DEG DEG: M/weyne kuxigeenka Puntland oo tagey Jiidaha dagaalka, La kulmay Saraakiisha Difaaca & Wararkii ugu dambeeyey

GAMBARA(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey oo naga soo gaaraya deegaanada ay ka socdaan dagaalada dib loogu xoreynayo gobalka Sool ee u dhaxeeya Puntland & Somaliland ayaa sheegaya in caawa xiisadii ugu adkeyd ay ka taagan tahay deegaanadaas, ayna berrito suuragal tahay in uu howlgalkan dib u bilowdo.

Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa tagey jiidaha dagaalka galabtay, wuxuuna tagay Tukaraq oo uu kula kulmay Saraakiisha ugu sareysa ciidamada Difaaca.

Wariyaasha kusugan Garoowe & Laascaano ayaa sheegaya in labada dhinacba ay helayaan gurmadyii ugu faraha badnaa, ilaa haddana jiidaha ay gaareen ciidamo fara badan, waxaana muuqata in ay Puntland ka go’an tahay xoreynta gobalka Sool.

Warar kale oo ay heshay Puntlandtimes.com waxay cadeynayaan in dagaal culus oo kale uu galabtay ka dhacay deegaano kuyaala galbeedka magaalada Laascaano, gaar ahaana dhinaca Buuhoodle, taas oo ka dhigan jiid kale oo dagaal.

Sidda muuqata dagaal adag ayaa bilowday, kaas oo socon doono maalmo iyo waqti dheeraad ah, waxayna labada dhinac u diyaar garoobeen dagaalkan mudooyinkii ugu dambeeyey.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dawladda Puntland, marka laga reebo Afhayeenka dawladda oo warbaahinta caalamiga ah u sheegay in ay Puntland qabsatay deegaanka Tukaraq, isla markaasna ay ciidamadu gudanayaan waajibaadka Dastuuriga ah ee kasaaran dalkooda.

9 Comments

  1. Ali says:

    CEEBTII UGU WEYNAYD BAA PUNTLAND KU DHACAYSA HADII BERRI LA SOO TOOSO IYADOO WELI SOMALILAND JOOGTO TUKARAQ.
    BAL AYNU ARAGNO INSHALAAH BERRI.

  2. guul baykasohoyisay somaliland inki hadlayaba hayiskadle

  3. Anonymous says:

    Arita qabsadhada tukaraq hadii dhabtahay bahashu Sidan wayka kululan lahay niman yaho yac yac bahashu ma diirana

  4. Salebaan Ciise says:

    Walaalayaal Garowe tacsi iyo baroor badan ayaa caawa yaalo. Idinka idin ma taabanayso anaga Garowe joogna 123 askar ayaa magaalada looga ooyay caawa oo xaas iyo hooyo iyo walaal iyo caruur laha. Waa maalin soomali uu murugo.ah.

  5. Anonymous says:

    Muuse shaani waxaan leeyahay doraad diiranaydaa shalay diricsanaydaa maanta ku dabartoo danbaa kuu runsheegtee.

    waxaa xaqiiq ah Isaaq in sifiican loo garacay hada walina laysma gaarin ee ogow. waxay dhihi jireen waana la kufsaday waanala wexeeyay Morgan baa na fara xumeeyay balse waxba horay uma dhicin hadaa qaawanaanta laysku arkin Hargaysa ayaa laysugu iman ogaada xarshin iyo daroorna looma qaxidoono Jibuti idinma ogala.

  6. Beesha Cumar Maxamuud says:

    Dhimashada Cumar Maxamuud(Majerteen) waa todoba nin (7)

    Taliye Guuto- Ina Beydaan

    Taliye- Cabdullahi Wardhab

    Iyo Shan (5) askari ka tirsana ciidanka Puntland

    Magta Camay iyo ragga dagaalkan riday ayado madaxweyne Gaas maqanyahay ayaa bixinahaya

  7. Anonymous says:

    yadaa is dileysee miyuu cadown ku soo duuley(jabkii dadkeyga iyo dameer xumaanta masuuliinta somaliyeed)

  8. NABADOON says:

    Asw war yaan raga meesha lagu layn dhulbahante waa tashaday o cali khaliif ayeey raaceen jabkii ugu weynaa shalay ciidamada Puntland waxaa gaarsiiyey waa dadka degaankaas maxaa ugu dhimanaysaan meel dadkii deegaan lahaa boowe

Leave a Comment