WAR DEG DEG AH: M/weynaha Puntland oo soo dhaweeyey Baaqii Boormadow, Sharuud adagna ku xiray

CARMO(P-TIMES) – Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay munaasabadda Caleema-Saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi oo ka dhacday magaalada Carmo, ayaa si rasmi ah u sheegay in uu aqbalay dalabkii uga yimid Boqor Buurmadow oo ka soo jeeda dhinaca Somaliland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay Puntland waligeedna caan ku ahayd nabadda iyo deris wanaaga oo ay soo dhaweynayso dadaal kasta oo wanaagsan, balse wuxuu sheegay in uu dalabkaas aqbali doono marka uu yeelo Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Gaas wuxuu muujiyey in uu si adag ugu jawaabay Boqor Buurmadow oo keenay dalabkan, waxaana u muuqata in ay talaabadaas ahayd mid siyaasadeed oo duurxul ah.

Goor sii horeysay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo kamid ah Isimadda ugu caansan ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay kala hadleen labada Madaxweyne ee Puntland & Somaliland sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada kusugan deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool, oo ay xooga saarayaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah boqorka Beelaha Daarood oo ka jawaabayay hadal ka soo yeeray Boqor Buurmadow oo ka soo jeeda Somaliland oo ahaa in ciidamada kusugan deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool la kala qaado, ayaa sheegay in looga baahan yahay arrintaas in ay fuliyaan Madaxda dawladda Puntland.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada