DAAWO:- Madaxweyne Gaas Oo Si Kulul U Weeraray Senator-ada Kala Ah Cumar C/rashiid Iyo C/rixmaan Faroole.

GAROOWE(P-TIMES)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, oo maanta ka Qeyb-galay Kulan looga hadlayay Arrimaha Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu Qabtay Garoowe, ayaa si Adag uga Hadlay Aas aaskii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Halgankii ay Puntlnd u Gashay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Gaas ayaa Sheegay in Dowlad Gobaleedkii kaliya ee Halganka u Galay aas aaska Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa Sheegay in Maamulka kale ee xilligaasi jiray inuu ahaa Galmudug oo aan dhameystirneyn, keliyana ay aheyd Magaalada Gaalkacyo barkeeda, Galmudugna xilligaasi aysan dooneyn Federaal.

“Lama rabin in la dhiso Aqalka Sare, waan qasabnay, laakiin hada waxba nama tarin, wax hada uu na taray oo uu noo soo kordhiyay ma jirto, Dagaal baan waxaan ku galnay inaan helno 11 xubnood, maadaama Dowlad Goboleedyada kale ay leeyihiin min 8 xubnood.” Ayuu yiri Gaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku taliyay xubnaha Aqalka Sare ee Puntland in ay u doortaan dad qibrad leh oo uu tusaale u soo qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, balse hada aanay meel ku sheegin, oo waxba aanay u qaban Puntland.

Ugu dameyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas,ayaa sheegay rag Aqalka sare ka tirsan oo Puntland ka tirsan oo uu gacantiisa ku qoray in ay ka soo horjeesteen Mashaariic horumarineed oo laga fulinayay degaanada Puntland, wuxuuna tilmaamay in hada uusan waxba oraneyn, balse Doorashada dambe uu sheegayo waxa ay sameeyeen.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO.

PUNTLAND TIMES

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DAAWO:- Madaxweyne Gaas Oo Si Kulul U Weeraray Senator-ada Kala Ah Cumar C/rashiid Iyo C/rixmaan Faroole.

  1. Waan ku raacsanahay madaxwaynuha hadalkiisa, waana xaqiiqa cumar cabdirashiid iyo faroole waa lagu khasaaray wax ay Puntland usoo kordhiyeena ma jidho habayaraate, waxay ahayd in booskaas ay joogaan dhalinyaro jecel dalkooda iyo dadkooda matalina kara.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada