DEG DEG: Taliska Ciidamada Puntland oo sheegay in Dagaalka Tukaraq uu yahay bilowga Xoreynta G Sool, Fariin-na u diray Biixi & Taani…

TUKARAQ(P-TIMES)- Gudoomiyaha gobalka Nugaal Col, Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo hogaaminaya cutubyo kamid ah ciidamada Xoreynta ee gobalka Sool, oo la hadlay warbaahinta ayaa la weydiiyey sheegashada Somaliland ee ah in lagu soo qaaday weeraro gaadmo ah iyo in ciidamada dawladda Faderaalka ee Muqdisho weeraradan qeyb ka tahay.

Gudoomiyaha ayaa u sheegay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi & Taliyihiisa ciidamada Jen, Nuux Taani Ismaaciil in howsha Tukaraq ay ka dambeyn doonaan howlgalo waa weyn oo ay fulin doonaan ciidamada Difaaca ee Puntland.

Col, Faraweyne wuxuu si cad u sheegay in bilowga dagaalka albaabkiisa lasoo garaacay uun oo aysan wali cutubyada ciidamada Difaaca Puntland si buuxda ugu dhaqaaqday deegaanadaas.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xaqiiqada in la fahmo oo nabadda laga shaqeeyo ay mudo dheer raadinaysau Puntland, balse maanta ay taagan tahay in ‘’Nin kastaa talaabsado awoodiisa’’, taas oo ah xaqiiqada kaliya ee taala Jiidahan Tukaraq.

Goobjoogayaal ka madax banaan dhinacyadan ayaa u sheegay goor sii horeysay Puntland in dagaal adag ay galeen Somaliland, wxuuna sheegay in ciidamada Puntland ay gulo wanaagsan shalay gaareen.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada