DAAWO: Muuqaaladii Ugu dambeeyey ee dagaalka Tukaraq+Xogihii ugu dambeeyey

TUKARAQ(P-TIMES) โ€“ Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanada gobalka Sool ee ay ka socdaa xiisadaha colaadeed ayaa sheegaya in ay xaaladdu galabtay ka duwan tahay sidii ay ahayd maalintii shalay iyo maanta galinkii hore.

Cabsida ugu badan ayaa laga qabaa dagaal adag oo dhexmara labada ciidan mar kale, waxaana ilaa xiligan soconaya abaabulkii ugu adkaa oo ilaa hadda ay dhinacyadu wadaan.

Sidaas oo kale wariyuhu wuxuu sheegay in uu arkay xaaladda ka taagan deegaankaas oo ah mid dhiilo colaaded xambaarsan, dhinacyaduna ay si toos ah u helayaan gurmadyo xoog badan oo uga imaanaya magaalooyinka ay kala haystaan ee ka durugsan goobaha dagaalka.

SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA RIIX HALKAAN

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in cabsi weyn laga qabi karro dagaal weyn oo berrito ka dhaca aagaga ay dhinacyadan isku horfadhiyaan, waxaana adag in la ogaado xogaha hoose ee dhinacyadan.

 

3 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DAAWO: Muuqaaladii Ugu dambeeyey ee dagaalka Tukaraq+Xogihii ugu dambeeyey

  1. soomaaliland faakhda joojiya

    walleee ninkii dhoofku yimi bay geeridu dhibaysaaa ciidanka puntland ciddii dhimata ilaahay ha unaxariis waxay Ku dhimanaayaaa ilaaalinta dalkooda iyo dadkooda

    lkn nimanka Somali diidka ah waala arki meesha ay Ku danbayso natiijadiinu

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada