FALANQEYN CUSUB: Maxay ka dhigan tahay Talaabada PL ay ku cadeysay Mawqifkeeda ku aadan xariirka sii xumaanaya ee Somalia & Imaaraatka Carabta?

BOOSAASO(P-TIMES)- Maalmo lasoo maray aamusnaan badan iyo telfoonada oo isdabamarayey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu si rasmi ah u cadeeyey in Puntland aysan waligeed burburin doonin xariirka soo jireenka ah ee kala dhaxeeya dawladda Imaaratka Carabta, wuxuuna bixiyey raaligalin ku aadan dhacdooyinkii dhacay, isagoo codsaday taageerada lasiiyo ciidamada badda Puntland in lasii kordhiyo.

Talaabada ay qaaday Puntland waxaa lagu beegay waqti xasaasi ah oo ay Siyaasadda u dhaxaysa Soomaaliya & Imaaraatku tahay mid kacsan, waxayna Puntland bar bilow u noqotay in ay cadeyso mawqifkeeda, maadaama ciidamada ugu xooga badan ee kajira deegaanadaas ay gacanta ku hayso dawladda Imaaraatku.

Falanqeeyaasha siyaasadeed ayaa rumeysan in miisaanka siyaasadeed ee hadalada Madaxweynaha Puntland ay noqon doonaan kuwa sima, waxyaabihii dhacayey maalmihii ugu dambeeyey, gaar ahaana waxay garab iyo gaashaan u noqon doonan sidda ay Soomaalidu ugu baahan yahay in aan qolo gaar ah laysku xirinin.

Falanqeeyashu waxay kaloo rumeysan yihiin in talaabada Puntland ay soo dadajin doonto in wadamada ku tartamaya Soomaaliya ay noqdaan kuwa danaha ay isku hayaan gaar u haysta, balse caawinta Soomaalida aan waxba sharuud ah lagu xirin.

Sidaas oo kale dawladda Faderaalka ayey uga dhigan tahay talaabo kale oo halis badan, maadaama Imaaraatka oo ay sheegeen in ay kala wareegeen tababarida ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ay hadda cadeeyeen in aysan ka bixi doonin saldhig ciidan oo kuyaala duleedka magaalada Boosaaso.

Shaki ma saarna in Xulufada Madaxtooyada Soomaaliya ee kuxiran dalka Qadar ay xooga saarayaan in ay Imaaraatka ka saaraan Soomaaliya, laakiin Puntland ayay u arkaaan caqabad weyn oo mar kasta hortaagan.

Xulufada u janjeerta Qadar ayay u tahay markii 2aad oo ay guuldarro weyn kala kulmaan isku day ay ku doonayaan in Imaaraatka Carabta looga saaro Soomaaliya, laakiin waxay ku guuleysteen in ay ka saaraan magaalada Muqdisho saldhigii ciidan ee ay maamulaysay, mase cadda waxa ka dhalan doona.

Khuburada Siyaasaded ayaa rumeysan in dagaalka siyaasiga ah uu sii laba-kacleynayo, kaas oo gaari doono heer ay adag tahay in wax laga qabto, waxaana suuragal ah in uu saameeyo arrimaha siyaasiga ah ee kadhex socda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

15 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “FALANQEYN CUSUB: Maxay ka dhigan tahay Talaabada PL ay ku cadeysay Mawqifkeeda ku aadan xariirka sii xumaanaya ee Somalia & Imaaraatka Carabta?

    1. Anigu waan la yaabaa Puntland munaafaqadeeda. Aderrr ama dawlad gaar ah noqda oo madax banana ama madaxdiina Ku Dana faya inttaad dhabar jabin uun wadaan ilaa weligiin.
      Munaafaqadu ma fiicana. Ama dawlada Somaliy uga hadha arimaha dibada soda dastuurku sheegayo ama ka goa oo goaamadiina u madax banaanaada

      Reply
  1. Mar hore ayay ahayd inuu madaxweyne Gaas cadeeyo waayo Qatar iyo Turki waxba Pl uma hayaan, abaartii cida soo gurmatay waxay ahayd Emirates. We yaan laga abaal dhicin.

    Reply
  2. Turkey iyo Qader anaga hadaanahay puntland wax nooma tarin meelaan xamar eheena wax mashaariic ah kama fuliyaan marks waa I wet puntland danteeda garataa Qiiro Japan’s farmsjo doing meeyno imaaradka waa dalka kaliya ee puntland caawiya viva madaxweene cabdiwali viva imaaradka hi a puntland

    Reply
  3. Dowladda xamar oo farmajo kalgiis daacada ka yahay inta kalane ay lugta jiidayaan puntland iskuma haleyn karto. Teeda kale khadar iyo Turkey lagama yaqaan ptl dowladda wax qabadda u muujisay UAE oo ciidamada u tababarta, kaabaha dhaqaalaha ka cawinta waa UAE marka Gaas waan ku taageersanahay go’aankaas sckm

    Reply
  4. MD Abdiweli waxuu qaaday tilaabo ay guud ahaan ku farxeen reer puntland.
    reer puntland ma gudi karaan ixsaanka iyo garabka walaaltinimo uu imaraadku la garabtaagnaa puntland 30kii sano ee lasoo dhaafay. madaxweyne farmaajo dhexdhexaad kama ahan xurgufta dhextaala qatar iyo cimaradka oo waxuu la saftay qatar. isagoo qatar u fulinaya tilaabooyinka ay rabto in ay ku gaadho quusha ay kula hardamayso imaraadka. farmaajo waxaan leeyahay sxb lataliyaashaada badal qar bay rabaan in ay kaa tuuraane. qatar hadii laga jecelyahay moqdisho hadee lagama jecla puntland. reer puntland ma iloobin hagardaamooyinkii qatar kula kacday puntland oo ay maal galinaysey duulaamadii puntland lagusoo qaadayey … meesha imaraadkku hil iyo hoo ula taagnaayeen puntland. turkigu waa ayagii galitaanka soomaalya ka dhulbilaabay puntland oo markaas maalin cad shidaaftooda u gurtay muqdisho. marka cid kasta danteeda way taqaanaa… MD farmaajo waxaan leeyahay hadii aad mooday danta muqdisho in ay tahay danta guud ee soomaaliyed sxb lataliyayaal cusub ayaad u baahantahay. bal yaa ii fasira waxa loogu waco ” qaranimada soommasliyeed”.
    ma turki iyo qatar ha la hoostago ayaa qarannimo ah. tankale somaali wali ma heshiin oo wali dagaal hoose ayaa hoostooda ka huraya… muqdishona cid bay u dhisantahay oo soomaali oo dhan uma dhisana. marka cidii ku riyoonaysa in puntland isu dhiibto qoys muqdisho ka taliya hadee riyo aad u xun ayaad ku jidhaan. aanu wada hadalno oo wax isla qabsano oo hal jaho kasoo wada jeensano markii shakigu dhexdeena ka baxo oo somaalinimadu dhab noqoto.
    inta ka horeeysa cidba ciday danu uugu jidho ha la dabaalato

    Abdiweli

    Reply
    1. waa runtaa iska daa muqdisho hormar ma rabaan hurgiri bey raacaan…hadii ey waayaan waa qarxi magaalada…kheyre baa ka denbeeya qatar oo laaluush siiyay sidii uu u noqon lahaa madaxweynaha soo socdo…fuck muqdisho waa sideedii 30kii sano oo lasoo dhaafay qarax iyo qabiil

      Reply
  5. imaaraadka waxay suurogal k dhigeen in PL laga xoreeyo burcad badeedka, laga difaaco argagisidda, intaas oo wanaag ah cid kale oo noo tartey majirn, abaal aan dhamaaneyn ayaan u heynaa UAE, haddii niman jooga Villa ay qatar u arkaan dantooda, malaayiinta reer PL waxaa dan u ah UAE.

    Reply
  6. via puntland iyo shacab keeda wanaagsan….fuck muqdisho iyo villa somalia..waa meel umadii somaliyeed lagu laayo 30kii sano ee lasoo dhaafay…cabdi wali gaas waa geesi geesi dhalay oo leh aragti dheer .nacasda iska hadlo oo hunguri raac ah baa muqdisho joogo….4.5 waa wixii lagu heshiiyay..marka kuwa wax ka sheegayo puntland iyo denteeda..horta mala socotaa puntland baa kuu soo celisay dowladda muqdisho ka dhisay…aaway abaalkii puntland ….via cabdi wali gaas

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada