Taliyaha ciidamada Somaliland oo ka hadlay Dagaalka Tukaraq, kuna eedeeyey Puntland.

LAASCAANO(P-TIMES)- Taliyaha ugu sareeya ciidamada Somaliland Jen, Nuux Taani Ismaaciil oo kusugan magaalada Laascaano sidda ay wararku sheegayaan ayaa xaqiijiyey in dagaal culus oo labo aag ah uu kaga bilowday ciidamadiisa aroornimadii hore ee saaka ilaa haddana uu socdo.

Taliyaha ayaa sheegay in ay duulaankaas ku soo qaaday Puntland, oo uu ku eedeeyey in ay maalmihii ugu dambeeyey waday abaabul ciidan, wuxuuna sheegay in aysan wali heynin faahfaahin dheeraad ah.

Nuux Taani oo la hadlayey daqiiqadihii ugu dambeeyey ee Idaacada BBC-da ayaa sheegay in ay Somaliland iska difaacayso weerarka uu sheegay in uu uga yimi Puntland.

Saraakiisha ciidamada DIfaaca ee Puntland ayaa dhankooda ka gaabsaday dagaalkan, waxayse xaqiijiyeen jiritaanka dagaalkan oo goor hore oo saaka ahayd bilowday.

SI AAD U HESHO FAAHFAAHINTA LA SOCO PUNTLANDTIMES RIIX HALKAAN

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Taliyaha ciidamada Somaliland oo ka hadlay Dagaalka Tukaraq, kuna eedeeyey Puntland.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada