AKHRISO:- Uhuru Kenyatta Oo Si Adag Uga Hadlay Askartii Looga Laayay Kenya Dhoobley.

NAIROBI(P-TIMES)-Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa dhambaal tacsi ah u diray Qoysaskii ay ka baxeen Siddeed Askari oo ka tirsanayd Ciidanka xoogga Dalka Kenya oo ku geeriyootay qarax ka dhacay  Dhoobley Soomaaliya.

Askartan ayaa geeriyootay Axaddii aynu kasoo gudubnay, markii Gaari ka mid ahaa Kolonyo Ciidan gaafmeer ahaa ay haleeshay Miino nooca Baaburta ah oo la geliyay Waddada dacalkeeda.

Madaxweyne Uhuru, ayaa sheegay in uu aad uga murugooday ka murugooday dhacdadii soo wajahday Askarta naftooda u hurtay difaaca Dalkooda, wuxuuna intaa raaciyay inay sii socon doonaan howl-gallada ay kula dagaallamayaan Al-shabaab.

Mas’uuliyadda weerarkaasi ayaa waxaa goor sii horeysay sheegatay Xarakada Alshabab, iyagoo oo sheegay in ay qaraxa ku dileen 15 Askari oo Kenyaan ah kuwo kalena ay ku dhaawaceen.

Laamaha sirdoonka Kenya ayaa wada dedaallo ay Sheegeen inay ku baacsanayaan kuna ugaarsanayaan Al-Shabaab, iyagoo Gacanta kusoo dhigay Dad la tuhmayo inay xiriir dhow la leeyahiin Xarkadda Al-Shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, waxaana inta badan ay ku sugan yihiin degaanaada maamulka Jubbaland oo ah halka ugu badan ee ay ka dhacaan weerarada ugu badan ee lagu la,do.

PUNTLAND TIMES

Halkaan Ku Qor Fikirkaada