Ciidamada Puntland oo ku durkay Tukaraq & Iska horimaadyada meelaha qaarkood oo sii kordhaya

TUKARAQ(P-TIMES) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyeen Afartii bilood ee lasoo dhaafay cidiamada Puntland & Somaliland ayaa wararka soo gaaraya Puntlandtimes.com waxay cadeynayan in uu saakadii hore ka bilowday iska horimaad ku bilowday Ilaalo is aragtay, ka dibna ciidamada dhinacyada qaarkood ay dhaqaaq ku dareen.

Ciidamada Puntland ayaa la xaqiijiyey in ay ka jawaabeen hub lagu soo riday, ayna u dhaqaaqeen dhinaca deegaanka Tukaraq, waxayna ku guuleysteen in ay qabsadaan mid kamid ah goobihii ay kusugnaayeen ciidamada Somaliland, sidda ay sheegayaan warar laga helayo deegaankaas.

Xogtu waxay sheegaysaa in rasaas koob-kooban laga maqlayo galbeedka deegaanka Tukaraq iyo laamiga dheer, balse si rasmi ah looma xaqiijin in uu yahay dagaal rasmi ah oo ka dhex bilowday labada dhinac.

Sidda muuqata dadaaladii heer caalami ee uu waday Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya kuna tagay labadii maalmood ee lasoo dhaafay Garoowe & Hargeysa ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Puntland waxay kal hore cadeysay in aysan ogolaan doonin in dhulkeeda ay sii haysto Somaliland, taas oo ka dhigan in aysan dhinacyadu marnaba dagaal huri doonin.

FAAHFAAHINTA SI AAD U HESHO RIIX HALKAAN

Leave a Comment