DEG DEG: Shirka Madasha Iskaashiga D/gobaleedyada oo goor dhaw ka furmaya Baydhabo & Ajendaha laga hadlayo.

BAYDHABO(P-TIMES)- Hogaamiyaasha Dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa kulan gaar ah maanta uga furmayaa magaalada Baydhabo galinka hore, kaas oo ay diiradda ku saarayaan arrimaha kala dhaxeeya dawladda Faderaalka.

Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in shirkan aad ay uga hadli doonaan dhinacyadu qodobada la xariria difaaca Nidaamka Faderaalka ee Soomaaliya.

Puntlandtimes.com waxay ogaatay in laga wada hadli doono qodobo ay ka mid yihiin.

  • In ay dawlad gobaleedyadu la shaqeeyaan Dawladda Faderaalka Soomaaliya.
  • Siyaasadda Arrimaha dibada, gaar ahaana Khilaafka Khaliijka iyo sidii ay go’aan rasmi ah uga qaadan lahaayeen.
  • Duulaanka DF Soomaaliya ku qaaday dawlad gobaleedyada iyo sidda baarlamaankii Shacabku u noqday mid ay la wareegtay Xukuumadda.
  • Iyo Ammaanka oo ay aad uga hadli doonaan.

Dawladda Faderaalka waxay dadaal xoog badan ku bixisay sidii ay ku baajin lahayd shirkan, balse wuxuu u muuqdaa mid qabsoomaya maanta, maadaama ay xubnaha ugu badan ee dawlad gobaleedyadu hadda tagi doonaan, iyadoo aan wali la hubin Labada dawlad gobaleed ee sidda gaarka ah taageerada uga baahan dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada