DAAWO SAWIRRO: Ciidamada Difaaca Puntland oo kusugan Gudaha Tukaraq & Wararkii ugu dambeeyey

TUKARAQ(P-TIMES) – Ciidamada Difaaca ee Puntland ayaa hadda kusugan dhanka Waqooyi ee magaalada Tukaraq oo ay afar bilood ka hor gacanta ku dhigeen ciidamada maamulka la baxay Somaliland, waxaana ay ciidamadu si dhameystiran ula wareegeen difaacyadii ugu dambeeyey ciidamada maamulka Hargeysa.

Wariyaha Puntlandtimes ee kusugan jiida hore ee dagaalka ayaa sheegay in dagaaladii cuslaa ee shalay galab dhacay ay ku qasbeen ciidamada maamulka Waqooyi Galbeed in ay ka baxaan halkan oo ah Tukaraq, ciidamada Puntland-na ay saaka subaxnimadii hore afarta jiho kala laabteen magaalada Tukaraq.

Ciidamada ayaa hadda kusugan dhanka Waqooyi ee magaalada Tukaraq, waxaana ay ku sii jeedaan deegaanka Gambara oo ay hadda duleedkeda ku dagaalamayaan ciidamadu, iyadoo la maqlayo hubka waa weyn oo laysku adeegsanayo.

Wariyaasha madaxa banaan ayaa loo diiday jiidaha dagaalka, waxaana adag in la helo fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada dagaal ee maalintii 2aad ka socota deegaanada gobalka Sool.

Ciidamada Difaaca Puntland ayaa hadda qorshahoodu yahay sidii ay u xoreyn lahaa dhulka maqan ee Puntland, gaar ahaana gobalka Sool, magaaladiisa Laascaano oo 11-kii sanno ee lasoo dhaafay ku jirtay gacanta maamulka la baxay Somaliland.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAN

 

6 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DAAWO SAWIRRO: Ciidamada Difaaca Puntland oo kusugan Gudaha Tukaraq & Wararkii ugu dambeeyey

  1. Kkkkkkkkkkk Badhi Badhi Walahay kuwan been ayaa lagu cadaabayaa shalaay ayay nala haayeen tuko raq waanu wabsanay kkkkkkk ilaa hada tukaraq ay qabsadaan daaye maydkoodii ayay guran waayeen oo ka yaaceen iyo taangiyadoodii walee isaaq idinka adag majeerteen badhi wayne 48 saac ayuu hal guuto dhaafi waayay yadoo aynu wada arkaynay in ciidamadii somaliland shalay hargaysa ku wada gaardiyayeen kkkkkkkkk

    Reply
  2. War deg deg ah…
    GAROOWE OO LOO AQOONSADAY CAASIMADA AFARAAD EE SOOMALILAAND…
    IYO CUTUBYO GAARA OO LOOSOO DHARIYEY ARINTAAS…
    waar niyow nimanku maxay ahaayeen WAR DEGDEGA oo aanay waxba ka jirinbay nagu wareeriyeene….
    Waxan intaynu ka baxno xisaaba inaga danbeysee ….. ramadan kareem ma isagu bishaareynaaa.. oo ma iska cibasdaysanaa…

    Reply
  3. Jawaab culus
    War deg deg ah…
    GAROOWE OO LOO AQOONSADAY CAASIMADA AFARAAD EE SOOMALILAAND…
    IYO CUTUBYO GAARA OO LOOSOO DHARIYEY ARINTAAS…
    waar niyow nimanku maxay ahaayeen WAR DEGDEGA oo aanay waxba ka jirinbay nagu wareeriyeene….
    Waxan intaynu ka baxno xisaaba inaga danbeysee ….. ramadan kareem ma isagu bishaareynaaa.. oo ma iska cibasdaysanaa…

    Reply
  4. WAR DEG-DEG AH: MASUULKA SADDEXAAD EE UGU SARREEYA QARANKA SOMALILAND AHNA GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND MUDANE,BAASHE MAXAMED FAARAX IYO WAFTI BALLAADHAN OO UU HOGAAMINAYO OO AY KAMID YIHIIN WASIIRKA BIYAHA AYAA HADDA GAADHAY JIIDDA HORE SIIBA DULEEDKA GAROOWE.GUUL QARANKA SOMALILAND.

    Reply
  5. WAATAA XAQIIQADU EE MAAHA RIWAAYADDA WEBSAITEYADA PUNTLAND QORAYAAN EE AY KU QARINAYAAN BAROORTA GAROOWE KA YEEDHAYSA.WAX KALE KUMA GARATAANEE PL ADHAXDA AYAY KA JABTAY.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada