DABAGAL KOOBAN: Shacabka G Sool wey hadleen, mise ka faa’iideysan doontaa Dawladda Puntland?

GAROOWE(P-TIMES) – Si aan horey loo arag ayay Midnimo & go’aan wadajir ah u muujiyeen Shacabka gobalka Sool ee Puntland kunool, kuwaas oo 11-kii sanno ee lasoo dhaafay gacanta ugu jiray badankooda maamulka Somaliland, waxayna cadeeyeen mawqifkooda ku aadan sidda ay uga go’an tahay in ay taageeran Howlgal dib looga saarayo gobalkaas maamulka Hargeysa.

Deegaano aysan horey u gaarin adeegyada rasmiga ah ee dawladda iyo wararkeedaba ayay gaartay Duufaanta Colaaddan, waxayna Shacabku dareemeen in uu jiro qorshe dhameystiran oo ay dawladda Puntland hadda ka leedahay soo celinta Laascaanood.

Falanqeeyaasha sidda dhaw ula socda arrimaha gobalka ayaa rumeysan in Puntland ay hadda soo wajahday fursad dahabi ah oo u muuqan karta tii ugu dambeysay oo ay dib gacanteeda ugu soo celin karto dhulka laga haysto, gaar ahaana magaalooyinka laamiga iyo kuwa ka dagsanba.

Somaliland waxay beel-dareysay siyaasaddeedii ku aadaneyd gobalada Sool, Sanaag & Cayn, ka dib markii ay doorteen Shacabka Gobalada Waqooyi Muuse Biixi Cabdi oo ahaa Horjooge dagaal, horeyna xasuuqyo uga geystay gudaha Somaliland, ayna shacabka SSC u arkeen in uu yahay mid colaad huris ah.

 

DAAWO: Shacabka Deegaanada Sarmaanyo & Awr-Boogeys oo laga taageeray Howlgalka Xoreynta Laascaanood, Fariina u soo diray M/weyne Gaas

Hadalada Isir-naceybka ee kasoo yeeraya Afka Muuse Biixi Cabdi, waxay kiciyeen Laabta Wadaniyiinta gobalka Sool, waxayna dib u xasuusiyeen dharaarihii Daraawiisheed iyo sidda ay ugu diyaarsan yihiin in ay gobalkooda ka saaraan maamulka Jeegaanta.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadda haysta taageerada ugu badan ee Shacabka Puntland, ayaa markale helay taageero aysan waqtigan oo kale heli jirin madaxda xilka haysa, maadaama mudo xileedkiisa ay ka dhiman yihiin bilo kooban, haddana maanta haysta taageerada ugu badan ee dadka Puntland.

DAAWO: Shacabka Puntland ee kunool Garoowe & Gaalkacyo oo fariin Argagax leh u diray M/weynaha Somaliland

DAAWO: Shacabka Degmooyinka Taleex, Carooley, Burcadle iyo Holol oo Xoolihii ugu badnaa gaarsiisay Ciidamada Difaaca ee Jiidaha G Sool.

 

DAAWO: Isimadda Gobalada SSC oo si rasmi ah ugu dhawaaqay qaraarkii ugu adkaa oo kusaabsan Dagaalka Tukaraq, shirna ku yeeshay Buuhoodle.

DEG DEG+DAAWO: Banaanbax ka dhan ah S/Land oo ka dhacay Laascaano & Shacabka oo Fariin u soo diray M/weyne Gaas

Madaxweyne Gaas waxaa la gudboon in uusan ka labo-labeyn qaraarka dib u soo celinta gobalka Sool, isla markaasna uu wajaho sidii Shacabka Laascaano maalmaha Ciidka uu kula tukan lahaa Masaajidyada ama Barxadda Salaada Ciidda, taas oo ay naawilayaan Shacabka magaaladaas.

Waa markii ugu horeysay oo shacabka gobalada Sool & Cayn ugu midoobaan sidii Somaliland looga saari lahaa dhulka Puntland ee gobalka Sool, waxaana muuqatay in ay garowsadeen xaqiiqada loo socday oo ay dib ugu soo laabanayaan deegaanadooda.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada