XOG RASMI AH: Hogaamiyaal caan ka ah Soomaaliya oo ku shiraya Dalka Imaaraatka Carabta, soona saaraya go`aamo.

DUBAI(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in jiro kulan guud oo ay yeelan doonaan Hogaamiyaal siyaasadeed oo xilal sar-sare kasoo qabtay Soomaaliya, Madaxda dawlad gobaleedyada qaarkood iyo Siyaasiin, kaas oo ka dhici doona magaalada Dubia ee dalka Imaaraatka Carabta, loogana hadli doono arrimaha siyaasadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya & Imaaraatka.

Xogtu waxay sheegaysaa in ay jiraan Siyaasiin caan ah oo hadda kusugan magaalada Dubia, gaar ahaana Labo kamid ah madaxda dawlad gobaleedyada Soomaaliya, Madaxweynihii hore ee dawladdii KMG ahayd, Xubno katirsan labada Aqal ee baarlamaanka Faderaalka iyo Siyaasiin caan ah.

Majirto faahfaahin laga hayo oo dheeraad ah, balse xogtu waxay sheegaysaa in ay xubnahan dhamaantood yihiin kuwa u janjeera dhinaca Imaaraatka Carabta, isla markaasna diidan in arrimaha xariirka labada dhinac ay noqdaan kuwa sii socda oo aan marnaba lagu dayan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Inta badan Siyaasiinta ayaa taageero ka hela dawladda Imaaratka Carabta, taas oo iskugu jirta dhinacyada kala duwan ee ciidamada, Dhaqaalaha iyo Dekedo ay gacanta ku hayso, waxaana lafilayaa in doodaha xiisaha badan ay noqon doonaan sidii loo mideyn lahaa doorkooda dhinacyadan oo dhan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed wuxuu si aan leex-leexad laheyn u sheegay maalin ka hor in aysan Soomaaliya waligeed ka maarmin Imaaraatka Carabta, ayna rajeynayaan in xariirkoodu uu sii socdo, sidaas oo kalena Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isna sheegay in aan cidna u buuxin Karin kaalinta Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya ay ku leeyihiin.

Ra`iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali aya sheegay in ay Soomaaliya u baahan tahay siyaasad ku dhisan ixtiraam iyo derisnimo, laakiin talaabooyinka Villa Soomaaliya qaaday ee QADAR garabka lagu siiyey ayuu ku sheegay hubanti la’aan siyaasadeed oo lagaliyey dalka, taas oo saameynteeda aan la mahdin doonin.

Xariirka u dhaxeeya dawladda Faderaalka ee hadda xukunka haysa & Imaaraatka Carabta ayaa xumaaday labadii asbuuc ee u dambeeyey, kas oo gaaray heerkii ugu hooseeyey, waxayna Imaaraatka Carabtu la baxeen dhamaan Khuburadii iyo Shaqaale caafimaad oo ka joogay magaalada Muqdisho, halka ay ku dhawaaqeen in ay joojiyeen gargaarkii ay siin jireen ciidamada dawladda Faderaalka ee Muqdisho, taas oo ka dhigan halis cusub oo dhanka Ammaanka ah iyo Soomaaliya oo beel-dareysay saaxiib wanaagsan.

11 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “XOG RASMI AH: Hogaamiyaal caan ka ah Soomaaliya oo ku shiraya Dalka Imaaraatka Carabta, soona saaraya go`aamo.

  1. Man fakar kayga soo ururiyo soomaaliya waa lagukala baxayaa waxaana lookala baxayaa. Wadaniyiin iyo dilaaliin somaliya cidii doonaysa inay sarifato masuur toobayso wixii hore idinku tagayna waa la idinkaga daba imaanayaa

    Reply
  2. Madaxweene cabdiwali waa kusax sanyahay inuu faster to imaaradka hadanahay reerpuntland imaaradka kaalun muhiim ayeey kaga hiraan horumarka iyo mashaariicda laga fuliyo puntland Qadar iyo Turkey waxeey nagu xaawiyeen majidho dowlada fadaraalka waxeey hasho xamar ma soo dhaafaan dadka sheeganaayo ineey yihiin reerpuntland ok kasoo horjeeda imaaraadka waa wax magarato cadow ku ah horumarka puntland Qiiro been ah wadani wadani dooni meeyno Waxaa Qadar loosoo dhoweesto imaaradkana lugu colaadinaayo waa inpuntland ganacsiga laga xayiro aad iyo aad baan ugu hambalyeenayaa mudane madaxweene cabdiwali guulleeso madaxweene

    Reply
  3. Adeer waxaa lakala dooranayaa dawlad wadanka kusooduushay oo doonaysa soomaaliya inay itoopiya qaybsiiso qaybna qaadato soomaali danbena lamaqlin hadeerna waad aragtaa inay rabto reer kasta xoogaa san dareera ah siiso midnimo soomaaliyeedna meesha kasaarto

    Reply
  4. midnimo somaaliyeed iyo qaran soomaaliyeed goormaa u damaysey . ma imaraad baa burburiyey mise soomaali baa burburisey, mase jireen midnimo iyo qarannimo 30kii sano ee lasoo dhaafay. kuwii midnimada iyo qaranimada soomaaliyeed cagta mariyey oo ay ka istaagi weydey ayaa hada halhays ka dhigta erayga ah qaranimo iyo midnimo soomaaliyeed.

    imaraad iyo qatar waa labo wadan oo shisheeye. mid dhaqqalaheena ayaa ku xiran oo waa imaraadka . midna waa qatar oo gadatay 75% kambaniga loo yaqaan SHELL oo raba in uu afka u dhigto badroolka soomaaliyeed. marka kee baa dabin u dhigaya umada soomaaliyeed. maxase qatar u tartay soomaali aan ahayn boorsooyin lacag aha oo ay uqaybiso kooxo hoteelada xamar jooga . madaxweyne farmaajo iyo raiswasaare kheyr xiriir toos ah ayeey la leeyihiin SHELL. kheyr waxuu u shaqeyn jirey kambanigii SOMA oo jacburka ahaa oo dhaxlay 90% badroolka soomaaliyeed.

    SOMA waxaa asaasay SHELL waxaana 75% leh Qatar. wakhtigii lays turuufayn jire dhamaa marka miska xaqiiqada ha la soo wada fariisto.

    Reply
  5. WAR SOOMAALIYEE RUNTA HALA CADEEYO HAWIYE WUXUU RABAA QADAR IYO TURKEY DAAROODNA WUXUU RABAA EMIRATE IYO SACUUDI MARKA WAX LA ISKU HEYSTAA OO LOO HESHIIN LA’YAHAY WAR AAN KAA BADSADO IYO SAD BURSI AAN ARAGNO KII KU ADKAADAA SOOMAALI MAR HORE KALA TAGTEY OO AABAHEED KU WASTEY BAA LA RAADINAYAA WAR REER WALBOOW BARTAADA JOOG ANAGU HADAAN REER PUNTLAND NAHAY MUXUU TURKEY IYO QADAR NOO QABTEEN WAR DHULKA PUNTLAND ANAGAA LEH NEE QEYRE IGU SAWIR NEE FARMAAJO AF GAROOC RUNTU WAA TAAS FUSUQA XAMAR KA SOCDA IYO QARAXA ISKA QABTA

    Reply
  6. ARAGTIDAYDA, WDANKA HADA SI CAD AYAA LOOGU SOO DUULAY OO AN GABASHA LAHAYN,

    MARKAN ARINTU WAA SOO INDHA CADCADAHAYA, WAXAANA LA RABAA IN LA TIRTIRI HANBADA YAREE SOMALI KASII HADHAY, IYADOO IMARATKA LOO ADEEGSANAYO ARINTAN.

    ARINTA QATAR, QATAR WAA DAL RABA INUU DABA QABTO WAXA YAREE SOMALI U HADHAY, SAAN AAMINSANAHAY.

    KUWAN MEESHA WAX KU QORAYA EE QATAR WAX KA SHEEGAYA WAA XABASHI IYO YUHUUD AFKA SOMALIGA BARTAY.

    AMA WAA QOLODA MASKAXDA KA WAALATAY EE BEEN LAND LA BAXDAY.

    Reply
  7. XOOLO XOOLO KALA JIRIN ADIGA CARABTA KALA SOKEEYSANAYEE YAA KAA CAQLI LIITA ANAGU WAXAAN AF GARANEYNAA EMIRATE MAXAA NAGA GALEY QATAR, MIYEE CARAB NAGA XIGAAN DADKAA ILLAAHEY ABUURTEY QOFBA CAQLIGA MEEL BUU KA GALIYAA BAL DADKA LEH QATAR BAA FIICAN EMIRATE BAA XUN KAAS SAA DHAHAY CAQLIGA FUTADA UU KAGA JIRAA LKN SHEEKADA SOOMAALIYA WAA GEEL JIRE GEELA WAA WADA JIRAA WAANA KALA JIRAA CEYNKAA WEEYAAN AMA KA NAXA AMA KU FARXAA VIVA EMIRATE FOR SO SACUUDI

    Reply
  8. Buhodle
    ileen mararka qaarkood waxbaad kala garataa???

    waad soo dhaweysey laakiin qofku iidoor ma ahan saan ku qiyaasayo, markaan lajadiisay eegay iyo eray kasoo yeeray.

    waxay ilatahay in uu Awdal ama Djibouti kasoo jeedo.

    Reply
  9. Daaroodka emaratka raba farmaajo kuma jiro miyaa dhabayacadu markay xaaladu kuxumaato shaar daarood waa gashan jireen laakin farmaajo isagaa daarood lahuba ah asal xabashi lagu ma xanto sade daarood

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada