Abiy Axmed oo uu Boris Johnson ka leexanayaa carabka oo aan la ogeyn?…

Ma aha arrin fikir dheer in la geliya u baahan farriinta uu dirayo Boris, waxayna ka muuqata sida Midowga Immaaradaha Carabta iyo Itoobiya isula socdaan oo ay ugu shirkoobeen arrinka Somaliland iyo dekedda Berbera, waxay ka muuqaataa lacagaha iyo miizaaniyadda gaarka ah ee dowladda Britain sida gaarka ah ula garab taagantahay Somaliland….Xil-kasnimo yarida Boris Johnson iyo damaacinimmadiisa waalan waxay ka muuqanaysaa xataa wuxuu hilmaamay in ra’iisal wazaaraha cusub uu  Dr. Abiy Axmed uu ku dhiiri geliyo sidii uu wax uga qaban lahaa hawlaha adag ee hor yaala oo ay ugu muhiimsanayd wax ka qabashada kacoonka qoomiyadda Oromada ee 3 sano soo socday, kaasoo ahaa sababta ugu weyneed ee EPRDF-ta ay xilligan u soo magacaabeen ra’iisal wazaare Abiy Axmed….Ra’iisal wazaaraha cusub ee Itoobiya hadalka aan macnaha lahayn ee Boris waxaa uga muhiimsan si aan shaki ku jirin inuu dib u fiiriyo colaadaha iyo dhibaatooyinka siyaasadeed ee Itoobiya ragaadiyay, siiba colaadda sida cusub ka dhex aloosantay labada qoomiyadood ee Soomaalida iyo Orammada oo haddii uu ku guuleysto inuu heshiisiiyo si cadaalad ahna u dhex-dhexaadiyo uu ka heli karo Gaashaan-Buur uu si midaysan uga soo saari karo xulufo awood siyaasadeed leh oo taageerta.

DHinaca kalana, Abiy Axmed, ayaa dad-weynihii kacdoonka samayniyaya ay ka sugayaan inuu geesinimo leh ugu dhiirado inuusan dhicisoobin is-bedelka ka dhashay awoodda codka dad-weynaha isla markaasna isagoo maanka ku haya kala duwanaanshaha fikradaha siyaasadeed, iyo qoomiyadeed ee dalka Itoobiya ka jira uu ka shaqeeyo sidii Itoobiya ay u gaari lahayd nidaam siyaasadeed ee u cuntama dhammaan dadka reer Itoobiya…arrintaas  oo uusan Boris waxba ka ogeyn isla markaasna uusan fahmi karin qotadeeda, balse iska dhaaf taasee, Boris wuxuu garan waayay dalkii uu ku noolaa ee uu  siyaasiga u ahaa, ee uu arrimihiisa ku dhex jiray saamaynta ay ku yeelan karto ka baxitaanka Midowga Yurub, marka muxuu ka ogaan karaa Soomaaliya is-bedelkay u baahantahay?!…Soomaaliya waxay u baahantahay waa inaan qaranimadeeda meel looga dhicin isla markaasna fara-gelinta iyo boobka ay khayraadkeeda ku hayaan kuwa magac-u-yaalkoodu yahay Beesha Caalamka ka joojiyaan.

 

[Abiy Axmed, xaalkiisu waa;

Dudumo In La Dugsado

Iyo In La Dareensadao Layskum Helo!]

Abiy, maadaama uu yahay ra’iisal wazaarihii ugu horeeyay ee ka soo jeeda qoomiyadda Orommada ama dadka Muslimka ah, waxaa uu ogyahay inuu si adag ku soo baxay, waxaana shaki  la’aan ah inuu ku soo baxay codkii shacabka Orommada ah ee raadinayay cadaaladda iyo xaqa ay u leeyihiin sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen tallada dalkooda oo illaa iyo intii ay Itoobiya dowladda ahayd laga ilaalinayay, waana middaas arrinta Abiy uga baahan inuu is bedel ku sameeyo oo shacabka Itoobiya oo dhan ay ka sugayaan, waxaana intaas oo dhan ka horeey oo ra’iisal wazaarha cusub laga sugayaa inuu si degdeg ah wax uga qabto khilaafaadka soo jiitamayay ee ugu dambayntii si loo qaboojiyo sababteeda isaga loo soo doortay, arrimaha ra’iisal wazaare Abiy Axmed looga fadhiyo ee loo soo doortay ma aha mid uu fahmi karo Boris Johnson, oo isagu caqligiisa iyo garashadiisa ay dhaafi la’yihiin hal hayskii ahaa “Boqortooyada aysan qoraxda ka dhicin!”  waxaana is weydiin mudan sababta uu Boris Johnson u door biday inuu baraha bulshada hambalyada u sii mariyo ra’iisal wazaaraha, isagoo waliba ku lifaaqaya farriin ujeeddo  guracan waqtigeediina la soo dhaafay.

Waxaa la ogyahay in ra’iisal wazaaraha cusub si looga gudbo bannaan baxyadii iyo xiisihiimuddada 3 sano ah soo taaganaa loo soo doortay,hasa yeeshee ay ururka EPRDF-ta isku raaceen in arrimaha amniga iyo ciidammada aysan isaga hoos tegin, taasoo illaa intii uu is cazilay Xaylemaryama Desalegn bishii February bartamaheddii ilaa lagu dhawaaqay Abiy Axmed bishan April 2da laysku mari weysanaa, waana arrin ku tusaysa wali heerka la kala taaganyahay iyo kala shakiga jira inta uu la egyahay. DHIbaatada u weyn ee ra’iisal wazaare Abiy Axmed haysata ayaa waxay tahay in qoomiyadihii tallada dalka isaga dambeeyay aysan rumaysnayn inaan si buuxda xilkaas loogu aamini karayn, siiba qoomiyadda Amxaarada oo iyada taariikh ahaan iska dhaadhicisay inay qoomiyadaha kale dalka ka xigto rumaysanna inay Itoobiya iyaga sameeyeen walina ka caraysan oo ka ciil qaba gobanimada ay qaadatay Eritrea. SHaki kuma jiro in Abiy Axmed uu ka fekeri doono si feejignaan badan ay ku jirto talaabooyinka uu qaadayo, waxa ugu horeeya ee hor yaalana waa inuu ilaaliyo nabad gelyada dalkiisa iyo guud ahaan midda Geeska Afrika. Waxaa ku soo jeeda oo indhaha ku haya shacab weynaha qoomiyadda Oromada, oo ka sugaya inuu sameeyo ama uu dhidibbada u taago hannaan siyaasadeed oo ka jawaabaya tabashadooda!

Abiy Axmed gacantiisa kuma jiraan labo arrimood labo arrimood oo dastuur ahaan ay lahaayeen ra’iisal wazaarayaashii isaga talada uga horeeyay, muddadii 6da toddobaad ahayd ee xulitaankiisu uu socdayna waxa ugu adkaa ee laysku mari waayay waxay ahayd inaan lagu wareejin ama aan isaga la hoos keenin arrimaha amniga iyo ciidanka dalka Itoobiya, waxaana wararku sheegayaan in xizbiyada Tigreega ( Tigrayan People’s Liberation Front [TPLF]) iyo midka Amxaarada( Amhara National Democratic Movement [ANDM]) oo ka mid ahaa is-bahaysiga xizbiga EPRDF-ta ee soo xulay ra’iisal wazaare Abiy Axmed ay iyagu hor joogsadeen in amniga iyo ciidammada ay hoos yimaadaan ra’iisal wazaaraha, taasi macnaheeda waxay noqonaysaa in ra’iisal wazaaraha ay ku adkaan doonto taabo gelinta is-bedellada ay ka filiyaan dad-weynaha inuu ku sameeyo nidaamka siyaasadeed ee dalka.

Boris Jihnson, hadalladiisa waxay u marqaati kacayaan oo keliya tuhunka ay qabaan ee la xiriiraa cidda adeegsanaysa Midowga Immaarada Carrabta, iyo Kenya, waxayna cadeyn u yihiin guumeystayaashii aysan wali ka quusan damicii ay ka qabeen inay dib u gumeystaan Afrika mar kale, Norway iyadoo Kenyaan ah bay baddeenii iyo xuddudaheenii berriga cabiranaysaa, Midowga Immaaradaha Carrabta iyo Itoobiya dekeddihii….dadka Soomaaliyeed ma garan waayin shaxda jeexan sida ay tahay…..waxaana baaq ka duwan midka uu Boris Johnson u diray ra’iisal wazaaraha cusub ee Itoobiya ugu gudbinaynaa cod dheer oo ah codka dalalkii ka soo xoroobay guumeystayaashii Afrika soo guumeystay, ee wali ka dhiidhinaya dulmiga iyo in qaaraddu waayihii mugdiga ahaa ee adoonsiga iyo gumeysiga dib ugu laabato, isagoo dib-u-fiirin ku samayniya siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya maankana ku haya Qaranimmada iyo Ummadnimmada Soomaaliya lama taabtaan inay yihiin.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada