DAAWO SAWIRRO+DEG DEG: Ciidamada DIfaaca Puntland oo qabsaday Hubka culus oo ay lahayd Somaliland

GAROOWE(P-TIMES)- Ciidamada Difaaca ee Puntland ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan baabuur dagaal oo ay lahayd Somaliland, ka dib dagaal qaraar oo ka dhacay deegaanka Tukaraq iyo deegaano ku dhaw dhaw subaxnimadii maanta.

Dagaalka ugu badan ayaa ka dhacay galbeedka magaalada Tukaraq, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyey dhaawacyada 20 qof oo dhinacyada dagaalamayey ah.

Hubka culus ayaa laga maqlayaa deegaanada oo dhan, waxaana ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen lix ka mid ah gaadiidka dagaalka ee maamulka la baxay Somaliland.

Wariyayaal katirsan warbaahinta gudaha oo booqday jiidaha dagaalka ayaa arkay gaadiidkan dagaalka, waxaana sidaas oo kale jira warar kale oo sheegaya in la gubay 4 baabuur oo kale.

Gaadiidka ilaa hadda lasoo bandhigay ayaa ah lix baabuurta dagaalka ah oo ay ku jiraan beebayaasha, waxaana la sheegay in gaadiid kale ay jiraan.

Maxaabiis dagaal ayaa sidaas oo kale ay sheegayaan Saraakiisha ciidamada qaarkood.


10 Comments

  1. Anonymous says:

    Breaking News, ciidanka difaaca Puntland oo wax yar u jira meel la iigu sheegay Gabara oo saldhig weyn ay iidoorku ku leeyahiin

  2. Anonymous says:

    guul puntland

  3. niihaan says:

    guuuuul,hapalyo,soomajeestayaasha,puntiland

  4. Fahad says:

    waxaan ku baaqeynaa nabad iyo in dhulka SSC ka baxaan xoogaga SNM, kadibna lagu dhawaaqo dowlad goboleedka SSC oo ka mid noqota dowladdii 6aad federaalka soomaaliya

  5. Anonymous says:

    Breaking News, Iidoor oo maanta nasiib u yeeshay inuu illaahay cirka roob ka keeno si uu dagaalku u yara hakado! Waa xaqiiq in maanta Laascaanood lagu kala bixi lahaa hadaan roob iman…

  6. Anonymous says:

    Mad fav

    Waa GUUL iyo gobanimo Soomaaliya jestayasha puntiland idoorna cashar baa loo dhigahayaa tan iyo burcana waa lawadayaa puntiland Boqortooyada hanolato

  7. tukaraq says:

    beeney waa run dagaalka waxa ku horeysay puntland oo gaadmo ku gashay guuto ciidan waxay dileen lix askri iyo laba sarkaal, waxana ay qabsaden 4 tikniko ah oo mid bb yahay. intaas ka dib wareer baa dhinaca somaliland ka yimi waxana la jebiyey oo weliba soo yaacay ciidnka puntland waxa dib loo ga qabasadey 3 ka mid ah tiknikadi maydkuna waa waran yahay meeshi. Puntland waxay la tagtey bbgii iyo qori shilke ah. somalilandtuw axay ku sugan tahay goobihii puntland.

  8. maxamuud says:

    had a waxaan Ku suga nahay tukaraq. dagaalkuna waa socdaa. magaalda. galbeed kee duu kasoc daa. cidamada somalnd ayaa xalay. gur-gurasho dhumaalaysiya kusoo galay cidama punlnd meelay fadhii sin Ku lahaayeen. kadib SAA key labadii cidan is arkeen. halkaasuuna dagaalku kaqarxay. dhimashiyo dhaa wacba wayjiraan labada dhinac dhanka smlnd buuse Ibadan yahay say dhegtu ii keentay. had a waxaan Ku diir sanay roob mar kala qaboo jiyey xabada. haday nA si aysan weligeed u dhicin uga socotaa. sadax geesoodka furimaha. lascaanood. ayaalAgeey. meyd iyo. dhasho ragaan isgaranayno. oo aan lascaanood iskuniqiin waan ka xumahay. dhanka kalena. ragaan isku iskuul Ahaan jirnay !!!!¡!!!!!!¡!¡!¡¡!!!!!! 🌙beri waasoon mantana dagaal iyo roob !!!!!! waxaan ciiidana Ee. imuuqanay. makuwiii farmaajo miyA buntlnd kama filanaayne sow ciidanka buntlnd waabad soconaysa. smlnd. ciidan keeda oo dhan waa arkay. inaa taa bood laan cidan kee du leeg yahayna malee kayn. sida ii muuqata da gaalkaani maahan mid joogsanaya. waayo ragwalbaa waxbayniyada kuhaystaan niyada ilaa rag at kufoorarsato. runta lama joogo. . buntlnd way IGA yaabisay maanta waan qori waayey. xa

  9. puntland says:

    Ssc duli ba tahay la aamus doqonimada waxaas hadaayaa lagama hadlo calaanimadaada adigaa ku dhimanaya labada dhinacba waana waajibkaaga

  10. Anonymous says:

    Ar mandhow wax xaqiiqo ah keena shacabka been ha u sheegineee

Leave a Comment