DAAWO: M/weyne Gaas muxuu xooga ku saaray Khudbadiisii shirka Baydhabo

BAYDHABO(P-TIMES) โ€“ Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo si rasmi ah u furay shirka Iskaashiga dawlad gobaleedyada Soomaaliya ayaa aad uga hadlay arrimaha uu ku saabsan yahay shirkooda maanta uga furmay magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in shirkooda ay uga hadlayaan Ammaanka, oo ay doonayaan in la dardargaliyo la dagaalanka Al- Shabaab, ayna tahay in laga wada tashado.

Sidaas oo kale dawladnimada iyo Nidaamka Faderaalisimka ee Soomaaliya ayuu ka hadlay, In wada shaqeynta la adkeeyo si loo gaaro halka ay ku socoto Soomaaliya.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

6 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DAAWO: M/weyne Gaas muxuu xooga ku saaray Khudbadiisii shirka Baydhabo

  1. wlee gaas wa siyaasi awal jubaland kali ah buqorshayaasha ku fulin jiray hada gabigooda mamulada garoowa xukunta mardhawna wa inlagu dhawaqa casumada garoowe laga xukumo somalia aheeey xamar laga guur

    Reply
    1. wasakhyahay magaca dadka haka wasaqayn amiir kuteh waa taageersnnahay anagaa dadka ugu jecel caarka yagii baa tahaye dadka ha dhibin xaarow kolley intaan kaa agdhownahay ur noogu filnide

      Reply
  2. khalaf jooji aflagaadada madax weeneheena halaqabto waxna haloosheego imaaradka uudaba ordayo hakaga quusto qudus ooyuhuud lasiiyay usna waxba utarimaa yaan

    Reply
  3. khalaf jooji aflagaadada madax weeneheena halaqabto waxna haloosheego imaaradka uudaba ordayo hakaga quusto qudus ooyuhuud lasiiyay usna waxba utarimaa yaan

    Reply
  4. Abdulqadir Tallman · Edit

    Wallee xarig ay hayaan Famaajo iyo Kheyre xoolo kuma jiraan.
    Waqtigoodiiba waxay ku lumiyeen xiisad abuurid iyo sheegasho awood aan jirin: Mar la weeraro haanta dheer, mar la weeraro Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyadoo aan la haysan fasax maxkamadeed, mar habeen barkii la weeraro dad hurdaya guryahooda, mar la weeraro Senator Cabdi Qeybdiid gurugiisa iyadoo aan la haysan oggolaanshaha Aqalka Sare ee uu ka tirsan yahay senatoe Cabdi qeybdiid, Mar la weeraro Hirshabeelle, Mar la weeraro Galmudug, mar la weeraro Jawaari oo jagadiisa laga qaado, mar Xabashi loo dhiibo halgame , geesai, waddani Cabdikariim Qalbi Dhagax, mar lagu riyoodo Muqdisho ayaan hubka ka dhigeynaa, mar lagu riyoodo canshuurtii ayaan kordhineynaa (iyadoo aan la hayn meesha ay geeyeen canshuurihii hore ay qaadi jireen), mar la maago oo la khashkhashaado Imaaraadka Carabta, mar la weeraro oo jagada laga qaado Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho Mr. Taabid, Mar la weeraro oo jagada laga qaado Wasiirkii Arrimaha Dibedda Yuusuf Garaad, mar la xiro waddooyinka Xamar, mar la weeraro dawlad goboleedyada ka taliya 95% ee dalka, oo la damco in la cabburiyo, taasoo laga dhaxlay in ay is daafacaan, kana hor yimaadaan Farmaajo iyo Kheyre.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada