Dawladda Puntland Oo Ka Tacsiyeeysay Geerida Xildhibaan C/xakiim Macalin Daahir.

GAROOWE(P-TIMES)-Dawladda Puntland waxay ka tacsiyaynaysaa dilkii caawa fiidkii lagu dilay Marxuun Xildhibaan C/xakiim Macalin Daahir oo ka mid ahaa Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland, Marxuunka ayaa caawa fiidkii isagoo soo afuray dablay hubeysan ku dishay Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Tacsi guud u diray dhammaan goleyaasha Dawladda Puntland iyo shacabkooda, sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu si gaar ah ugu tacsiyeeyay Qoyska iyo Eheladii Allaah ha’u naxariistee Marxuun Xildhibaan C/xakiim Macalin Daahir, isagoo Alle uga baryay marxuunka inuu ka waraabiyo Janno Fardowso Aamiin Aamiin.

– DHAMAAD –

PUNTLAND TIMES

Halkaan Ku Qor Fikirkaada