TOOS U DAAWO: Xafladda Caleema-saarka Beeldaaje Max’ed Beeldaaje Ismaaciil oo ka socota Carmo

CARMO(P-TIMES)- Madaxda ugu sareysa dawladda Puntland,Dawladda Faderaalka xubno ka socda iyo wafuud ka socota Deegaanada ay Soomaalidu dagto oo dhan ayaa kusugan magaalada Carmo ee gobalka Barri, waxayna ka qeybgalayaan xafladda Caleema-Saarka Beeldaajaha guud ee Beelaha Cali Saleebaan ee Puntland.

Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo ah nin dhalinyarro ah ayaa maanta si rasmi ah uga mid noqonaya Isimadda Puntland, waxaana ku caano-shubi doona Isin kale sidda uu dhaqanka deegaanadaas yahay.

Madax kala duwan ayaa lagu casumay madashan oo si qurux badan loo qurxiyey, waxaana laga jeedin doonaa khudbado kala duwan oo la xariira arrimaha Caleema-Saarka, Dardaaranka Beeldaajaha loo jeedin doono.

Madashu waxay kulmisay Isimada Puntland ugu waa weyn oo aan qaarkood waxba is arag ah yeelan sannadyadii lasoo dhaafay, waxaana lafilayaa in uu dhici doono is arag guud oo ku saabsan xaaladdaha dalku uu marayo.

PUNTLANDTIMES.COM ayaa si toos ah ugala socon doontaan Xafladda Caleema Saarka Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan ee Majeerteen.

Leave a Comment