DAAWASHO: Shacabka Buuhoodle oo yiri ‘’Jeegaanta Hargeysa, Jeegaanta Mudug & Cayn ayaa ku filan’’ Hadalo taariikhda galay

BUUHOODLE(P-TIMES)- Saraakiil ciidan, Waxgaradka, Isimo dhaqan & Xildhibaano katirsan dawladda Puntland oo maanta ka hadlayay banaanbax lagu soo dhaweynayay Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo arrimaha dagaalka PL & Somaliland u tagay Buuhoodle ayaa sheegay in Jeegaanta kooxda Muuse Biixi ay u leeyihiin jeegaan kale oo ay ku sheegeen Walaalaha Mudug & Cayn oo ay sheegeen in ay Somaliland...

XOG: Mid kamid ah Garaadadii ugu dambeeyey ee taageersanaa Siyaasadda S/LAND oo 24 saac u qabtay in ay uga baxaan G Sool.

LAASCAANO(P-TIMES) – Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah isimadda gobalada Sool, Sanaag & Cayn ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in looga baahan yahay ciidamado Muuse Biixi Cabdi in ay 24 saac gudahood uga baxaan dhamaan deegaanada gobalka Sool, ka dib markii ay cudud ciidan oo xoog badan soo gashay gobalka, kana timi dhinaca dawladda Puntland. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ah garaadka...

DAAWO: Maans0 & Gabay Suugaaneed looga hadlayo Howlgalka ciidanka Puntland ee G Sool.

GAROOWE(P-TIMES) – Xili ay sii kordhayaan dhiilo colaadeed ee ka aloosan dhinacyada Puntland & Somaliland ,haddana labada dhinacba waxay isku adeegsanayaan dhinaca Saxaafadda, waxaana warbaahinta labada dhinacba laga baahinayaa warbixino iyo gabayo u muuqda kuwa bulshada lagu kicinayo. Puntland waxay sheegtay in duulaan lagu soo qaaday oo ay iska difaacayaan weerar uga yimi dhinaca Somaliland,...

DAAWO: Shacab PL ee kusugan Boosaaso, Xudun & Boocame oo fariin u diray ciidamada SL ee kusugan Difaacyada Tukaraq.

PUNTLAND(P-TIMES)- Shacabka Puntland ee kunool magaalooyinka Degmooyinka Xudun, Boocame, Boosaaso iyo 14 Tuulo oo katirsan gobalada Barri & Sool ayaa fariin adag u diray ciidamada Somaliland ee kusugan difaacyada deegaanka Tukaraq, waxayna ugu baaqeen in ay iskaga baxaan dhulkaas,inta uusan bilaaban howlgalka Duufaanka Baluuga ah oo ay qaadayaan ciidamada Difaaca Puntland. Shacabkan ayaa amaan...

AKHRISO: Golaha Wasiiradda PL Oo markale si adag uga hadlay Duulaanka Sool, cadeysayna.

GAROOWE(P-TIMES)- Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha Wasiiradda ee dawladda Puntland ayaa looga hadlay arrimaha ka aloosan gobalka Sool, gaar ahaana dagaalada u dhaxeeya Puntland iyo Soomaliland. Golaha ayaa ku dheeraaday ka hadalka dagaalkan, waxayna sheegeen in aysan Puntland marnaba ka laaban doonin soo celinta gobalada maqan. Waxaana war qoraal...

DAAWO: Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Buuhoodle kaga dhawaaqay in aysan Dagaal joogsaneyn, si cadna ula hadlay Beesha Caalamka.

BUUHOODLE(P-TIMES)- Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland Eng Cabdi-Xakiim Xaaji Cumar Camey ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in dagaalka Tukaraq ka bilowday uusan joogsan doonin ilaa uu gaaro deegaanka Oog ee duleedka magaalada Burco. Madaxweyne kuxigeenka oo Boqolaal dad ah kula hadlay bartamaha magaalada Buuhoodle ayaa si rasmi ah u cadeeyey in ay Puntland doonayso in ay soo celiso gobalada maqan...

Isimadda, Shacabka, Taliyaasha ciidamada Gobalka Cayn oo si rasmi ah ugu dhawaaqay difaaca gobalada SSC in ay ku garab taagan yihiin dawladda PL

BUUHOODLE(P-TIMES)- Boqolaal qof oo iskugu jira Saraakiisha ciidamada, Isimadda dhaqanka, Waxgaradka, Dhalinyaradda & Haweenka magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka Cayn ayaa kaqeybgalay soo dhaweynta Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland Eng CabdiXakiim Cumar Camay oo maanta gaaray gudaha magaalada Buuhoodle. Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng Camay ayaa la hadlay Boqolaal Shacab ah oo kusugnaa...

Waxgaradka magaalada Laascaanood oo hadda u soo dhamaaday Kulan deg deg ah & Go’aan cad oo ay qaateen…

LAASCAANO(P-TIMES)- Sidda uu ku waramayo Wariyaha Puntlandtimes.com ee magaalada Laascaanood kulan gaar ah oo ka socday mid kamid ah guryaha magaaladas ayaa hadda soo dhamaaday, kaas oo ay lahaayeen waxgaradka, Odayaasha & Cuqaasha magaaladaas oo ay uga hadlayaan xaaladda ay kusugan tahay magaalada iyo sidii go`aan cad loo qaadan lahaa. Odayaasha iyo waxgaradka oo kulankoodu yahay mid qarsoodi...

DEG DEG: Golaha Xukuumada PL oo goor dhaw yeeshay kulan ay uga hadleen Dagaalka Tukaraq, Ammaanka guud & Siyaasadda

GAROOWE(P-TIMES) – Madaxweynaha Puntand Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda ee Puntland, kaas oo looga hadlay arrimaha Ammaanka, Siyaasadda, Dagaalka Tukaraq iyo arrimaha la xariria dhibaatooyinka haysta Shacabka Laascaano. Kulanka ayaa inta uu socday looga wada hadlay qodobada xasaasiga ah, waxaana lafilayaa in goor dhaw laga soo saaro warsaxaafadeed, ay...

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo kasocda Jiidaha dagaalka ee gobalka Sool & welwel laga qabo dagaal qarxa

TUKARAQ(P-TIMES)- Saacadihii ugu dambeeyey waxaa la dareemayay dhaqdhaqaaqyo cusub oo kuwajahan deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac ee Puntland & Somaliland, waxaana cabsi laga qabaa dagaal rasmi ah oo markale dib uga qarxa deegaankaas, sidda ay shegayaan Goobjoogayaal kusugan agagaarka ay dhinacyadu isku horfadhiyaan. Ciidamada ayaan tan iyo shalay galab is dhaafsaneyey...

WAR CUSUB: M/weyne kuxigeenka Puntland oo kulan la qaadanaya goor dhaw Isimadda Buuhoodle & Wararkii ugu dambeeyey safarkiisa

BUUHOODLE(P-TIMES)- Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa si rasmi ah goor dhaw u gaaray gudaha magaalada Buuhoodle, ka dib markii uu xalay ku hoyday taliska ciidamada Difaaca Puntland ee deegaanka Xamar-lagu xir, isagoo halkaas kula kulmay saraakiisha ciidamada oo ay ka wada hadleen howlaha ku saabsan dagaalka xoreynta gobalka Sool. Madaxweyne kuxigeenka oo ay...

XOG: Muuse Biixi oo Ciidamo cusub kusoo wada Tukaraq, xili kuwii hore ay qaarkood gadoodeen.

TUKARAQ(P-TIMES)- Sidda ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Burco maleeshiyaad cusub oo loogu talo-galay in lagu biiriyo dagaalka gobalka Sool ayaa soo dhaafay magaaladaas, kuwaas oo kusoo wajahan deegaanka Tukaraq oo ay hadda isku horfadhiyaan ciidamada Difaaca ee Puntland & kuwa maamulka Hargeysa. Maleeshiyaadkan cusub oo shalay tababar loo soo xiray waxaa indhahooda ka muuqday in...

XOG: Shir gaar ah oo caawa u socda Siyaasiinta kasoo jeeda G Sool ee taabacsan, kuna sugan magaalada Laascaanood & Xog ay ka heshay PTIMES.

LAASCAANO(P-TIMES) Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaano ayna ogaatay Puntlandtimes waxay sheegayaan in uu tan iyo fiidnimadii caawa socdo kulan gaar ah oo u dhaxeeya siyaasiinta ka soo jeeda gobalka Sool ee raacsan siyaasada maamulka Hargeysa oo ay hor-boodayaan Afhayeenka baarlamaanka Baashe Maxamed Faarax, Cali Khaliif Galeyr, Saleebaan Cali Koor & Cabdirashadiid Qambi, waxaana aad ay...

M/weyne kuxigeenka Puntland oo gaaray Duleedka Buuhoodle, lana kulansan Saraakiisha ciidamada Difaaca

BUUHOODLE(P-TIMES)- Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa gaaray magaalada Buuhoodle, isagoo ay halkaas ku soo dhaweeyeen shacab fara badan iyo Isimada oo kas oo baxay gudaha magaalada. Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in uu socdo howlaha difaaca dalka, gaar ahaana soo celinta gobalada maqan ee Puntland oo ay saacado kooban iska wareysan doonaan Isimadda & Waxgaradka...

DABAGAL KOOBAN: Shacabka G Sool wey hadleen, mise ka faa’iideysan doontaa Dawladda Puntland?

GAROOWE(P-TIMES) – Si aan horey loo arag ayay Midnimo & go’aan wadajir ah u muujiyeen Shacabka gobalka Sool ee Puntland kunool, kuwaas oo 11-kii sanno ee lasoo dhaafay gacanta ugu jiray badankooda maamulka Somaliland, waxayna cadeeyeen mawqifkooda ku aadan sidda ay uga go’an tahay in ay taageeran Howlgal dib looga saarayo gobalkaas maamulka Hargeysa. Deegaano aysan horey u gaarin adeegyada...

DHAGEYSI XASAASI AH: Gudoomiye kasoo goostay S/LAND oo ka hadlay waxa ka jira Laascaano

Cabdiqani Maxamuud Cabdi Gudoomiyihii degmada Godaale Ee Gobolka Sool , ayaa ka soo goostay Somaliland, ayaa shir jaraa,id ku qabtay deegaanka Buura-wadal ee gobalka Sool, ayuu Eedayn kulul u jeediyay Somaliland, Waxa sheegay inuu oga tagay Xilka uu ka hayay Maamulka somaliland Caburinta dadka ay ku hayaan sida uu hadalka u dhigay, Cabdiqani Maxamuud ayaa soo hadal qaaday dibad baxyada ka socday maalmahan...

WAR DEG DEG AH: Puntland oo warsaxaafadeed ka soo saartay Dhibka lagu Shacabka Laascaanood, una sheegtay in la xoreyn doono

Dawladda Puntland waxay u sheegeysaa Ummada Soomaaliyeed, Hay’adaha u dooda xaquuqul Insaanka sida Human Rights Watch  iyo Beesha Caalamka in shacabka ku nool Degmada Laascaanood ay ku sugan yihiin xaalad aad iyo aad u adag oo aan loo dul-qaadan karin. Degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa hadda   ka socda caburin, xarig iyo jirdil aan la aqbali karin oo loo geysanayo hooyooyin, arday...

DEG DEG+AKHRISO: Jeneraal Morgan oo fariin adag u soo diray Muuse Biixi & Kooxdiisa dagaalka doonaysa, lana hadlay Shacabka Laascaano

NAIROBI(P-TIMES) – Jeneraal Siciid Maxamed Xirsi (Morgan) oo horey u soo noqday Wasiirka Difaaca & Taliyihii ciidamada Xooga dalka ee dawladdii Kacaan ee gobalada Waqooyi Galbeed, maalmihii u dambeeyeyna ay siyaasiin iyo warbaahinta Somaliland hadal-heysay in uu qeyb ka yahay dagaalka Tukaraq ayaa si adag uga hadlay wararkaas. War qoraaleed lasoo dhigay mareegaha Facebook-ga ee Jeneraalka loogu...

DHAGEYSI XASAASI AH: ‘’Reer Laascaanood soo dhaweeya Madaxda & Ciidanka Difaaca PL ee idinku soo wajahan, maanta waa kala bixii’’ Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad

GAROOWE(P-TIMES)- XIldhibaan Saadiq Abshir Garaad oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ee laga soodoorto gobalka Sool, ahna gudoomiyaha guddiga Difaaca ee baarlamaanka ayaa si adag uga hadlay howlgalka xoreynta dawladda ee gobalkaas, wuxuuna sheegay in wax badan oo dhaliil loo jeedinayey Puntland maanta ay ciidamadu ku jiraan dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyey. Xildhibaanka ayaa sheegay in looga...

XOG MUHIIM AH: M/weyne Farmaajo oo gaaray Nairobi & Arrin xasaasi ah oo uu kala hadlayo Kenya.

NAIROBI(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo ay wehliyaan xubno katirsan golaha Wasiirada, baarlamaanka & Lataliyaashiisa gaarka ah ee arrimaha Sharciyadda, waxaana socdaalkan uu ahaa mid la qorsheeyey sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay. Madaxweynaha Soomaaliya waxaa soo dhaweeyey Wasiiro & Xildhibaano...