Jen, Morgan oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee caasumada Puntland, xili ay S/LAND ka carootay Musharaxnimadiisa

GAROOWE(P-TIMES)- Musharax Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan Madaxweyne-nimada Puntland ee doorashada dhaw ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee caasumada maamulkaas, waxaana si weyn u soo dhaweeyey shacabka magaaladaas.

Morgan oo ka soo kicitimay magaalada Qardho ee gobalka Karkaar, ayaa xalay la kulmay Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ay ka wada hadleen arrimaha ku saabsan ammaanka, siyaasadda iyo dhaqanka, waxaana wararku sheegayaan in uu Musharaxu hadda raadinayo taageerada Shacabka.

Hadal u jeediyey taageerayashiisa ku soo dhaweeyey Garoowe iyo Qardho ayuu u sheegay in uu yahay musharax qof kastana xaq u leeyahay Is sharaxida, wuxuu sheegay in aysan 19 sanno ka dib Puntland wali gaarin nidaamka asxaabta badan ee qof kasta codkiisa dhiibanayo, balse wuxuu rajeeyey in uu ku qanacsan yahay Shacabka iyo baarlamaanka.

Jeneraal Morgan ayaa si weyn Musharaxnimadiisa looga soo dhaweeyey deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn, maadaama goobahaas ay yihiin kuwa ay isku hayaan Somaliland & Puntland, waxaana loolanka ugu adag ka taagan yahay soohdimaha lagu muransan yahay.

Si weyn aya loo sugayaa mawqifkiisa ku aadan arrimaha magaalada Laascaanood oo ay hadda isku haystaan maamulada Puntland & Somaliland, gaar ahaana Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan ciidamo xoog badan oo kala tirsan labada maamul.

8 Comments

  1. Gen Maxamed Saciid xirsi Morgan,wa nin Dadnimadisu sareyso,dhibatada jirta waxay tahay markii uu ulolamay,Aqalka Sare,nin janbeel ah aya ka guleystay,mantana dadka usharaxan xilkan 30 nin wa garayan marka walalkay oo istahila xilkan iyo kuwo kasi muhimsan,waxa muqanaysa in aaysan ahan wax sahlan.

  2. Anonymous says:

    Alla waa Mujaahid sheikh xafidullaah Morgan

  3. general moorgal hadu dorashada gukulesto puntland weel well kamaqabo dhulka kamaqan gacanta dawlada puntland waxan okahay inuu yahay general moorgal nin gesii ah ooo mudo badan soo halkamey khibrad dheer uuleh arimaha ciidama waxan rejenaya inuu sobaxo general moorgal uuna noqodono madaxweynihi ugu horeyey gacanta kuso celi dhulka kamaqan gacanta dawlada mudo kudhow 11sano inuceliyo inshaallah wana rejenena moorgal oo madax weynaha ah oo kaqodbadaytona magalada lascanood dheexdeda

  4. Anonymous says:

    sidii dad gun ah baa u hadsheen morgan xamar buu iska dhiibey asoo toobad keen ah taariikh da hada ha faafagina in uu meeshiisa ku ekaado buu ka fiican yhy rag baa u soo dhintey puntland asna puntland dadkeeda buu xamar asoo awoodleh meesha ay ku baa be een waad ogtihiin habqankooda ilaa kismaayo adunka dacaladiisa dadka soo kabsadey dhibkaa buu ku soo guryo noqdey illah hakaqabto puntland wax magarada baa u sacabo tunta wax aysan gareneny laas caano dadkeeda waa isku fikrad asaga moorgan
    waa kuwii siyaad usacabo tumaayey ayey utaal talada laaska ayagaa meesha

  5. Anonymous says:

    Haddi Siyaad Barre soo noqdo ayaanu wax tarayn, balse waa Morgan, waxaan rajaynayaa in la doorto bal aan eegno waxa uu sameeyee.

  6. ilahow anigu xaran macuno ducadaydanaha wa gacda waxan tagero waa sobaxa farmajo badakeray wana soo baxay cabdiweli gas baa tageray waa sobaxay ilahow hadeer waxan rajenaya inuu soo baxo general moorgal

  7. LAYLI says:

    GEN MORGAN WA LAGA BAQA SL.WAXBAY ISKU ASKAYSA.HADAY SIIJOGTO DHULKA PL

Leave a Comment