AKHRISO+XOG:- Madaxda Dalalka Kenya, Jabuuti Iyo Itoobiya Oo Shir Uga Furmayo Nairobi & Arrimaha Soomaaliya Oo Miiska U Saaran.

NAIROBI(P-TIMES)-Shir aan Caadi aheyn oo Looga hadlayo Xaalada ammaan ee Dalalka Bariga africa, gaar ahaan Dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab iyo Howl-galada Ciidamada AMISOM, ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu ka Qabsoomo Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Shirkan oo uu Qaban-qaabadiisa Lee yahay Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa waxaa ka Qeyb-galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisulwasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali.

Shirkan oo Socon doona Labo Maalmood ayaa waxaa la Filayaa in Gaba-gabadiisa laga soo saaro War-murtiyeed ku Saabsan Xaalada ammaan ee Bariga Africa, gaar ahaan Howl-galada Ciidamada AMISOM Ka Wadaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisulwasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali oo Shirka Khudbado ka Jeedinaya ayaa La Filayaa inay ku Dheeraadaan Xaalada ammaan ee Soomaaliya iyo Howl-galka AMISOM oo Ciidamadoodu Qeyb ka yihiin.

Shirkan ayaa ku soo aadaya Xilli Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, oo dhawaan Khudbad u Jeedinayay Baarlamaanka Dalkaas uu ku Dheeraaday Xaalada Nabad-gelyo ee Soomaaliya, Isagoona Xilligaas Tibaaxay in ammaanka Gobalka uu ku Xiran yahay Soomaaliya oo Xasilooni ka hana-qaado.

Dowladaha Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya oo ay Ciidamo ka Joogaan Soomaaliya ayaa Walaac Xooggan ka Qaba Fara-gelinta Dalalka Carabta, gaar ahaan Imaaraadka Carabta uu ka wado Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha Kenya oo Dhowaan arrintaasi ka hadlay Sheegay inay Soomaaliya Dhibaato ku hayaan Dalalka Shisheeye, kuwaas oo Fara-gelintoodu ay Dhabar jab ku tahay Howl-galka AMISOM.

PUNTLAND TIMES

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “AKHRISO+XOG:- Madaxda Dalalka Kenya, Jabuuti Iyo Itoobiya Oo Shir Uga Furmayo Nairobi & Arrimaha Soomaaliya Oo Miiska U Saaran.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada