DEG DEG+AKHRISO: Puntland oo jawaab adag kabixisay Hadalkii Muuse Biixi, Colaadda Tukaraq, Wada hadal & DF Soomaaliya?

GAROOWE(P-TIMES) – Dawladda Puntland ayaa warsaxaafadeed uga jawaabtay hadal ka soo yeeray Muuse Biixi Cabdi Horjoogaha maamulka Somaliland, kaas oo ku saabsanaa xaaladdaha colaadeed ee kataagan gobalka Sool, waxaana Warsaxaafadeed oo Madaxtooyada laga soo saaray ka muuqda calaamado cadeynaya in aysan Puntland marnaba ka laaban go`aankeedii soo celinta gobalka Sool, gaar ahaana magaalada Laascaanood.

Nuqul kamid ah warsaxaafadeed ayaa loo adeegsaday in Ciidamada Puntland ay waji gabax ku dhufteen damaca Muuse Biixi ee Tukaraq, isla markaasna uusan Madaxweynaha Puntland waxba gorgortan iyo wada hadal ah ka galeynin arrimaha Xaduudaha Puntland ee Dastuuriga ah.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa u qornaa siddan hoose.

 

Dawladda Puntland ee Soomaaliya waxay u caddeynaysaa Ummada Soomaaliyeed in Puntland  ay tahay Maamul 20 sanno dhisnaa, laguna yaqaan nabadgelyo iyo xasilooni ay kula nool yihiin dhammaan Ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan gobolada waqooyi galbeed  oo ah Maamul ay wadaagaan Puntland waxyaalo badan, isla’ markaana aan u hayno dadkiisa qadarin iyo xurmo.

Dawladda Puntland waxay u aragtaa nasiib daro in hogaamiyaha maamulkaasi oo horey u lahaa taariikh madow ahaana dagaal ooge  40 sanno dhibaataynayey shacabka ku dhaqan gobolada Waqooyi, laguna xasuusto xasuuqyadii uu ka geystay degmooyinka Ceerigaabo iyo Boorame, haddana ku haya shacabkaas colaado iyo bara-kicin joogto ah, hadaba in uu maanta ku celceliyo nabad-ayaan doonayaa taas waa hadal meel-waayey.

Xaqiiqda hadalka Madaxweynaha Maamulka Hargeysa, ka dib duulaankii  uu kusoo qaaday Puntland gaar ahaan Gobolka Sool ( Tukaraq), waxay beesha caalamku  u sheegtay Maamulkaas inay dib uga baxaan deegaanka ay kusoo duuleen, laakiin hogaamiya maamulkaasi wuxuu ku dooday inuu tegayo xuduud uu Ingriisku siiyey  arintaas oo  ah mid lagu qoslo, wuxuuna dhagaha ka fureystay dhammaan soo jeedinadii Beesha Caalamka, Isla’ markaana wuxuu duulaan kusoo qaadey deegaanka Tukaraq ee Puntland.

Kadib, waji gabax uu kala kulmay ciidamada difaaca Puntland ayuu wuxuu bilaabay inuu ku celceliyo waxaa nasoo weeraray Dawladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna kusii daray inuu miciin-sado Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaliya la kulankiisa.

Haddaba, Dawladda Puntland  waxay ku leedahay Muuse Biixi,  dhul iyo dad Puntland  ka tirsan  ma bixin karo Ingiriis iyo xuduud been ah oo warbaahinta laga sheegto, isla’ markaana Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  wax gor’gortan  ah kama  gelayo deegaamada Dastuuriga ah ee Puntland, mana bixin karto Dawladda Federaalku dhul ka mid  ah Puntland.

Dawladda Puntland waxay ku celinaysaa una xaqiijinaysaa Ummada Soomaaliyeed iyo Beesha caalamkaba in hogaamiyaha Hargeysa uu hadda soo abaabulayo  duulaamo hor leh,  taasoo uu doonayo inuu ku caburiyo shacabka Waqooyi galbeed iyo  gobolka Sool, isla’ markaana uu doonayo inuu mandiqadda ka abuuro dagaalo iyo colaado hor leh.

Dawladda Puntland waxay caddeynaysaa in Dawladda Federaalku qayb ka ahayn difaaca Dawladda Puntland ay iskaga difaacayso gardarrada qaawan ee maamulka Hargeysa  ku soo qaaday gobolka Sool ( Tukaraq ), isla markaana  dawladda dhexe  aysan ka geli  karin  gor’gortan, wadahal  ama tanaasulaad  deegaamo Puntland ay  leedahay.

Ugu dambeyn, Puntland waxay soo dhaweynaysaa cid kasta oo ka   shaqeynaysa  nabad-galyo in  lagu soo dabaalo  geyigga  Soomaaliya  oo dhan  iyadoo la ilaalinayo midnimada, qaab maamuleedka  iyo juquraafiga dalka Soomaaliya.

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DEG DEG+AKHRISO: Puntland oo jawaab adag kabixisay Hadalkii Muuse Biixi, Colaadda Tukaraq, Wada hadal & DF Soomaaliya?

  1. qofaan sharaf iyo xishood lahayn baa qora websitekaan. bal eega meel wuxu ku qoreey dawladda puntland (which is wrong because..puntland mar keliya may sheegin inay dawlad tahay ee sheegataa oo ogoshahay in tahay maamul ka tirsan dawladda federalka ah), madaxweynaha somaliland, muse bixina wuxuu ku sheegay inuu yahay HORJOOGAHA MAAMULKA SOMALILAND. taas maxay ku tuseysaa??? addaan kuu daayey. waar maxay ka dheegaan hadal meel walba cunfi geliyaan..ciidamada puntland dharbaaxo ku dhufteey..gobolada waqooyii, anaga puntland baan ku sheegnaa ee maxaa u diidey inay ku dhawaaqaan somaliland. ileyn somaliyi waa wada land e. bal eega wax la qorayo..shacab gobollada waqooyi miyaaneey sool ka mid ahayn oo ahayn wixii berigii hore loo yaqaaneey waqooyi…waa waxyaabo iska horimanaya oo macno samayneeyn. waar bal eega..waar muse biixi weligii borama iyo ceerigaabo toona kama dagaalamin..bal soo baadha,,,madaxweynaha maamulka hargeysa ayey qoreen.. oo heedhe yaa xukuma togdheer oo madaxweyne ay u doorteen…yaa xukuma ceerigaabo oo ay madaxweyne u doorteen…yaa xukuma laascaanood oo ay madaxweyne u doorteen. ma hargeysa keliya buu ka taliyaa baa leedihiin??? cajab..bal aan sii akhriyo: waxay dhul & dad puntland leedahay ma bixin karo ingiriis..dhulkaas iyo dadkaas sideey ku yeelatay waaba yaab e. yaa puntland siiyey??? bal yaa labadaan isu af-garta mid qabiil iyo harti buu xadkiisa ku saleeyey oo dastuurka ku qorteey, kana kalena xad ingiriis jeexay buu dastuurkiisa ku qorteey oo ku saleeyey??? dadka reer sool bal iyaga afti gaar ah ha laga qaado

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada