M/weynaha Puntland oo arrin xasaasi ah ka hadli doona iyo Wariyaasha oo loo yeeray

GAROOWE(P-TIMES) Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas aya goor dhaw qaban doona shir jaraa’id sidda ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada magaalada Boosaaso, waxaana shirkan Jaraa’id wararku sheegayaan in looga hadlayo arrimaha khuseeya dhanka Mashaariicda Imaaraatka Carabtu ay ka fulinayaan gudaha Puntland.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynaha Puntland ay xalay wada hadalo yeesheen saraakiisha Imaaraatka Carabta oo ay ka wada hadleen arrimaha taagan iyo sidii xal deg deg ah looga gaari lahaa, waxaana la sugayaa natiijadii ka soo baxday oo uu ka hadli doono Madaxweyne Gaas.

Wariyaasha ayaa hadda kusugan gudaha Madaxtooyada, waxayna sugayaan shirka Madaxweynuhu qaban doono oo aroornimo hore lagu soo wargaliyey, waxaana la adkeeyey ammaanka guud ee magaalada Boosaaso, maadaama ay hadda kusugan yihiin Madax kala duwan.

Labo maalin ka hor Khuburo, Tababarayaal iyo Shaqaale caadi ah oo ku joogay Puntland magaca Imaaraatka Carabta ayaa ka baxay, waxaana banaanka u soo baxay khilaaf ku saabsan in uusan cadeyn mawqifka Puntland ee arrimaha u dhaxeeya Dawladda Faderaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho & Imaaraatka Carabta oo arrimo badan isku qabtay.

Leave a Comment