DEG DEG+DAAWO: Taliska ciidamada Puntland oo goor dhaw ku dhawaaqay khasaarihii ay gaarsiiyeen Somaliland & War culus.

TUKARAQ(P-TIMES)- Taliska ciidamada DIfaaca ee Puntland ayaa xaqiijiyey in ay khasaare xoog badan gaarsiiyeen ciidamada maamulka la magac-baxay Somaliland oo shalay weerar ku soo qaaday ciidamada Difaaca ee Puntland.

Gudoomiyaha gobalka Nugaal Col, Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo howlgalinta dagaaladan ka mid ah ayaa sheegay in ay dileen 9 sarkaal oo ahaa kuwii ugu muhiimsanaa ee ciidamada Somaliland.

Col, Faraweyne ayaa been abuur ku tilmaamay wararka ay baahinayan warbaahinta Somaliland ee ay kusheeganayaan in ay haystaan Tukaraq, wuxuuna si cad u sheegay in ay gacanta ku hayaan deegaankaas ciidamada Puntland.

HALKAN RIIX SI AAD U DAAWATO FAAHFAAHINTA

 

Ma jirto faahfaahin kale oo dheeraad ah, waxaana aan waxba xog ah laga heynin dagaal maqribkii caawa dhexmaray labada dhinac, kaas oo si xoog badan ay iskugu dhawaadeen dhinacyadu.

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DEG DEG+DAAWO: Taliska ciidamada Puntland oo goor dhaw ku dhawaaqay khasaarihii ay gaarsiiyeen Somaliland & War culus.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada